Maxaa Keenay In Golaha Wakiiladu Dur-duro Ku Ansixiyo Mooshin Aan Laga Doodin? Faallo: Weriye Khadar Cabdi Muuse

khadar-cabdi-muuseIyadoo marka horeba ay sharci darro  ku shaqaynayeen ganacsatadda soo dejisa  baabuurta oo aanu jirin   mid qudha oo wasaaradda Hawlaha guud ka haysta rugsadda ogolaanshaha ee cadaynaysa in ay  ka ganacsadaan  gaadiidka, ayaa haddana  mar labaad si jujuub ah Golaha Wakiiladu u joojiyeen lacagta  adeeg ah ee lagu hubinayo bed-qabka  gaadiidka ay dalka soo gelinayaan.

Mooshinkaasi  ay Golaha Wakiiladu ku laaleen  Sabtidii todobaadkan  lacagta adeega ah ee lagu hubinayo bed-qabka  gaadiidka ayaa u muuqday mid   lagu deg-degay, isla markaana aan la soo marin dariiqii sharciga ahaa, iyada oon  xildhibaanadda Golaha loo qaybinin  mooshinkaasi lagu  joojinayay lacagta adeega ah ee Wasaaradda Hawlaha Guud ku soo rogtay baabuurta lala soo degayo in laga qaado.

Waxa  cod loo qaaday mooshinkaasi iyadoo aan la dhegaysan warbixintii ay dhawaan magaaladda Berbera ka soo diyaariyeen Guddiga dhaqaalaha ee wakiiladdu oo kulamo gooni gooni ah la yeeshay Ganacsatada iyo xafiiska adeegan  bixinaya ee ku yaalla dekadda Berbera.

Sidoo kale, waxay ahayd in Shirgudoonku      la Taliyaha sharciga u dhiibaan si uu wakhti kooban ugu soo darso in mooshinkani waafaqsan xeer hposaadka Golaha iyo in kale. Iyadoo aan dariiqii mooshinkaba la marin ayaa xildhibaanno si gaar ah iskugu il-jabiyay iyo shirgudoonka oo balamay ay markiiba cod geliyeen oo ay yidhaadeen mooshinkaasi waa la ansixiyay oo maalintii la keenayba dur-duro lagu ansixiyay.

Waxa  la sheegay in xildhibaanaddii  mucaaridka ah ee qorshahani dabadda ka riixayay   in ay lacag soo siiyeen macradadda baabuurta soo dejiya,taasi ayaanna ah sababta   keentay in mooshinkaasi maalin gudaheed lagu ansixiyo.  xildhibaanadaasi oo intooda badan ahaa kuwa ku abtirsada xisbiga Waddani, oo uu hormood u  ahaa xildhibaan Siciid Cilmi Rooble, oo isagu ku caan-baxay inuu masaariifsado hadba mooshin ama xeer uu lacag ka helayo.

Waxaana  la sheegay in codkii ay golaha wakiiladu ku laaleen lacagta adeega ah ee lagu hubinayay bed-qabka gaadiidka uu ahaa qorshe ay isla ogaayeen Guddoomiye Cirro iyo xildhibaanadda xisbigiisa ka tirsan, isla markaana ay taasi sababtay in la afduubay lana jujuubay mudaneyaashii kale ee dooda ka qabay arrintaasi gaar ahaan gudidda dhaqaalaha golaha wakiiladda oo aan lagu camal falin arragtidii Guddiga dhaqaalaha.

Somalilandpost

Hargeisa Office