Masuuliyiintii u sarreysay iyo Labeentii Xisbiga KULMIYE ee Woqooyiga Ameerika oo xilalkii iska casilay, sababaha ay u cuskadeen iyo Hiigsiga masiirkooda siyaasadeed

masuuliyiinta Kulmiye North AmericaDENVER (SLpost)- Xubno ka mid ah Masuuliyiintii ugu miisaanka cuslayd hoggaanka sare ee Xisbiga Kulmiye u qaabilsan Waddanka Maraykanka, ayaa shaaca ka qaaday inay iska casileen Xilalkii ay ka hayeen iyo Xubimadoodii Xisbiga talada dalka haya ee Kulmiye.

Guddoomiyihii Garabka Haweenka Kulmiye ee Woqooyiga Maraykanka, Guddoomiyihii Garabka Dhalinyarada ee Xisbiga, Guddoomiyihii Gobollada Dhexe ee Maraykanka iyo Afhayeenkii Xisbiga oo dhammaantood la hadlay saxaafadda, waxa ay is-casilaaddooda ku sababeeyeen is-faham la’aan soo kala dhex-gashay hoggaanka sare ee Xisbiga u qaabilsan Maraykanka oo ay ku dhaliileen fadhiidnimo iyo caddaalad-darro. Waxaanay sheegeen inay is-casilaaddooda u gudbiyeen Guddoomiyaha xisbiga Kulmiye u qaabilsan Woqooyiga Ameerika masiirkooda siyaasadeed ee ay isku fahmi waayeen Xisbiga Kulmiye uga diga-rogan doonaan Axsaabta kale ee dalka.

Maxamed MowliidUgu horeyn waxa halkaas ka hadlay Guddoomiyaha Garabka Dhalinyarada Xisbiga Kulmiye u qaabilsan Maraykanka waxaanu yidhi, “Waan salaamayaa warbaahinta madaxa bannaan iyo dawliga ahba, magacaygu waa Maxamed Mowliid Cali Haybe ahna guddoomiyaha Garabka dhalinyarada ee Woqooyiga Maraykanka. Waxaan maanta halkan ka caddaynayaa inaan iska casilay xubnimadii aan ka ahaa iyo xilkii aan u hayey xisbul-xaakimka Kulmiye oonu in badan soo wada-shaqaynay, waxaanan u gudbiyey is-casilaaddaydii Mustafe Cabdi Cartan oo ah Guddoomiyaha Xisbiga Kulmiye ee Woqooyiga Maraykanka. Aad baan ugu mahad-celinayaa wada-shaqayntii na soo dhexmartay xubnihii aanu soo wada-shaqaynay, garabbadii dhalinyarada, kuwii Haweenka.”

Isaga oo hadalkiisa sii watay waxa uu yidhi, “Gedaal baan ka soo gudbin doonaa sababta aan isu casilay iyo mustaqbalkeyga siyaasiga ahi halkuu noqon doono.”

kheyreWaxa kale oo halkaas ka hadlay Guddoomiyaha Gobollada Dhexe ee Maraykanka u qaabilsan Kulmiye, waxaanu yidhi, “Waxaan halkan ka salaamayaa shacbi-weynaha Somaliland. Anigoo magacaygu yahay Kheyre Axmed Maxamed kana mid ahaa masuuliyiinta Xisbiga Kulmiye oo aan u qaabilsanahay Gobollada Dhexe ee Maraykanka. Waxaan halkan ka caddeynayaa, umadda reer Somaliland-na u sheegayaa inaan iska casilay shaqadii aan u hayay Xisbigaas, taas oo ay sababtay arrimo ka soo baxay xisbiga dhexdiisa oo aanu isku af-garan waynay markii aanu ka dhex-arki waynay danihii umadda reer Somaliland, muddo badanna aanu u dignay xisbigaas aniga iyo xulafadaydu kaddib markii aanu u gudbinnay inay wax ka beddelaan qaabka ay wax u wadaan.”

Kheyre Axmed isaga oo hadalkiisa sii watay, waxa uu dhaliilay siyaasadda hoggaamineed ee Xisbiga talada dalka haya ee Kulmiye, “Waad arkaysaan koox yar oo tirsan ayaa maanta talada dalka gacanta ku haya, umaddii Somaliland iyo waddankoodii siday doonaan bay ka yeelayaan. Waad u jeeddaan in la iibiyey xeebtii Berbera iyo xidhiidhada qarsoon ee ay maalin walba la yeelayaan Soomaaliya,” Sidaas ayuu yidhi isagoo intaas ku daray, “Is-casilaaddaydanna waxaan u gudbiyey guddoomiyaha Kulmiye ee Maraykanka Cabdi Cartan.”

canabSidoo kale, waxa shaacisay inay Xilkii ay ka haysay iska casishay Guddoomiyihii Garabka Haweenka Xisbiga Kulmiye ee Maraykanka Canab Muuse Wayeed, iyadoo sheegay inay iyada iyo xubnaha kale ee go’aankan ku wehelinayaa ay ka tashanayaan isla markaana gedaal ka soo sheegi doonaan halka ay u hibaynayaan taageeradooda iyo masiirkooda siyaasadeed.

farxanWaxa kale oo isaguna shaaciyey inuu xilkii iyo xubinimadii uu ka hayay Xisbiga Kulmiye iska casilay Afhayeenkii Xisbiga Kulmiye ee Woqooyiga Maraykanka Eng Farxan Axmed Maxamed. Aqoonyahan Farxan waxa uu carrabka inuu jiro saluug siyaasadeed iyo mid hoggaamineed oo ka jira hoggaanka xisbiga Kulmiye kaas oo uu u nisbeeyey sababta keentay inay iska casilaan xisbiga Kulmiye, isagoo halkaasna uga mahad-naqay masuuliyiintii iyo xubnaha xisbiga Kulmiye ee wada-shaqayntu soo dhexmartay.