Maxaa Ka Dhigay Doorashada Somaliland Mid Taariikhi ah? – Akhriso Warbixin BBC ka diyaarisay Arrintan

Hargeysa (SLpost)- Idaacadda BBC laanteeda Afka Soomaaliga, ayaa warbixin ka diyaarisay  muhiimadda ay leedahay Doorashada Madaxtooyada Somaliland iyo waxa ay kaga duwan tahay Doorashooyinka kale ee ka dhaca Qaaradda Afrika, iyadoo doorashadan ay beesha Caalamku si gaar ah indhaha ugu hayso.

Saddexda Xisbi ee SomalilandSababta Doorashada Somaliland loogu tilmaamay mid taariikhi ah iyo in Beesha Caalamku si gaar ah indhaha ugu hayso, ayaa lagu sheegay inay tahay markii ugu horeysay ee qaaradda Afrika laga sameeyo doorasho ku salaysan Tiknoolajiyadda Casriga ee Reer Galbeedku u isticmaalaan Doorashooyinka, taas oo ah in laga maamo hababkii hore ee lagu ilaalin jiray in Cid gaar ahi ku shubato Doorashada, taas oo ah qalabka lagu Sawirayo Indhaha qofka Codeynaya.

Waxa kale oo warbixintu arrin mucjiso ah ku tilmaantay nidaamka geeddi-socod ee Ololaha Doorashada oo muddo 21 maalmood ah socday isla markaana aanay wax nabad-gelyo darro ama qalalaase ahi ka dhicin.

Haddaba, si aad u akhrisato Warbixinta BBC ka diyaarisay Doorashooyinka Somaliland, GUJI AMA KU DHUFO SAWIRKAN HOOSE.,

BBC