Masuulkii ugu sarreeyey Dowladda MASAR ee Somaliland yimaadda oo Hargeysa lagu soo dhaweeyey

Hargeysa (SLpost)- Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda Khaarajiga ee dalka Masar u Qaabilsan Arrimaha Afrika Hamdi Loza iyo wefti uu hoggaaminayo, ayaa maanta socdaal ku yimi Somaliland, waxaana gegida diyaaradaha ee Egal Inernational Airport ee magaalada Hargeysa ku soo dhaweeyey masuuliyiin ka tirsan xukuumadda.

 

Wasiir ku-xigeenka Afrika u qaabilsan Masar ayaa ka mid ahaa Masuuliyiin Masaari ah oo Sannadkan gudihiisa Magaalada Qaahira kula kulmay Wasiir ku-xigeenka Caafimaad Somaliland, oo xilligaa ahaa Wasiir ku-xigeenka arrimaha dibedda.

 

 

Masuulkan ayaa noqonaya sarkaal ugu sarreeyey dowladda Masar ee Socdaal ku yimaadda Jamhuuriyadda Somaliland muddooyinkii u dambeeyey.

 

FAAHFAAHINTA WARKAN KAGA BOGO MUUQAALKAN HOOSE 

 

https://www.youtube.com/watch?v=iL_oK-PJzC8