Maxaad kala socotaa in Wasiirkii hore Warshadaha guluf ugu jiro in loo magacaabo xil sare xukuumada Madaxweyne Siilaanyo?

Wasiirka hore ee Warshadaha, Maxamed Saleebaan Maxamed (Ina Saleebaan-weyne) ayaa  caan ku ahaa ,shaqsi hadalo kulul cay iyo weedho qabyaaladeed ku weerari jirey hoggaankii siyaasiga ahaa ee ururka SNM iyo weliba madaxweynaha iminka Somaliland ahaana waqtigaa gud xisbiga mucaaradka ah ee KULMIYE, kuwaasi oo uu had jeer ku tilmaami jirey qaar guuldarraystay oo aan dalka iyo dadka toona waxba ku soo kordhin doonin.

Md. Maxamed Saleebaan-weyne waxa ugu darnayd 2008 xaflad ay waqtigaasi xilka kula wareegayeen masuuliyiin cusub oo xisbiga UDUB u doortay Gobolka Hargeysa.

Hadal dheer oo Wasiirkaa hore ka jeediyey xafladdaas oo ay ka muuqdeen weedho aad u qallafsan iyo weerar siyaasadeed aad u culus ayuu ku abbaaray madaxdii siyaasiga ahayd ee ururka SNM iyo gaar ahaan hoggaanka sare ee xisbiga KULMIYE, waxa uu ku yidhi waqtigaa ; “SNM waxay noqotay wax lagu gabraarto maanta, waxa la doonayaa in laga dhigo faras dooxo jooga oo marba inan yari meesha uu doono u toocsado, horena waan u sheegay SNM laba halgan ayey gashay oo kala ah mid hubaysan iyo mid siyaasiyaasi ah, kii hubaysnaa waynu ku guulaysanay oo waataa aynu maanta ku fadhino, laakiin halgankii siyaasiga ahaa ee uu hogaaminayey Axmed Siilaanyo SNM kubka iyo bowdada ayaa lagaga jabay, kuwii hoggaaminayey ee dadka kubka iyo bowdada ka jaray waa kuwa maanta u aayey ee magaalada ordaaya.

1991-kii dawladdii Faqashtii ee dalkan ka talin jirtay iyo madaxdii SNM ahayd ee siyaasiyiinta ahaa isku maalin baa dalkan laga xorreeyey oo qoryaa la isla hortaagay oo Somaliland ku dhawaaqa ayaa lagu yidhi, miyaanay markaa kuwaa iyo faqash SNM maalin ka wada xorrayn, taariikhda haddayna siday tahay loo odhan oo aynu u xanbaarino ilmo xaaraan ah meel baynu ka dhacaynaa oo waynu gafaynaa.

Halgankii hubaysaa mujaahidiintii dalkan xorreeyey iyagaa abaal nagu leh oo aannu u mahad naqaynaa. Ku gabraatada ku gabraanaya SNM uma ogolin, SNM Somaliland bay dhashay, dadka oo la walaaleeyaa bay dhashay, dalka oo aynu u sinaanay bay dhashay, dawlad bay dhashay, dastuur bay dhashay, Madaxweyney dhashay, xisbiyey dhashay, in maanta tola’yeey ayaa ISAAQAY la isu geliyo ma aqbalayno, tola’ayeey maanta ma taalo, dalkani maanta cid u abtirsa uma baahna ee cid wax u qabata ayuu u baahan yahay, kuwa maanta qaylinayaan, waa kuwii ay ka aayo wayday ee afka laga saaray qori ee Somaliland ku dhawaaqa la yidhi.

Haddii Waraabe adhi u soo dhaco oo uu neef qaato, oo uu haragii neefka gashado oo adhigii dib ugu soo noqdo oo uu dhex fadhiisto, ma bahal baa mise waa neef adhiya?

Waar ayaan Waraabe shaadh ii soo gashan, oo ummad islaam ah may naan ahayn, waar miyaan taariikhi jirin oo nin walbaaba ma wuxuu doono ayuu sheegaynaa, nin waliba wuxuu gudo waa la yaqaanaa oo shalay dadku muu dhalan, bal akhriya gabaygii Hadraawi ee Gudgude.

Kuwaa maanta hadlayaa waa kuwii Hadraawi Qaaxo kaga quustay, waar dadkaa ayaan loo soo gashan harag been ah oo aan xoolaha loo soo dhex raacin.
Waar maanta ayaan u qabyaaladeeyaa oo yaan u idhaahdaa tola’ayeey, oo yaan u Isaaqeeyaa, maxaa la ii gaystay oo maxaa dhacay? Illaahay baa halkan innagu wada abuuray innaga [Isaaq], Gadabuursi, Dhulbahante, Ciise, Warsangeli iyo dadka waddanka kuwada nool, dalkan ayeynu wada leenahay oo innaga dhexeeya oo waxa rag ku heshiiyaana waa heshiis.

 

1991 markii qoriga lagaga xoreeyey Somaliland ummad dhan oo hayaan ah siddeed sannadood ayuu inaadheerkay [Axmed-Siilaanyo] Guddoomiye ka ahaa SNM, meel alaala iyo meel uu ummaddaa ku waday ciddi ma waydiin, waar miyaad waydiiseen kuwii odhan jiray Isaaq baanu nahayow oo miyaad tidhaahdeen horta barigii xaggeed nagu waday, horta ciddi ma waydiisay? Waar miyaan qori la isla hortaagin oon la odhan ku dhawaaq Somaliland, waar maanta maxaa soo kordhay, harag baa la soo gashanayaa oo waa Wabaare xoolo cunay oo hagargii neefka soo gashaday, waxaan kaga baxayaa talo waa mar la garan waayo iyo mar la gaadhi waayo, waxaan maqlaa haddii doorashadu la dhigi waayo daaqadaha ayaa la idiinka soo dhacayaa baa la idinku yidhaa, anigu halkay joogaan ee ugu daran ayaan ugu galaa oo waxaan idhaahdaa Haatuu burkaanak, Hindi ma ihi ka yimi Bombay, ma ihi nin aan war hayn oo Wallaahi in aanay maalin iseegin.

SNM walaalkaygii hooyaday labadayada oo qudha dhashay, wuxuu ahaa kii ugu horreeyey ee SNM ku dhinta, Habar-jeclana uma dagaalamayn, Somaliland-na uma dagaallamayn ee Balli-cabbane ayuu ku dhintay walaalkay, ninka maanta iigu yeedha tola’ayeey Isaaq baan ahay oo Habar-jeclaan ahay. Oday Burco dukaan yar ku haysta ayuu nin u yimi wuxuu ku yidhi; ?waxaad isiisaa koob shaaha iyo nus-rudal timir ah’ intii markuu cunay ayuu yidhi; ?iigu soo geli’ odaygii ayaa ku yidhi; ?Adeer waa kala xisaabe horta tii hore keen’ waar waa kala xisaab oo maanta maalintii maaha oo SNM ma joogto oo dawlad bay dhashay oo xisbi bay dhashay, dimuqraadiyad bay dhashay, ee maaha tii shalay lagu kala hadhayey, oo yaan dadka been loo sheegin.

Wixii aad qarsataa wuu ku qarsadaa, toddoba sanno ayuu xisbiga KULMIYE la yidhaa shandad nin ku sitay, maantay dildilaacaysaa, waayo wax kasta oo baadil lagu dhisaaba baadil bay ku danbeeyaan, waanad arkaysaa inay kooxi leedahay waanu ka baxnay oo waanu ka noqonay, waayo markii hore ayaannu xalaal ahayn, xalaalna duhur baa la cunaa, god madow baa lala galay, godkii baa la isku cunay. Haddii adiga oo baqaya aad god gasho habeen madow oo ay Waraabaha iyo dhashiisii kuugu soo galaan, maad kala badbaadaysaan?”

Wasiirka oo ka hadlayey qaabka uu KULMIYE u xulay ergooyinka ka qaybgalaya shirweynihiisa labaad, waxa uu ku

eedeeyey masuuliyiinta xisbiga inay dalka dib ugu celiyeen hab-beeleedkii laga soo gudbay oo dhaawac ku ah dimuqraadiyadda Somaliland ka hanaqaaday, waxaannu Maxamed Saleebaan ka dalbaday Xeer-ilaalinta Qaranka in ay tallaabo ka qaadaan cid kasta oo jabisa qawaaniinta iyo shuruucda dalka u yaal.

Ugu danbaytii waxa uu Wasiirkii hore Warshadaha ee Somaliland Maxamed Saleebaan-Weyne sheegay in la ogaan doono ragii wadanka u ooyi jiray, in ay tagi doonaan in kastoo aanu magacabin meesha ay tagayaan iyo kuwa ay yihiin.

Inkasta oo uu wasiirku badheedhihiisa sidaa u caddeeyey, haddana masuuliyiintii xisbiga UDUB ee munaasibaddaa joogay umay bogin weedhihii kakanaa ee ka soo yeedhay wasiirka waqtigaa, waxayna xubnahaasi saxaafadda ka codsadeen in aanay ka gudbin hadaladii wasiirka ka soo yeedhay.

Xigasho: Jamhuuriya

 

Hadaba maanta waxaa goobaha dowlada iyo madaxtooyada , lagu arkaa , wasiirkii hore wershadaha oo kaambeyn ugu jira sidii uu kursi uga heli lahaa xukuumada uu sidaa u dhaleecaynjirey , waxaa muran ku jirin in xukuumadan , waxkasta laga filankaro, in ay xil u magacowdo maxamed salebaan weyne , madaama rag badan oo xisbiga udub ka tirsanaa ay ku soo noqdeen xukuumada cusub , inkastoo uu wasiirka hore wershadaha uu ka darajo sareeyey xubnahaasi udub, oo ay iyaga laftoodu u qajili jireen .

bal waxaan dhowrnaa waa `inuu ku guuleysto ,riyadaasi uu ku jiro, madaama uu rajo ka qabo inuu helo xilkaasi uu rajeynaayo.

By, Salebaan Xirsi Faarax

Harg Somaliland