Mawax tarbaa mise waa wax yeelo‏ Qalinkii Liban xaji fagadhe

Waa hogol-tusaaleyn ,uhiilisa dadka loo awood sheegto,waa hub aan ka horgeynaayo  qofkastoo ku howlan heyb kalsooc,waa holac lagu gubaayo dulmiga,waa mid hareer taagan halyeyga ,waa mid u hadleysa  hooyadii hanadkeeda weydey ,waa mid hal u odhaneysa umadan la heerey ,waa mid halgamayaasha ubadkii ay dhaleen hanti aan ugu deeq.

 

Qormadii 3 aad

 

 

 

DADKA IYO QALABKA KEEBAA HOR MUDAN IN LA DARYEELO
Tan markii madaxweynaha  jsl uu madax banaaneeyay t v ga qaranka oo isla markii xukuumada xisbiga kulmiye ay talada hogaaminta ku guulaysatay ay midaysay hayado badan oo dawladeed oo xukuumadii hore ay kala saartay, iyadoo xiligii lagu jiray ololaha doorashadii madaxtooyada uu xisbiga kulmiye ku daray barnaamijkiisii siyaasadeed in uu yarayn doono dawlada uu soo dhisi doono islmarkaa uu midayn doono hayado dawladeed oo ay ugu muhiimsanaayeen dekeda berbera iyo t v ga qaranka nasiib daro inkastoo uu ka rumeeyay balan qaadkaasi hadana muu noqon mid taaba gala, waxaana dhacday in madaxweynuhu uu markii xukuumadiisii ugu horaysay ay shaqaynaysay mudo sided bilood ah in madaxweynuhu isku shaandhayntii uguu horaysay ee uu sameeyay uu dib ugu celiyay maamulka Dekeda ooh ore ugu jiray wasaarada horumarinta xeebaha halka T v ga qarankana uu dib uga saaray wasaaradda warfaafinta bishii sideedaad ee sanadkii 2012 hadaba waxa aynu qormadan iyo qormooyin soo socda haduu Alle idmo aanu ku lafo guri doonaa waxyaabaha iska badalay wasaarada warfaafinta guud ahaan intii ka danbaysay bedelidii wasiir Boobe iyo madaxbanaanayntii waaxda t v ga qaranka.

 
Maareeyaha t v ga qaranka khader xasan cali talaabadii u horeysay ee uu qaaday ayaa ahayd mid mid si weyn uga yaabisay dhamaan shaqaalaha wasaaradda warfaafinta, ka dib markii maareeyaha lasoo magacaabay uu magacawnaa mudo ki siman sideed saacadood uu gidaarka ogaysiisyada iyo amarada loogu dhajiyo shaqaalaha t v ga uu kusoo dhajiyay waraaq wareegto ah oo ay ku qoran yihiin sagaashan magac oo qaarna la garanayo qaarna aan la garanayn balse inta badan la garanayo oo ay yihiin shaqaalaha t v ga iyo idaacada, kuwaasoo u ku sheegay in ay yihiin shaqaale been abuur ah oo lacago lagu lunsado [caagleyaal] waxaana su aasha lays weydiiyay ay noqotay qodobo badan sida

 


1 sidee ayuu ku ogaaday sharci ahaanta shaqaalaha iyo sharci daradooda?
2 isagoon wali xilkii la wareegin xaq ma u leeyahay wax amar ah?
3 wareegtada uu soo saaray ma xaaraan baa maadaama aan laga soo saarin xafiis laga helayo sumad waraaqeed iyo tix raac lagu kaydiyo sida sharciga ah iyo sidoo kale shaanbada ku taala ee iyana jeebka lagu sitay maadaama aan lala wareegin midi xafiiska?
Iyo waxa sababay deg dega intaa lee gee uu u sugi waayay inta loo tirinayo xilka loo magacaabay, waxaana lays weydiiyay karaamada iyo sumcada magacayada shaqaalaha ee lagu gafay islamrkaana lagu sheegay caagleyaal balse aan ahyane ay kuba jiraan kuwo sodon sano kazoo shaqaynayay wasaarada.
Waxaana dhacdadaasi laga gartay muga aqooneed ee maareeyaha cusubi uu u leeyahay hanaanka maamulka maadaama la tuhmayay mar haduu ka yimi wadamada qurbaha oo dee lagag shaqeeyo hanaan caalami ah balse dee waa ruuxii aqoon leh ee barta.

 

 

Darsigaasi lagu bartay waxa u hooseeya masuulka cusub waxa xigay kulamo uu la yeeshay waaxyo ka mid ah t v ga taasoo waax kasta oo uu la shiray uu hadalkiisa uga bilaabay hanjabad iyo bah dilaad ku aaddan shaqaalaha iyo hanaanka ay u shaqeeyaan waxaanu ku tiraabay in dadkan faraha badan uu kazoo reebi doono kontan shaqaale ah inta kalana uu awood u leeyahay in uu eryo maadaama uu ku magacaabanyay digreeto madaxweyne.
Intaasi ka dib qof kasta oo ka mida shaqaalaha wasaaradu si weyn ayuu uga dharagsanaa dabeecada iyo aqoonta masuulka cusub ee lasoo magacaabay hogaaminta t v ga qaranka.
Waxqabadyadii uu ku talaabsaday.


1 Waxa uu isagoon cidna kala tashan bilaabay dhisme lagu kala jarayo stuutyihii u weynaa istuutyayaasha t v ga kaasoo ahaa tiyaartkii ay ooli jirtay mawjadii dhexe ee ex radio hargaysa , kaasoo dhismihiisa uu dhishay dalkii la odhan jiray midawgii soofiyeet ama raashiyaanka, waxaana markii idaacad radio hargaysa loo soo raray halka imika ay ku taalo laga dhigay tiyaatar xafladaha lagu qabto, calaa kuli xaal markii t v ga qaranka la keenay waxa loo isticmaalay istuutyo kaasoo lagu qaban jiray barnaamijyada waaweyn iyoo doodaha sida maqal dadkaaga maadaama uu balac ahaan qaadayay dad aad u tiro badan, balse nasiib daro maareeyaha cusub ayaa gidaar laban adag ah ku kala xidhay isagoo halkii stage ka ahyd ee ka saraysay inta kale gaar ugu xidhay gidaarkaas.
Hadaba waxa fiicnaan lahayd isagoo dadka meesha joogay ama aqoonyanada aqoonta u leh kala tashada inta aanu talaabo qaadin waayo waxa qaranka uga faaiido badnaan lahayd isagoo intuu kaa kala xidhayay stuude loo baahanyahay weynidiisa, kharashna ku bixinayay kala xidhidiisa isagoo dhisme kale ka yagleela halkaasi wax soo kordhintaana ka fiican wax jiray baa biinta.


2 Waxa talaabadii labaad uu kusoo saaray wareegto uu ku mamnuucayo gabi ahaan cabida sigaarka iyo cunida jaadka, arintaaoo aad loola yaabay maadaama waxa isaga iyo shaqaalaha ka dhaxeeyaa kaliya waa waajibaad shaqo balse maaha in uu kuxad gudbo amuurka ibno aadamka u gaarka ee hoose, waxaanay lagu macneeyay arintaasi kadar oo dibi dhal.


3 waxa talaabadaasi kuxigtay in dhamaan agabkii ku goglanaa stuutyayaasha t v ga wax kasto oo ay ahaayeen iyo [back ground] waxyaabaha quruxda ah ee lagu qurxiyo stuutya yaasha in dibada lagu daadiyay ka dib markii maareeyuhu uu sheegay in uu qalabayn casriya ku samaynayo dhamaan t v ga islamrkaana la daadinayo wax alle wixii hore yaalay oo uu ku tilmaamay wax aan loo baahnayan.


4 talaabaabadii afaraad waxay noqotay mid iyaduna layaabkeeda wadatay oo ku cusbeyd nidaamka maamulka iyo dhaqanka wasaaradaba waxaanu maareeyuhu samaysatay afar qof oo xog haymow ah kuwaasoo kala ah laba wiil iyo laba gabdhood, islamrkaana uu midba lix saacadood joogo xafiiska, waxaanay arintaasi keentay in dadkii hawlaha ka lahaa xafiiskiisa in ay wareeraan oo ay waayaan cid ay wax ugu hagaagaan ilayn waataanoo waa afar xog haymoode , waxaana halkaasi ka dhacay jaho wareer ilaa maanta ka taagan xafiiska maareeyaha waxaana dadkii wasaarada joogay ay is weydiiyeen muhiimada ku jirta iyo ujeedada maareeryuhu uu ka leeyahay waxan k cusub nidaamka maamul waxaana gabagabdii lagu dhaafay in ay ka tahay aqoon daro.


5 talaabadiishanaad waxa uu sameeayay arin kale oo iyana dhabar jab ku noqotay himiladii wasaarada gabi ahaan ka dib markii uu maareeyuhu qawaday xafiiskii agaasimihii hore ee t v gu lahaa, waxaanu damac ka galay xafiiskii wasiirkii hore ee boobe fadhiisan jiray kaasoo uu fahiisaty wasiirka wasiirka cusub ee hada joogaa, waxaanu maareeyuhu soo dajiyay qorshe lagu baabiinayo hool weyn oo lagu shiri jiray oo ku yaalay dhismaha xafiiska wasiirka kaasoo qaadi jiray ilaa 100 ruux mar marna lagu qaban jiray shir jaraa iidada wasaaradu ay qabanayso maadaama wasaardu ay tahay wasaarada afhayeenka u ah xukumada, waxaanu maareeyuhu uu codsaday in la kala jaro xafiiskaasi isla markaa looga sameeyo isaga xafiis uu fadhiisto oo ku dhagan xafiiska wasiirka maadaama uu ku magacaaban yay degreeto madaxweyne , sidoo kalna loo sameeyo xafiis kale oo xog haymihiisu ay fadhiistaan sidiibaana lagu kala gooyay hoolkii oo looga sameeyay xafiisyadaasi.


6 waxa uu dhagax dhigay istuudye uu sheegay in uu yahay kii koowaad ee t v gu yeesho, isagoo malaa bakhaaro moodayay kuwa hada lagu shaqeeyo eeuu kala jarjary, waxaana la yaab noqotay in weli uu banana yahay stuutyihii koowaaad ee t v gu kaasoo wasiir boobe markii uu xilka hayay ku sameeyay dib u habayn iyadoo shaqadaasi ay ku socotana xilkii laga qaaday, waxaana dhcaday in shirkadii dhisayay ay dhamaysay islmarkaa in mudo ah uu iska xidhan yahay isagoo kaliya u baahan in la qalabeeyo markaa isweydiintu waxa weeyee hadii maareeyaha waxqabadku uu ka dhab yahay muxuu marka hore kan diyaarka ah uu u qalabayn waayay? intuu dhagaxa dhigayo mid cusub.
7 waxa uu hadana agaasimaha guud ee wasaarada warfaafinta uu weydiisaty in uu siiyo hool weyn oo uu lahaan jiray dhismaha transsmitirka iddaacadu , waxaana halkaasi kazoo baxay sedex makhsin oo ku haboon xafiisyo iyo stuutyeyaal nasiib daro maareeyhu wuu ka faa iideyn waayay guryahaasi waxaanay noqdeen kaliya mafrishyo lagu qayilo.

 

8 waxa uu gabi ahaan meesha a saaray in t v ga uu a baxo casharii ugu qiimaha badnaa barnaamijyada t v ga a baxa, ka dib marii maareeyaha iyo la taliyeyaashiisu ay soo jeediyeen in shiihka casharaasi ka mariya in uu yahay sheikh gaboobay oo muuqaal ahaan foolxun markaasi waa in lagu badalo sheikh dirir ismanay weydiin in sheikh suufiga ay badalayaan in uu yahay macalinkii sheikh dirir mida kale ma oga isku dhaca culimada iyo arimaha diintu in ay yihiin masiibooyin aan laba maarayn mashaakilkooda waxaana u daliila bari sheikh idaacada laga joojiyay cashar uu ka akhriyi jiray waxay qaadatay in la dhameeyo murankii ka dhashay ilaa madaxweynuhu uu soo dhex galay ayuu dhamaaday waa arin aan lagu dag dagin taabashadiisa.

 

Liibaan

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

Lasoco………