Maxaa ka dhab ah shaqooyinka lagu soo xayaysiiyo warbaahinta dalka

Waxaad inta badan aad ku arkaysaa marka aad akhrisanayso jaraa’idada dalka shaqo ka banaan meel heblaayo, hadaba waxaad is way diin mudan xagay ku dambayaan shaqooyinka lasoo xayaysiiyaa?

Sidaad la wada socotaan waxaa dalkeena ka jirta shaqo la’aan baahsan oo saamaysay dhamaan noocyada bulshada walow ha ugu dar-naadaan dhalinyartuye. Taas waxaa tusaale kaaga filan hadii aad aroortii hor tagto shirkada isgaadhsiinta Telesom horteeda qayteeda suuq-geynta ee badhtamaha caasimada Hargeysa waxaad ku arkaysaa dhalinyaro aad u fara badan oo daalacanaysa jaraa’idada si ay uga eegaan in waxshaqo ah lagu soo xayaysiiyay.

Anigoo ka mid ah dhalinyartaasi ayaa aniga iyo laba dhalinyaro oo aanu saaxiib nahay waxaanu ku aragnay mid ka mida jaraa’idada kasoo baxa caasimada shaqo ayaa ka banaan meel heblaayo, waxaanu markiiba isku diyaarinay inaanu geyno goobtaasi shaqada soo xayaysiisay waraaqihii codsiga iyo cadayntaba ama marka afka qalaad loogu yeedho (Application and CV) isla maalintii ku xigtayba waxaanu geynay waraaqihii goobtaasi waxaana lanagu yidhi waa la idin lasoo hadli doona hadii aad ku soo baxdaan shuruuda cidii buuxisa ama marka afka qalaad loogu yeedho  shortlist.

In mudo ah markii ay kasoo wareegtay ayaanu ku noqonay goobtii nasiib xumo waxaa lanuugu jawaabay iska taga waxaa goobihii aad soo codsateen la shaqaalaysiiyay dadkii markii hore u joogay sida ku meel gaadhka ah taasina waxay cadaynaysaa shaqooyinka badankeeda inyar mooyaane in marka shaqo la soo xayaysiiyo uu markeedii horeba ay dadkale hore usii joogeen oo dadka lagu mijarahabaabinayo si mar-marsiiyo loogu helo dadkan markeedii horeba lagu keenay waji iyo garashaba.

Baddanaa dhalinyaro xarayn jirtay codsiyo oo aan waligoodba loo soo jawaabin.

Hadaba waxaa iga talo iyo tusaale ah in layska daayo arintan dhibta iyo niyad jabka ku haysa dhalinyarta oo wixii shaqo ee soo baxda loo galo tartan xalaala ah lana siiyo booskaas qofkii u qalma iyadoon loo eegayn waji iyo garashaba.

hadaba waxaan idinka rajaynayaa in aynu sugno aqoonsi caalamiya inta aynu helayno taas oo hadii aynu helno uu dhaami doono dalkeenu sidan uu maanta yahay.

Illaahayna waxaan ka rajaynaynaa nabad iyo horumar……………………..

Qore: Khaalid Cabdi Muuse