Maxaa ka Khaldan Habka la isku Doorto ama Wax loo Doorto Soomaliland Gudeheeda

 

Waxaynu maqalnaa sheekooyin aynaan jeclaysan oo ku dhisan qabyaalad iyo qof jeclaysi. Waxaad la socotaan in hada aynu ku jirno wakhti ay xamaasad doorasho in ahayso, waxaad aragtaan maalin kasta reer hebel ayaa taageero u muujiyey hebel. Waxaan aragnaa kuwo kale oo leh kaa ma taageersanin . hadaba waxaa is waydiin leh doorshada maxaynu u naqaanaa? Malahayga, qaar waxay u yaqaanaan in hebel oo ay isku dhawyihiin la doorto si ay faan iyo maqac ugu noqoto, kuwo kale waxay u yaqaanaan inay badhaadhe iyo barwaaqo qaadhi doonaan haduu hebel meesha u fadhiisto sobobta oo ah inay ka fursad badan yihiin dadka intooda kale.

 

Qaar kale ayaau haysta inay bahdilaad iyo maqac xumo ku tahay inay wax xukumi waayaan. Intaas iyo kuwo kaloo badan ayaa jira oo aan la soo koobi Karin. Mid kalaa iswaydiin leh, horta doorashada maxaynu ka dhaxalnaa? Waxaa laga yaabaa inay dadku kula figrad duwan yihiin, tayda markaan cabiro waxaan ka dhaxalnaa, tafaraaquq iyo kala fogaansho, xintan iyo xaasidnimo, dhaqaale burbur iyo wax la halmaala.

Habka iyo nidaamka aan wax ku dooranaa waa mid aynu dad kale kaga dayano ee maaha mid aynu maskaxdeena iyo maankeena ka keenay. Markaad waddo aanad lahayn marayso waa inaad cidii taqaanay waxwaydiisa si aanad u lumin. Dadkii wadada aynu hada doorasha u marno samaystay waxay garteen in ay u cadaalad sameeyeen kuwa hanka leh ee doonaya inay wax maamulaan. Waxay ka gudbeen reernimo oo waxay ku badasheen  hawlkarnimo iyo hiigsasho. Halka inaga arkayso wax taasi ka gadisan oo ah reernimo  iyo wax ka hooseeya. Malihi qofkasta oo inaga mid ah caqligiisu sidaas ayuu u shaqeeyaa ama u fikiraa mana lihi dad halka ka sareeya inagamay dhalan, laakin dhaqanka caynkan ahi waa mid ku xoog weyn bulshadeena dhexdeeda.

 

Xisbiga talada hayaa waa xisbiga kaliya ee illaa hada leh musharixiin dhowr ah, waa xisbiga looga fadhiyo inuu wax cusub ku soo kordhiyo umada dhexdeeda, waa inuu dadka hada baraa in xisbiga dhexdiisa lagu tartami karo si xalaal ah. Waa inay ka fogaadaan shirarka hoose ee wax u dhimi kara meeqaamkooda.

 

Hadaba, hadaynu rabno in aan guul ka gaadho doorashooyinka waa inaynu halbeeg ka dhiganaa wax umadeena dan u ah, waa in laga gudbaa qof oo loo gudbaa mabda’a. ka aad dooranayso waa inaad ku doorataa karti iyo aqoon. Waa inaad ka fogaato waxyaabaha aynu hada caanka ku nahay ee odhanaya hebel ayaa hebel raacsan iyo heblaayaa hoosta kala shaqaynaysa, iyada oon la gaadhin miiskii lagu kala bixi lahaa.

 

Ugu dambayna waxaynu odhan lahayn waxa ugu wayn eeynu ka halbeeg ka digaynaa waxa weeyi qaybaaladi oo bundhig u noqota doorashooyinkeena, taasi Waxay inagu keeni kartaa khasaare iyo dib u dhac, waxay horseedi kartaa in reer reer lookala fadhiisto. Hadiise laga gudbo taasi oo ilbaxnimo ka keeno, waxaa imankara horumar caqliyeed iyo mid cilmiyeed, han fog iyo hiigsi qorxoon, is aaminaad iyo wada shaqayn iyo sinnaan iyo cadaalad.

 

 

By :osman Ibrahim abdi

TUKAALE_09@HOTMAIL.COM