Masuulkii Saddexaad oo todobaad Gudihii Iska Casilay Xukuumadda Madaxweyne Siilaanyo iyo bilowga Dil-dilaaca Garabyada Xukuumadda Kulmiye

Hargeysa (SLpost)- Wasiirka Wasaaradda Wershadaha ee Xukuumadda Madaxweyne Siilaanyo, Abiib Diiriye Nuur, ayaa shaaca ka qaaday inuu iska casilay xilkaas, kaddib markii sida uu ku dooday taladii hoggaamineed ee madaxweynaha ay maroorsadeen shakhsiyaad uu ku tilmaamay inaanay taariikh ku lahayn Xisbiga Kulmiye iyo halgankii ay u soo mareen hanashada hoggaanka Dalka.

Abiib Diiriye Nuur, waxa uu sheegay in is-casilaaddiisu xidhiidh la leedahay digreeto xambaarsan Isku-shaan-dheyn, xil-ka-qaadis iyo Isku-beddel madaxweyne Siilaanyo ku sameeyey golihiisa Xukuumadda, gaar ahaan xilka Wasaaradda Maaliyadda ee laga beddelay Cabdicasiis Maxamed Samaale oo madaxweynuhu u magacaabay wasiirka Waxbarashada, kaddib markii wasiirkii Wasaaraddaas Marwo Samsam Cabdi Aadan loo magacaabay Wasaaradda Maaliyadda. Haseyeesheee Cabdicasiis Samaale waxa uu ku gacan-saydhay go’aankaas madaxweynaha waxaanu sheegay inaanu qabanayn xilkaas iyo xil kale oo madaxweynuhu uga magacaabo xukuumaddiisa.

abiibWasiirka Wershadaha Abiib Diiriye Nuur oo ay Isku-siyaasad yihiin Wasiirkii Hore ee Maaliyadda Cabdicasiis Samaale isla markaana ay ka soo wada-jeedaan gobolka Gabiley, ayaa mar uu maanta warbaahinta kula hadlayey Hargeysa, waxa uu shaaciyey inuu iska casilay xilkii uu hayey, isaga oo sheegay inay iraan dad maroorsaday awoodda madaxweynaha oo sababna u ahaa xilka laga wareejiyey Wasiirka Maaliyadda.

Abiib Diiriye Nuur, ayaa noqonaya Masuulkii saddexaad ee muddo todobaad gudihii iska casila Xukuumadda Siilaanyo, waxaana ka horeeyey La-taliyihii Madaxweynaha ee Dadka La hayb-sooco oo shalay ku dhawaaqay inuu is-casily iyo sidoo kale Wasiirkii hore ee Maaliyadda Cabdicasiis Samaale oo isaguna todobaadkan horaantiisii Iska casilay xil madaxweynuhu u magaacabay kaddib markii uu madaxweynuhu ka beddelay xilka wasaaradda Maaliyadda oo uu hayey.

Abiib Diiriye Nuur oo ka tirsan Rukunnada Xisbiga Kulmiye, ayaa muddadii Xukuumadda Madaxweyne jirtay tirada Saddex xil oo kala duwan soo qabtay, isaga oo markii ugu horeysay Noqday La-taliye Madaxweyne, waxa kale oo uu noqday Wasiirkii saddexaad ee loo magacaabo Wasaaradda Warfaafinta Xukuumadda madaxweyne Siilaanyo iyo sidoo kale Wasaaradda Wershadaha oo uu ka noqday Wasiirkii ugu horreeyey kaddib markii madaxweynuhu tirada Wasaaradaha Xukuumaddiisa uu ku kordhiyey Wasaaradda Wershadaha oo aan hore ugu jirin.

HALKAN KA DAAWO SHIRKA JARAA’ID EE ABIIB DIIRIYE NUUR.