Maxaa ku Cusub Wada-hadalka Somaliland iyo Somaliland ? (Warbixin)

Wada hadalada ayaa ah kuwa ay Bulshada Somaliland, si gaar ah isha ugu hayaan waxaase shaki laga muujinayaa, dabarka ay ku sameynayaan Soomaaliya iyo sida shirkaas wax uga soo bixi doonaan.

Wadahadalkii u dhaxeeya Somaliland iyo Soomaaliya , ayaa maanta oo Axad ah 1-da Bisha March lagu ballansan yahay, inuu ka furmo dalkaTurkiga.

Wafuud labada dhinac ka kala socotay ayaa gaadhay Dalkaasi Turkiga, si maanta wadahadalka u furmo, Weftiyadda labada dhinac ayaa ku sugan magaalada Istanbul, waxayna u diyaar garoobayaan falanqeynta ajandaha shirkooda oo ah mid lagu sii falanqeynayo qodobadii heshiisyaddii ku saabsanaa ee ay horay uga gadheen iyo arinta Masiiriga

Wada hadalo 2015Kulankan hadda dhacaya ayaa wuxuu ka dambeeyay heshiis ay labada dhinac sanadkii hore ku gaadheen Jabuuti oo dhigayay in mar kale ay ergooyin u dirsadaan dalka Turkiga si ay halkaas isugu arkaan oo u sii dhammeeyaan arrimaha ka hadhsan fulinta heshiisyadooda hore iyo ku dhiirashada qodobka masiiriga , labada dhinac ayaa waxay in badan isla falanqeeyeen arrimo ku saabsan xidhiidhkooda, waxaase wali la sugayaa qodobo xasaasi ah oo mustaqbalkooda khuseeya sida Gooni-isutaaga iyo midnimada Somaliweyntii saqiirtay.

Labada dhinac ayaa dhowr mar ku kulmay Ingiriiska , Imaraadka Turkiga iyo Jibouti , inkastoo dhinaca Soomaaliya  lagu dhaliilo inaysan ahmiyad siinin waxyaabaha muhiimka ah ee la doonaayo in laga wada hadlo, markastana ay carqaladeeyaan.

Waxa hoggaaminaya weftiga Somaliland Wasiirka Amuuraha dibada Somaliland oo maalmo ka hor ku sii xaadiray dalka Turkiga.

Sidoo kale Dhinaca Soomaaliya waxaa wafuuda hogaaminaya Wasiirka Arimaha gudaha C/raxmaan Odawaa oo aan wax badan kala socon siyaasada iyo halka ay marayaan wadahadaladu.,sidoo kale waxaa ka mid ah Wasiirka Warfaafinta Maxamed Cabdi Xayir Maareeye, Wasiirka Gaadiidka iyo Duulista Hawada Cali Axmed Jaamac Jengeli, Wasiirkii hore ee gaadiidka iyo duulista Hawada Saciid Qoorsheel oo ka soo jeeda Somaliland , qaabkan ay u soo dareen xubnaha ayaa ka soo horjeedda heshiisyaddii hore ee la gaadhay, isla-markaana loo akhrisanaayo in shirka lagu carqaladeynaayo in Somaliya ku darto xubno asal ahaan ka soo jeeda Somaliland..

Heshiiyadaasi hore waxay ku burbureen muddo kooban, ka dib markii dhinacooda Somaliya ay gebi-ahaanba ay fulin weyeen, isla-markaana lagu eedeyay, inay wax ka socon la’yihiin ,oo qodobadii lagu heshiiyay ay dhaqan gelin-weyday iyo weliba dhowr jeer oo uu dib u dhac ku yimid shirarka labada dhinac dhex mari lahaa, si kastaba wada-hadaladaasi dhamaantood,  ayaa u muuqday mid aan midha-dhal lahayn, si kale hadaan u dhigno qorshaha somaliya waxaa laga fahmay uun, inay wadahadalada iska socdaan, go’aanka ka soo baxaana , uu noqdo mid aan fulin oo la jebiyo markasta, qodobkii ahaa in laga dhawr-sanaado waxyaabaha wada hadalka carqaladayn kara. kuna kaceen aflagadooyin iyo weliba fulin la’aan wixii la isku afgartay.

Marka hore waa in la ogadaa Somaliland Iyo Soomaaliya mar hore ayey kala –baxeen , waxaa laga hadlayaa waa mustaqbalka iyo danaha inaga dhexeeya , in laga wada hadlo, waxaanu la ogyahay in dalalka caalamka ee kala-baxay ,iyagoo isku –jira ay wada-hadleen , dabadeed ay si walaalnimo u kala gurteen , lakiin Somaliland way ka duwantahay , wadan jira oo waxkasta u gaar u yihiin oo Qaranimadeedu ay tahay mid jirta taama oo go’aan shacab ku timid, diyaarna u ah inay difaacdo qaranimadeeda.

Wada hadalka labada dhinac ayaa saxaafaddu loo sheegay in loogu talagalay iney socdaan labo maalmood oo kala aha Axadda iyo Isniinta.

Waxaa muhiim ah  in dhinaca Soomaliya  lala  xisaabtamo oo wixii intii midnimaddu jirtay  1960-1991 kow iyo sodonkaa sano, wixii dhaqaalaha ah ee ha noqoto dhinackasta  la yidhaahdo aan si degan u xisaabtano,isla markaana wixii dayn lagu leeyahay somaliya ,  anaga Somaliland inama khusayso,wixii inagaga maqan aan ka helno, deynkoodana waa la garanayaa waxii ay galeen halkii ay galeen ayaa lagu leeyahay madaama ay xaqeenii ku maqanyahay.iyadoo sharci-yaqaano ay u baahantahay.

Waxaa ay haboontahay inaan si wanaagsan ula xisaabtano oo si wanaagsan ,isla-markaana weliba hab ku qotoma gobonimo laysu maca-salaameeyo , noqono labo wadan oo walaalo ah oo wadaaga islaamnimo,tolnimo,derisnimo ,layskuna nicin kala-duwaanshaha dhinaca qadiyadaha ,isla-markaana wixii la isku dhaamo lakala faaideysto, laysna kaashado.

waxaana aan leeyahay sheekadda xubno ka soo jeedda Somaliland lagu soo daray weftiga dhinaca kale , ayaa ah mid waqtiga lagu luminaayo, ama haddii aan si kale u dhigno , sidii aanay wada-hadaladdu midho-dhal u noqon, isla-markaana iska socdaan muddo badan ,iyadoo laga dheregsan nuxurka dhinaca Somaliya ka meermeeriyaan runta iyo xaqiiqada arimaha masiiriga ah.

Geba-gebaddii :- Wada hadalada ayaa ah kuwa ay Bulshada Somaliland, si gaar ah isha ugu hayaan waxaase shaki laga muujinayaa , dabarka ay ku sameynayaan Soomaaliya iyo sida shirkaas wax uga soo bixi doonaan.

Hadal iyo dhamaan waa in dawlado dhexdhexaad ahi,  ay dhex fadhiyaan ,waana u muhiim shirkan iyo kuwa soo socda , haddii kale wada hadaladu waxay noqonayaan kuwo iska socda , oo cidna dani ugu jirin, una baahan yihiin in la soo Gebba-gebeeyo.

Ma jiro war ay labada dhinac ka soo saareen kulankooda la filaayo,  inuu maanta dhaco, madaama dhinaca Somaaliya ay caqabado markasta ku gudbayaan, balse wixii arrimahan ku soo kordha dib ayaan ka ogaan- doonnaa insha allaah.

 

ALLAA   MAHAD    LEH-

W/Q: Adan Yusuf Elmi