Maxaa ka Qabsoomay Shirkii Xalay Madaxweynuhu Ku Dhexdhexaadinayey Kulmiye, Yaase Ballanka ka Baxay?

 

Hargeysa (SLpost) – Kulan habeenkii xalay madaxweyne Siilaanyo la lahaa garabyada isku haya khilaafka Kulmiye, ayaa waxa kasoo xaadiri waayey, isla-markaana ku badhi furay garabka ay gadh-wadeenka u yihiin guddoomiye-ku-xigeennnada golaha wakiillada, md Baashe Faxamed Faarax iyo Cali Yuusuf, waxana gebi ahaanba baaqday fadhigaas oo madaxweynuhu uga gol lahaa inuu khilaafka ku turxaan bixiyo.

Madaxweyne Siilaanyo oo isagu ah mus-dambeedka xisbiga Kulmiye, ayaa habeenkii xalay kulankaas u qabtay garabyada isku haya arrimaha shirweynaha golaha dhexe ee xisbiga, waxana garabka guddoomiyaha xisbiga wakiil ka ahaa guddoomiye-ku-xigeenka koowaad ee xisbiga md Maxamed Kaahin Axmed, xog-hayaha guud Md Xasan Siciid Yuusuf iyo waliba xog-hayaha golaha dhexe Md Mustafe Waxdad, halka garabka dibadda ku maqanna ee kulanka kasoo xaadiri waayeyna kulan kan ka horreeyey oo ay madaxweynaha la qaateen ay u metelayeen, guddoomiye Baashe Maxamed Faarax, ku-xigeenkiisa Cali Yuusuf, guddoomiye-ku-xigeenada labaad iyo saddexaad ee xisbiga kulmiye, Maxamed Xaaji Yuusuf Waabeeye iyo Cabdiraxmaan Talyanle iyo waliba agaasimaha maamulka iyo lacagta ee komishanka la daggaalanka AIDS-ka.

Kulankani baaqday ayaa daba socday Kulamo isdaba socday oo uu madaxweynuhu hore si kala madax bannaan ula kala yeeshay garabyada is haya, iyadoo qolo walibana doodooda si madax bannaan madaxweynaha hortiisa uga dhiibatay, waxana Ballantii xalay ku badhi furay garabka cadhada ku maqan oo madaxweynaha kusoo wargeliyey inaanay kulankaasi iman Karin hawllo iyaga u gaar ah darteed.

Xogaha kulankaasi ku saabsan, ayaa intaas ku daraya in madaxweynuhu xalay diyaariyey fadhi ballaadhan oo dhinacyadu yeeshaan, isagoo goobta ku diyaariyey guddi Shan xubnood ka kooban oo ka kala socday Xeer ilaalinta, Maxkamadda Sare, Komishanka Doorashooyinka, Guddida Diiwaangelinta Ururrada iyo Axsaabta Siyaasiga ah, iyo Guddida La Dagaallanka Musuqmaasuqa iyo Maamul Wannaaga oo uu metelayey Guddoomiye Axmed Muxumed Madar, waxaana uu ku talo galay inuu khilaafka u dhammeeyo si cilmiyeysan oo isqancin iyo tanaasul ku jiro, isla-markaana la lafo guro magacyada iyo liisaska golaha dhexe ee muranku ka taagan yahay. Ma cadda dareenka madaxweynuhu ka bixiyey badhi-furka kooxda is bahaysiga musharixiintu xalay ku samaysay ballantii uu u sameeyey, balse waxa Xogaha aanu haynaa sheegayaan inuu Madaxweynuhu sii xaqiijiyey fikirkii uu hore u qabay ee ahaa in Hawlaha xisbigu si habsami leh u socdaan, isla-markaana Kooxda cabashada wadda doodoodu aanay cilmiyeysnayn.

Doodaha Labada Dhinac Madaxweynaha Hor dhigeen:

Ugu horrayn habeen hore ayuu madaxweynuhu qasrigiisa kula kulmay Xubnaha Baarlamaanka u badan ee metelayey garabka isbahaysiga musharixiinta, waxana ay madaxweynaha hor dhigeen dood nuxurkeedu ahaa laba qodod oo kala ahaa, In dib loo eego madax-bannaanida habka shirka loo qabanqaabinayo oo ay si weyn uga cabanayaan Liiska Xubnaha Shirka iman doona iyo qodobka labaad ah oo ahaa in Dib loo dhigo shirweynaha Golaha dhexe ee Xisbiga oo muddo kooban ka hadhsan tahay xilligii loo asteeyey. Kulan kale oo shalay duhurkii uu madaxweynuhu la qaatay garabka Garabka kale ee lagu eedaynayo in ay afduub ku haystaan xisbiga, ayaa isaguna ahaa mid kaas hore aad uga fogaa, waxana ay xubnihii madaxweynaha la kulmay oo uu hormood u ahaa Maxamed Kaahin Axmed ay dooddooda saldhig uga dhigeen qoddobo dhawr ah, waxana ay madaxweynaha u sheegeen in abaabulka shirku si habsami leh u socdo, isla-markaana ay isdiiwaangeliyeen tiro saddex boqol ka badan oo golaha dhexe ahi, isla-markaana aannay jirin sabab dib loogu dhigo shirkaas ayaamuhu ka dhiman yihiin. Inkastoo uu madaxweynuhu horeba ugu qanacsanaa sida qaban qaabada xisbigu u socoto, haddana waxa uu door biday inuu qollada cadhada ku maqan qanciyo, waxana uu u qabtay Ballantan xalay ee ay iyagu ku badhi-fureen.

Dhinaca kale warar lagu kalsoonyahay ayaa sheegaya in Madaxweyne Siilaanyo xalay guddi u magacaabay soo afjarida khilaafkan, kuwaas oo kala ah Wasiirka Gashandhiga Axmed X. Cali Cadami, xeer ilaaliyaha guud Xasan Axmed Aadan, guddomiyaha komishanka maamul wanaaga iyo la dagaalanka musuqmaasuqa Axmed Muxumed Madar iyo guddoomiyaha guddida diiwaangelinta ururrada siyaasiga ah Cabdirisaaq Ciyaalle iyo ugu dembeyn xubin ka tirsan komishanka doorashooyinka qaranka Somaliland Arintan ayaa timid ka dib markii uu xalay Madaxweyne Siilaanyo isugu yeedhay Garabada isku haya Xisbiga Kulmiye.

 

Source-Hubaal