Maxaa Laga Mudaharaadi haddii…?! – W/Q: Faarax Maxamed

Markaan damcay in aan wax ka idhaahdo xaaladaha la xidhiidha banaanbaxyda iyo mudaharaadada ka dhaca dalka waxa igu adkaatay halkaan ka bilaabi lahaa sidaa aawadeed ciwaankii waa dhamystiri kari waayey ! waxan dhawr goor is weydiiyey maxa loo soo baxaa? Dadka soo baxaa ma dad cadhaysan oo keliyaa? Mise ujeedo kale ayey leeyihiin Maxa mar kasta oo banaanabax dhaco dhimashona u dhacdaa ? Maxa si fudud loogu takri falaa waxa ugu qaalisan ee ibnu aadamku haysto naftiisa? !.

Soomaliland waa dal yar oo in badan dadkiisu ku soo wada noolaa is afgard, isu dulqaadasho, iyo xooogaa kale oo xeer jabajab la isu minguuriyey ah si loo helo deganaanshiyo iyo xasilooni, kuwaasoo lagama maarmaan u ah nolosha bulshada. Iyada oo ay sidaa la isla wada qirsnayahay ayaa hadana mararka qaarkood waxa dhacda in xaalku dhabqo oo uu ku dhowaado ama uu gaadhoba gacan ka hadal iyo in  xabad la isula baxo oo dhiig daato.

Waxa ay madaxda dalku in badan tilmaamaan kuna celceliyaan in ay ku dhaqmayaan nidaam dimuqraadi ah kaas oo ay balan qaadeen oo weliba ku dhaarteen in ay dadka iyo dalka ku hagayaan, hadana waxa in badan dhacda in shayga ugu yar ee dumuqraadiyada lagu asteeyo cidhiidhi la geliyo – sida laga dhadhansan karo xeerkan cusub ee dhakhsaha loo ansixiyey kaasoo dadka qaar durba u arkaan jid cusub oo ay dawladu jeexatay meel uu u jeedona aan aad loo wada garan. Fiicnaan lahayda in qodob walba oo dalka iyo dadka dani ugu jirto inta aan la sharciyeyn in marka hore laga doodo oo baarlamankii la soo doortay aragtiyohooda ka dhiibtaan sida badiyaa ka dhacda baarlamaanaada la soo doorto. Laakiin baarlamanka Somaliland waxa uu ku caanbaxay in albaabada loo furo marka xeer diyaarsan loo codaynayo ama wasiiro mudo shaqaynayey iyana loo codeeyo oo si aqlabiyad ah lagu mariyo !

Su ‘aashii hore ayaan weli jawaab u la’ahay.  Aan mar labaad ku noqdee maxaa loo mudaaharaadaa? Dee waxa aynu nahay dal dimuqraadi ah ! oo hadaa maxaa loo maqli waaya dadka mudaaharaadaya waxay sheeganayan ama tabanayaa? Mise qadiyad ma laha ee waa iska soo baxeen oo waa qas wadayaal ? miyaaney jirin cid matasha dhinaca siyaasada ? Baarlamaanku muxuu uga doodi waaayey xuquuqda mudaaharayasha waxay leeyihiin iyo waxa lagu leeyahay?! Ma xisbiy oiyo ururaa ka danbeeya? Su’aalahaa midna jawaab sugan uma hayo. Waxan se ogahay ama la wada ogyahay in dhibaatada ka dhalata Mudaaharyada aan hab dimuqraadi ah iyo wax dhow toona lagu xalin. Ee xeer jajab loo xawilo, wixii intaa dheerna oday dhaqameed loo diro, oo dib loogu noqdo geedkii tobanaan gu’ hortood laga soo guuray. ka dibna iyagu madaxda ugu sareysa dawlada too ula xaajoodaan.  Waa xaalad aan la fahmi karin oo madaxa daalinysa.  sidaa awgeed weli waxa la si weydiin karaa? Maxaa marka horeba, dhalinta iyo dumarka loo lugoynayaa?  Haddii aanay waxba soo kordhinayn ? ama haddii aan waxba lagu qaadanayn Maxaa naf dhan loo khasaarinayaa?! Haddii siyaabo kale la isu afgaran karo. Maaxa dimuqraadiyada loo masibidayaa !!

Faarax X.Maxamed