Maxaabiis ka Baxsaday Xabsiga Laascaanood

Laascaanood(SLpost)–Xabsiga dhexe ee magaalada Laascaanood ee xarunta gobolka Sool, waxa ka baxsaday maxaabiis ilaa 16 maxbuus ah saaka, waxa ay qaarkood ku eedaysnaayeen dil.

Waxa baxsasashada fududeeyey qaar ka mid ah ilaalada xabsiga iyo saraakiil ka tirsan ciidamada asluubta, sida uu sheegay gudoomiyaha gobolka Sool Yaasiin Maxamed Shide.

Shide waxa uu sheegay in hal askari uu ku dhintay intii ay socotay isku dayga baxsadka maxaabiistii ku xidhnayd xabsiga Laascaanood

 

Isaga oo arinkaa ka hadlaya badhasaabku waxa uu yidhi “Ma Jirto Jabhad Hubaysan oo jeelka weerartay, ma jirto qabaa’il isasoo urursaday oo jeelka soo weeraray laakin jeelka inay maxaabistu ka baxsato markaan cadeeyo waxan filayaa inay annaga dhexdayada tahay, ay ciidanka asluubta dhexdooda ka timid mana jirto jabin jeelka la jabiyay ama rasaas lagu weeraray”

Waxa kale oo uu gudoomiyuhu yidhi “Way jirtay dhawr jeer oo hore oo la isku dayey in jeelka la jabiyo lagumana guulaysan, laakiin tan xalayto dhacday tii hore la mid maaha. Ta xalayto dhacday waxay ahayd arin ka timid jeelka dhexdiisa. 17 maxbuus baa 1 qofna (Askari dhaqan celin jeelka loogu hayey) dhintay 16 na jeelka ka baxsadeen”

Waxa uu gudoomiyaha gobolka Sool sheegay inay raad gurayaan oo ay raadinayaan cidii fududaysay baxsashada maxabiista iyo walibana maxabiistii baxsatay sida ugu dhakhsaha badanna ay uu soo qaban doonaan.