Maxaa Ka jira In ay Marwo Aamina-Waris Ka Tanaasushay Xubintii Golaha Dhexe ee Muuse Biixi?

Hargeysa(SLpost)-Xubintii uu guddoomiyaha xisbiga KULMIYE dhawaan u magacaabay marwada koowaad Marwo Aamina-weris Maxamed Jirde ee golaha dhexe ee xisbiga KULMIYE, ayaa la sheegay in lagu bedelay haweenay kale oo lagu magacaabo Sahra Qaadi. Marwo Aamina-weris ayaa ahayd qofka ugu horeeya 23 xubnood oo uu guddoomiye Muuse Biixi uu dhawaan ku daray ergada golaha dhexe ee KULMIYE.

Inkastoo aanu jirin war rasmi ah oo uu KULMIYE ka soo saaray arrintan, haddana warar kala duwan ayaa ka soo baxaya. Wararka qaar ayaa sheegaya in marwo Aamina-weris ka cudur daaratay magacaabista guddoomiye Muuse Biixi. Laakiin warar kale ayaa iyaguna sheegaya in Marwo Aamina-weris ay soo jeedisay in xubinteeda lagu bedelo Marwo Sahra Qaadi oo ka tirsan xisbigaas. Si kastaba ha ahaate arrintan ayaa ku soo beegmaysa iyadoo saddexda murashax ee kala ah Axmed Cabdi Kijaandhe, Maxamed Biixi Yoonis iyo Cabdicasiis Samaale qaadaceen inay ka qayb galaan shirka golaha dhexe ee toddobaadka dambe furmaya, waxaana aragtidoodaas kula socda wasiiradii iyo masuuliyiintii kale ee dhawaan iska casilay xukuumadda Madaxweyne Siilaanyo iyo weliba xubno kale oo ka tirsan hoggaanka KULMIYE iyo shirguddoonka golaha wakiilada.

 

Source- Geeska