Masuuliyiinta Xisbiyada KULMIYE Iyo UCID Oo WADDANI Ku Eedeeyay Ballan-fur Iyo Guddoomiye Cirro Oo Iska Difaacay

“Waxaa ka baxay markaa heshiiskaas xisbiga WADDANI, isagoo yidhi waxaan ogaaday inay dhaafinayaan intaanu soo jeedinay” Guddoomiyaha UCID

“Waxa nasiib-darro ah inuu Cabdiraxmaan Cirro inuu nagaga baxay heshiiskaas wixii qaranka ka xumaadana isagaa xumeeyay” Guddoomiyaha KULMIYE

“Noomay muuqan kalsooni halkii hore meel aan la garanayn looga guuraa” Guddoomiyaha WADDANI

Hargeysa, (SLpost)- Masuuliyiinta xisbiyada KULMIYE iyo UCID ayaa golaha guurtida u gudbiyay heshiis ay soo wada gaadheen saddexda xisbi, waxaana ka baaqday kulankaas ay ugu gudbinayeen guurtida xisbiga mucaaradka ah ee Waddani.xisbiyada

Xisbiyada KULMIYE iyo UCID ayaa ku eedeeyay xisbiga waddani inuu kaga baxay heshiiskaas ay hore usoo wada gaadheen.

Labada guddoomiye ee xisbiyada UCID iyo KULMIYE Eng. Faysal Cali Waraabe iyo Muuse Biixi Cabdi oo kulankaas ay la yeesheen guurtida, ka dib warbaahinta la hadlayay ayaa si isku mid u naqdiyay baaqashada xisbiga WADDANI.

Ugu horeyn Guddoomiyaha UCID oo ka hadlay ka hadlaya ayaa u qiil sameeyay baaqashada xisbiga WADDANI, isagoo dhinaca kalena ku eedeeyay inuu kaga baxay heshiiskaas, waxaanu yidhi. “Waxaanu baryahan ka shaqeynaynay si aanaan guurtida ugu sii wada dayn majarafaha oo aanu meel dhexe isugu nimaadno oo aanu duruufaha eegno, markaa waxaanu isla garanay in doorashada la qabto bisha November 15-keeda, ee sannadka 2016, isla markaana aanu soo jeedintayada u gudbino guurtida , markii aanu isla eegnay xilligii komishanku cayimay, waxaanu aragnay inay jiraan duruufo kale oo aanay iyagu ogayn, kuwaasoo uu ka mid yahay xeerarkii oo aan samaysnayn, saami qaybsiga oo ah arrin nagu adag oo ay tahay in distoorka dib loo eego, sidaasaanu isla garanay oo arrintana guurtida aanu kusoo celino saddexdayada xisbi iyo xukuumadduba waanu u dhamayn, waxaa ka baxay markaa heshiiskaas xisbiga WADDANI, isagoo yidhi waxaan ogaaday inay dhaafinayaan intaanu soo jeedinay, xaqna wuu u leeyahay oo wuxuu yidhi haddaan la ina dhegaysanayn maxaynu ku xiiqaynaa.”

Sidoo kale, guddoomiyaha xisbiga KULMIYE Muuse Cabdi ayaa isaguna dhiniciisa eedo ujeediyay guddoomiyaha xisbiga mucaaradka ah ee WADDANI Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi (Cirro), waxaanu xusay inay nasiib-darro tahay heshiiskaas uu kaga baxay, wixii qalad ah ee hadhaw ka yimaadana uu isagu masuuliyadeeda leeyahay, waxaanu yidhi. “Guurtidu waa hay’ad distoori ah, iyadaa awoodda anagu soo jeedin ayuun baanu leeyahay, laakiin saddexdayada xisbi haddii aanu dhamaan lahayn miisaan baanu yeelan lahayn, waxaanan qabaa haddii sidaa aanu saddexdayadu ku talinay haddii aanu u dhamaan lahayn inay tixgelin lahaayeen, waxa nasiib-darro ah inuu Cabdiraxmaan Cirro (Guddoomiyaha WADDANI) inuu nagaga baxay heshiiskaas u qiil samayn maayo oo odhan maayo waxbuu ogaaday hawl qaran baanu wadnay saddexdayada ayaa is-raacay qarankay dan u ahayd, nin walba dhibaato way ka haysatay xisbigiisa Cabdiraxmaan taa uu kaga baxay maanta anigu waxaan leeyahay waa liidasho, isagaana wixii xumaada xumeeyay, qaranka wixii ka dhinmana isagaa xumeeyay.”

Dhinaca kale, guddoomiyaha xisbiga WADDANI Cabdiraxmaan Cirro ayaa ku doodday inaanu jirin heshiis ay saddexda xisbi wada-gaadheen, balse ay doonayeen inay arrinta go’aan ka gaadhaan shirguddoonka guurtida, madaxweynaha iyo saddexda xisbi, si ay u helaan kalsooni ah in 15-ka November la qabto doorashada, taasina aanay suuro. Sidaa darteed ay xisbi ahaan go’aansadeen inay ku adkaystaan go’aankii hore ee komishanku soo jeediyay ee ahaa 1-da June 2016 in doorashadu dhacdo, waxaanu yidhi, isagoo arrimahaas ka hadlaya.  “Waxaad la socotaan in doorashada la muddeeyay bisha June 1-deeda, waxaad la socotaan in baryahan arrintaasi hortaalay golaha guurtida, waxaad la socoteen in aanu weli go’aan kasoo bixin guurtida. Axsaabtu way kulantay waxbaanu is-waydiinay, waxaanu is-waydiinay waxay ahaayeen in talo qaran oo midaysan la helo, taasoo ay u dhan yihiin saddexda xisbi iyo xukuumaddu, waxaanu ka hadlaynay soojeedin, heshiiskuna wuxuu ku imanayay, markaanu helno kalsoonida golaha guurtida, waxaanu ku hadalnay in madaxweynaha, axsaabta iyo shir-guddoonka guurtida ay iskaga yimaadaan oo ay iska arkaan, taasi may suurogelin, waxaanu u tagney guddoomiyaha golaha guurtida, si wanaagsan ayuu noo soo dhaweeyay anaga oo saddexda guddoomiye ah, waxaanu ka codsanay wixii aanu isla garano inuu fulinayo iyo in kale. Saleebaan wuxuu yidhi, isagoo xaqna u leh, talada waxa leh golaha, waxaanan gaynayaa golaha, markaa ummadda iyo axsaabtuba 1-da June ee sannadka 2016 ayay taagnaayeen, noomay muuqan kalsooni halkii hore meel aan la garanayn looga guuraa. Sidaa darteed ayay noogu muuqatay, maadaama oo aanaan kalsoonidii guurtida aanaan hayn, waxay noogu in meeshii shacabka, axsaabta iyo caalamkuba ku midaysnaa oo uu mawqifka xisbigu kaa noqdo oo ah 1-da June.”

Somalilandpost.net