Mawax tarbaa mise waa wax yeelo‏ Qalinkii Liban xaji fagadhe

Waa hogol-tusaaleyn ,uhiilisa dadka loo awood sheegto,waa hub aan ka horgeynaayo  qofkastoo ku howlan heyb kalsooc,waa holac lagu gubaayo dulmiga,waa mid hareer taagan halyeyga ,waa mid u hadleysa  hooyadii hanadkeeda weydey ,waa mid hal u odhaneysa umadan la heerey ,waa mid halgamayaasha ubadkii ay dhaleen hanti aan ugu deeq.

 

Qormadii 2 aad

 

Waxaana dhacday in mashaakil weyni uu ka dhaco markii weriyihii barnaamijka soo saaray , kii mawduuca laga hadlay soo qoray , kii kamarada wax ku duubay, kii sawirada loo baahnaa soo saaray ama keenay iyo kii dhamaan quruxda iyo qiimaha barnaamijkaasi sameeyay ee ku idho madoobaaday oo ah farsamo yaqaankii gabi ahaan masuuliyiin taasi ay ka tageen islamrakaana aaany xitaa soo hadal qaadin waxaana dhici gaadhay in ay isku dhacaan inamadii soo saaray baranaamijyada iyo cid kasta oo la soo shaqaysay  arintan ayaa ah aqoon darada haysata masuuliyinta dhawaan loo magaacabay guud ahaan wasaarada warfaafinta .

 

10 dabeecadood oo ay iska mid yihiin maareeyaha t vga qaranka ee SLNTV   iyo maareeyihii sideetamaadkii maamuli jiray golihii murtida iyo madadaalada ee muqdisho oo la odhan jiray shareeco.
Hadii aan in yar iskiin baro akhristeyaal ninka 10 amuurood ay wadaagaan maareeyaha   tvga qaranka, waa nin magacyo badan marka laga eegayo dhinaca darajada ama maamuuska xilka uu hayo ama aqoonta uu leeyahay, waxaana la odhan jiray ninkaasi      ( dr, prof, abwaan, kornayl,) maareeye maxamed nuur shareeco , waxaanu ilmaadeer la ahaa kaligiii taliyihii maxamed siyaad bare kaasoo lahaa fursda uu ku helay dhamaan darajooynka awoodahaas aqooneed ee uu sheegan jiray oo dhamaantood aanay wax ka jiray jirin.
Maxamed nuur shareeco waxa uu ahaa nin da ahaan ku weynaaday miyiga gobolka garbo haaray oo deegaan ahaan ay dagaan beesha uu kazoo jeeday waxaanu magaalada caasimada soo galay isagoo nin weyn ah ka dib markii inaadeerkii uu afganbiga xaaraanta ah uu dalka ku qabsaday  waxaanu ka mid noqday dadkii eheliyada afweyne ahaa ee la odhan jiray ordoo soo eegta boos aad maamushaan.


Hadaba nasiib darada dhacaday ayaa ahayd in shareeco uu soo helay boos aad u muhiima oo ahaa maareyihii golihii murtida iyo madadaalada ee mogdisho oo ahaa tiyaatarkii ummada soomaliyeed ee xiligaas waxaanu madaxweynihii ay ilmaadeerka ahaayeen uu digreeto ugu soo magacaabay in uu ahaado maareeyahaas isagoo waxaasoo darajo ah wata waxaanu ku dhaqaaqay in uuu iibsado suugaaan , maqaalo iyo sheekooyin lagu soo qori jiray wargeyskii (
Xidigtii Oktoober) ee dawladii afweyne lahayd, waxaase markiiba daaha ka qaaday waxa uu ahaa abwaanadii halkaaasi uu ugu tagay anigoo tusaale usoo qaadatey murtidii  alle haw naxariistee abwaan cabdi iidaan faarx oo kusoo daray diktoorka faalsada ah maansooyinkii deelayada hadii aan intaas kaga baxo shakhsiyada  shareeco waa kuwan astaamaha ay wadaagaan maareeyaha tvga qaranka ee uu caanka ku ahaa maareeye shareeco.

 

 

Hanjabaad 
waxa uu ahaa nin hanjabaad badan oo inta badan shaqaalihii goobtaasi  joogay yar iyo weyn u hanjabi jiray goor kasta. 
Maareeyaha tvga qarankuna waxa uu bilaabay ilaa maalintii xilka loo dhiibay in uu shaqaalaha u hanjabo mar kastana kula hadlo hadlo ay ka mid yihiin awood ayaan u leeyahay in aan idin eryo, sidan doono ayaan yeelayaa
Waxaan ku magacaabanay digreeto sidaa darted cidii aan doono ayaan dibada u saarayaa, isagoo kuba dhaqaaqay hanjabaadahaas qaar ka mida ka dib markii shaqaale ka joojiyay shaqada, qaarna ka badalay meelihii ay joogeen.

 

Jaahilnimo ama aqoon la aan
Maareeyaha waa shakhsi aan fursad u helin inuu wax barto marka laga reebo qorida iyo kicinta af soomaliga waxaana nasiib daro ah in aanu ka faa iideysan fursada uu ku tagay wadanka laga hogaamiyo wadamada reer galbeedka ee ingiriiska, waxaana ku filaatay markuu xagaasi tagay uruursiga lacagta caydha waxaanu markii ay dabooli weyday nolashiisii uu noqday darwal kaxeeya gaadiidka tagaasida loo yaqaanoo saxaafadana wax aqoona oo uu uleeyey majirto  waana  sidii shareeco.

 

Bakhaylnimo ama gacan adkaan.
Madaxdu waxay leedahay wax loo yaqaano afka qalaad [pety cash] oo miisaaniyada loogu daro si uu ugu dabro adeegayada maalinlaha ah ee xafiiska , lacagtaas ayaa ah mid loogu talo galay in lagu ilaaliyo karaamada ninka madaxada ah ee dadku run ahaantii ay tuhmayaan xilka uu hayo awgeed maadaama maalin kasta ay soo booqanayaan dad aad u faro badan oo siyaabo kala duwan ay aqoon isagu leeyihiin
Hadaba maaeryaha ayaa ah mid aan iska furin iskana faydin waxaana dhacda in wax kale daayoo in shaqaaluhu ay ku hungoobaan waxyaabaha yar yare e ay shaqadu u baahantahay waana ayaan daro qaran in maareeye qaran uu qof shaqaale ah bas kasii bixin waayo, waxaana taariikhada wasaarada ka dhacaday in mar la weydiiyay qaadhaan shaqaaale doonayay in uu guursado in uu markii la weydiiayay uu ku yaboohay 20 dolar balse inamdii weydiiyay ay ku diideen  waa nin aan xagiisa laga martiyin shaqaale ahaan wax kastoo ku aroora caawimaad shaqaale haday tahay aduun iyo hadii ay tahay arin geeriyi  balse ogow in geerida , dhalshada iyo arooskuba ay yihiin meerto maalinba guri ka dhacda.

 

Ixtiraam la aan ama qadarin la aan.
Waa masuul inta badan aan haba yaraatee qadarin shaqaalaha uu madaxada u yahay iyo dadweynaha uu xilka u hayo, waxaana caado iyo astaan u ah marka aad la kulanto in aanu haba yaraatee ku siinayn wax tix galin ah oo uu kugu dhagaysto wax kasta oo aad kala hadlayso.
Waxa tilmaan u ah in marka uu shaaalaha la shirayo in iyadoo isaga la sugayo in uu hadlo ama g o aan ka qaato ayaad arkaysaa isgoo moobilkiisa ku mashquulsan ama ku hadlaya amaba moobilka kaga jira aalada loo yaqaano face book waana la waayay madax iyo mijo ruux la kulmay oo uu mudo 3 daqiiqo ah si wanaagsan u dhagaysatay ama ula hadalay waana mid uu la wadaago shareeco.

 

Kala qaybin shaqaale ama is kooxaysi
Waxa uu gabi ahaan kala soocaa shaqaalihii iyo masuuliyiintii uu shaqada ugu yimi waxaanu soo qortay shaqaale isaga si gaara ula shaqeeya waxaana halkaasi ka dhalatay in shaqaalihii uu faraha ka qaado wada shaqayntii ka dhaxaysay, saameynta arintaana laga arkayo muraayada t v ga qaranka oo qofkii xog ogaal u ahaan jiray uu dareemyo hoos u dhaca ku yimi barnaamijyadii ka bixi jiray.

 

Gacan dhaaf maamul ama kalitalisnimo
Waxa uu wax kasta hoos keenay gacantiisa waana mid go aan ka gaadha mafiiqada ay u baahan tahay gabadha nadiifisada ah ee ka hawl gasha halkaasi cida uu rabo ayuu barnaamijayada u dhiibaa cida uu doonana isagaa ka qaada , isagaa madaxa u balamiya wariyeyaasha inta uu rabo in ay wax soo saaraan, waxa uu maalmo laga shiray hagaajinta meesha uu iska hor keenay shaqaale uu u magacaabay in ay monataring ahaadaan iyo kuwii ay wax ka sheegeen ee ay barnaamijyadooda wax ka sheegeen in la saxo waxaana dhacday in goobtii shirka laysku laayo islamarkaana u dhinac la safto.

 

Basaasid ama dhaga dhagayn
Waxa uu samaystay shaqaale uu shaqaalaha ku dhex darsaday oo dusha kaga hawl gala farsmo yaqaano . kamara maano iyo barnaamij soo saarayaal ., kuwaasoo shaqada rasmiga ah ee ay hayaan ay tahay basaasida shaqaalaha waxaana arintaasi fashilisay ka dib markii maareeyuhu uu niman shaqaalaha ka mida ugu hanjabay in uu ka warhayo in ay maalin kasta ka xantaan meelahaas isagoo tilmaamay in uu si dadban u ogyay wax kastoo meesha ka socda meel kastuu joogo. Waana waxyaabaha sida weyn loogu xasuusto shareeco waana dhacdo wasaarada warfaafinta ku cusub oo aanay dhaqan iyo hidde u lahayn islmarkaana waa calaamadaha lagu yaqaano qofka aan isku kalsoonayn.

 

Musuq maasuq
Waa arin si weyn uga jirta waaxda tvga maadaama marar badan maareeyhu uu fagaareyaal ka sheegay in uu soo bad baadiyay hanti laga lunsaday qaranka oo uu ku eedeeyay lunsigooda agaasimihii maamulka ee hore ee tvga Xasan maxamed maxamuud  inkastoo eedaasi uu ku waayay xilkiisii hadana ilaa hada aanay jirin maxakamd ku cadaysay hantidaasi, balse su aasha taagani xagee lageeyey  lacagata lasoo badbaadiyay  waxa jirta in tvga aan lagu soo kordhin hal kamarad islmarkaa aanay jirin meel lacagtaasi lagu soo celiyay waxa jirta in maareeyuhu uu si toos ah uu lacagtaasi u lunsaday cid dabagali kartaana aanay jirin hadii aanay sidaa ahayn maareeyuhu ha sheego qasnada uu ku celiyay lacagta uu sheegay in uu soo badbaadiyay.waxaana u daliila musuq maasuqa uu ku jiro in uu degan yahay huteelka maansoor oo halkaasi laga garan karayo qiimaha wax lagaga cuno iyo kan lagu seexdaba.

 

Balan daro ama wacad l aan
Waxa uu can ku yahay in uu dadka la balamo saacado go an isla markaana uu hadana isagu ka baxo , tiro laguma koobi karo inta jeer ee uu ku baaqay shir uu la yeelanyo waax ka mida shaqaalaha ka dibna uu ka baaqado balantii iaydoo shaqaalaha uu la balamay ay hawlihii ay qaranka u hayeen ay aawadii uga baaqdeen.
Geesta kale waxa iyana lagu yaqaaan in uu dadka ku balan furo waxaana dhacday in uu in badan masuulo iyo shaqaale uu la qaatay go aan uu hadana markii la gaadhay balantiisii uu ka baxay oo uu dafiray.

 

10 Qabyaalad ama eexasho isir
Waxa lagu qiyaasaaa shaqaalaha raaskooda ah ee uu shaqaaleeyay ilaa 15 ku kala jira qeybaha farsamada, gaadiidka, wriyeyaasha iyo maamulka kuwaasoo dhamaantood ka hawl gala xarunta t v ga waxaana iyana la sheegaa in tiro badan oo kale uu ka hawl galiyay dhinaca ingiriiska waxaana qodobkan iyo qodobka 9 aad iaygoo faah faahsan aan kusoo gudbin doonaaa maqaalo soo socda.
Waxa iga farina cid kastoo ka dida muga iyo macnaha maqaalakani uu xanbaarsanayay ama u aragta in karaamo shakhsi la weerarayo waxa dhamaan cadamayaha astaamahan ay ka heli karaan xarunta wasaarada warfaafinta oo weliba nasiib wanaag laga helayo iyadoo intan ka faah faahsan waxaanana xaqiiqdiii naga reeban in aaan ku xad gudubno sumacd masuul basle dhamaan cadaymaha qodobadan maqaalka ayaa ah kuwo cad oo la halayo cadayntooda

 

Barkhad Cas ayaa murtidiisii ay kamid aheyd alle hownaxariistee

Nin waayo arkaa warkeeda qabee,

Aduunyo nin waayay uma wiiqmee,

Dadow waji waa dambaw dhigo.

Walaalkaa kuma siiyo wax uu ku taree,

Isagaa wahabkaaga wada maydhee,

Dadow waji waa dambaw dhigo,

Adigoo werwer iyo walaal qaba,

Isagoo kaa waraabsha waadiga janadee,

Dadow waji waa dambaw dhigo

Liibaan

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

Lasoco…………..