Mawax tarbaa mise waa wax yeelo‏ Qalinkii Liban xaji fagadhe Qormadii 4aad

 

Waa hogol-tusaaleyn ,uhiilisa dadka loo awood sheegto,waa hub aan ka horgeynaayo  qofkastoo ku howlan heyb kalsooc,waa holac lagu gubaayo dulmiga,waa mid hareer taagan halyeyga ,waa mid u hadleysa  hooyadii hanadkeeda weydey ,waa mid hal u odhaneysa umadan la heerey ,waa mid halgamayaasha ubadkii ay dhaleen hanti aan ugu deeq.

 

 

Qormadii 4aad

 

SHALEY DHAANTAA LAYIDHI
Waxa la yidhi baribaa waxa jiray nin gacan kululaa oo deganaa deegaan uu xukumi jiray boqor aad looga danbayn jiray waxaana ninkaasi uu inta badan dili jiray gabdhiisa, halka gabadhuna ay ka jeclayd waxa la yidhi markii in mudo ah ay gabadhii ku jirtay xaaladaasi ayaa maalin iyadoo uu markaasuun uu dilay oo ay maroora dilaacii la joogta meel cidlo ah ayaa waxa kusoo baxay niman fardo wata oo ka mida ciidamadii boqorka ka dib ciidamadii ayaa kusoo leexday gabadhii waxaanay sheegeen in inan boqorku dhalay ay sakaraad tahay ka dib markii ay hilib ay cunaysay oo taharo lahaa ay ku margatay ka dibna tahar weyni ay cunaha u fadhiisatay oo dhanaba ay usoo dhaafi weyday sidaa darted ay raadinayaan dhakhtar inantaasi daweeya waxaanay intaasi ku dareen in tuulada boqorku deganyay ay lahayd dhakhtar kaliya dhakhtarkiina uu wakhti aan fogayn uu geeriyooday islamarkaa deegaankuba uu yahay bilaa dhakhtar.


Waxaanay gabadhii ka codsadeen in ay u tilmaanto hadii inuun ay garanayso dhakhtar meelahaasi ku nool, gabadhii way fikirtay waxaanay go aan ku gaadhay in ay fursadaasi kaga faa iideysto dhibaatada haysta oo ay ku jirabto ninkeeda habeen iyo maalin waxaan macnaha aan  lahayn ku dila waxaanay ku tiri anigaa garanaya dhakhtar fiican balse dhibaatada jirta dhakhtarkaasi wuu neceb yahay in lagu ogaado cilmigaa uu yaqaano islamrkaana uu dadka ka qariyo.


Nimankii wey soo dhaweyeen gabadhii waanay ku farxeen helitaanka ay heleen wixii ay doonayeen, markaasi waxay ku yidhaahdeen noo gee oo farta naga saar anagaa kaxaynaynee gabadhii waxay tiri ninkaaasi waa ninkayaga waanay u keentay sidii baana iyadoon laga hadlin loogu geeyay boqorkii.
Ninkii odayga ahaa waxa uu boqorkii ka codsaday in uu iska daayo maadaama aanu wax aqoon ah u lahayn cilmiga dhakhtar nimada ,balse boqorka ciidankiisaa markii horaba u sheegay in uu isqarinayo waxaana amar lagu siiyay in si dhakhso ah uu u daweeyo inanta isha daran islamrkaana uu sheego waxa loo baahan yahay.
Ninkii talaa ku cadaatay wax alla waxa uu sameeyana waa uu garan waayay , waxaanu u galay inantii xanuusanaysay dabadeed dadkii ayuu yidhi iga baxa dabadeed ninkii inantii wuu eegay markuu xagan ka maray uu hadana xagaa ka maray wuu istaagay hadana fadhiistay wuu jiifsaday hadana kadaloobsaday ka dib waxa uu maqlay hadal dibada ka baxay markaasuu si deg deg ah is yidhi u kac dabadeed waxa uu u dhacay si fool xun nasiiib wanaaga waxa halkaas ka dhacay inanatii ayaa si run ah ugu qososhay dhacitaanka ninkii hadalka ka naxay,waxaana si lama filaana uga soo booday hilibkii ama tahartii cunaha u fadhiday halkaas ayaana dhicitaankiisii uu sababay in ay caafimaado inantii intaas ka dib boqorkii xaflad balaadhan ayuu u dhigay ninkii waxaana la weydiiyay halka looga samaynayo cisbitaalka uu ku dawayn doono dadka bukooda .

Ninkii waxa uu yidhi ha lay dhiso guri weyn islamarkaana halay keeno xaabo aad u tiro badan markii la dhameeyay gurigii ayaa tuualdii oo dhami ay safaf ama kuyuu  usoo gashay ilayn in mudo ah tuuladu waxay ahayd bilaa dhakhtare.
waxaanu bilaabay ninkii in uu dadkii halkaasi ku daweeyo waxaana dhacday in ilayn garan maayo aqoon dhakhtareede waxa uu samayn jiray marka qof loo keeno inta uu dadkoo dhan dibada u saaro ayuu shidi jiray xaabo aad u badan ka dib markay dhamac noqoto ee ay cadaato ayuu odhan jiray anigu aqoon kale ma aqaano kaliya waxaan wax ku daweeyaa dhamacdaas ayaan qofka dhex dhigaa markaa diyaar ma tahay markaasaa qof kastaa yidhaahdaa may ma galayo dabka kadibana waxa uu odhan jiray waxaad tidhaahdaa waan bogsaday dabadeed qof kastaa waxa uu soo baxaaa isagoo leh waan bogsaday markuu mudo sidaa ku waday ayaa maalintii danbe boqorkii xanuusaday waxaana la keenay dhakhtarkii ninkii sidii uu yeelay waxaanu boqorkii ku yidhi dabkaas ayaan wax ku daweeyaa ka dib waa uu diiday boqorkii mrakaasaa ninkii sheegay in dadkii dhamaan uu daweeyay uu sidaa ku dabiibay wax kalana aanu garanayan ka dib boqorkii ayaa yaabay oo gartay in ninku wax aqoona aanu laheyn  laguna  khasbayo waanu iska fasaxay ninkii markuu gaadhay deegaankiisii naagtiisii ayuu u tagay waxaanu u balan qaaday in aaanu dib danbe u dilayn iyana aanay dib u wanjalin.


Waxa tusaalahan sheekada nikan ka dhigan qaabka iyo hanaanka madaxweyne siilaanyo uu soo doorto masuuliyiinta uu xilka u magacaabayo
, waxaana dhacda in sida ninkaa aynu soo arganay uu madaxweynuhu uu u magacaabo xil kasoo sida maareeyaha tvga qaranka SLNTV iyo agaasimaha guud ee wasaaradda warfaafinta ay dhacdo in lagu soo magacaabo sifo ujeedo kale leh kadibana  ilayn aqoonta meesha loo magacaabay ma lahee  ay dhacdo in ay indhaha ka ridaan hawshii iyo waajibaadkii loo igmaday hadiii aan tusaaleyaal  yar soo qaadano waxa jirta in agaasimaha guud ee wasaaradda warfaafinta iyo maareeyaha tvga qaranku in kaliya xilka loo dhiibay ay kaliya ka garteen maareeynta miisaaniyada wasaarada waxaana waxqabadkoodu kaliya uu yahay in ay la baxaan lacagta wasaarada miisaaniyada ugu jirta,
Agaasimaha guud ee wasaarada warfaafintu waxa dhacday in sanadkan aynu ku jirno oo madaxweynuhu uu u kordhiyay wasaarada miisaniyad sanadeedkii maadaama dalka la keenay iddaacad dalka wada gaadha waxa dhacaday in aan qof shaqaalaha ka mida ah loo samayn wax gunno ah(wax la daryeelo waxa ugu horeeya shaqaalaha oo aaney la aantood waxba socon Karin)  iyadoo madaxweynuhu maalintii iddaacada cusub la furayey uu ummada horteeda ka balan qaaday gunneynanta iyo daryeelida shaqaalaha wasaarada sababtaasi darteedna uu uga kordhiyay miisaniyada balse nasiib darada dhacaday marka laga reebo ilaa 20 qof oo ay isku qolo yihiin agaasimaha guud oo sifo sharci daro ah lagu shaqaaleeyay oo loo sameeyay mushahar mooyaane ma jirto qof kale oo hal shilin oo gunno ah loo sameeyay, halka maareeyaha tvguna uu qortay
shaqaaale ka badab 100 oo dhamaantood aan lasoo marin hayada shaqaalaha dawalada waxaana la ogsoonyay in shaqaalaha aan joogtadada ahayni in ay yihiin qaabka laga bilaabo ama sahla lunsashada hanitda qaranka sidaa datreed madaxawynaha iyo inta la talisa waxaan kula talinayanaa in xilka qaranka ay usoo magacaan  cidda  gudanaysa ee aqoonta u leh islmarkaa si dhakhso ah ay ugu soo gurmadaan wasaaradda warfaafinta iyo wacyi galinta oo ay maanta gacanta ku ahayaan maamulkii ugu liitay ee abid soo mara kuwaasoo bilaabey  hantilunsi iyo qabayaalad aan horey loo aqoon oo kala ah agaasimaha guud iyo maareeyaha tvga qaranka. 

Liibaan

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

Lasoco…………….