Masuuliyiinta Wasaaradda Beeraha oo ka hadlay Kooxo u baxay Xakamaynta Ayax ku habsaday Deegaano ka mid ah Somaliland

Hargeysa (SLpost)- Wasaaradda Beeraha Somaliland ayaa kooxo u dirtay xakamaynta Ayaxa ku habsaday deegaano ka mid ah beeraha dalka, iyada oo ay masuuliyiinta wasaaradda Beeruhu faahfaahin ka bixiyeen kooxahan ay u direen xakamaynta Ayaxa.

Sunta AyaxawWasiirka Wasaaradda Beeraha Faarax Cilmi Maxamuud (Geedoole)   ayaa mar uu maanta  Warbaahinta magaaladda Hargeysa kula hadlaayey waxa uu sheegay in Ayaxu uu  Beeraleyda dalka dhibaato weyn ku hayo, isla markaana ay ay si deg dega ugu direen Kooxo buufin doona Cayayaanka Beeralayda Xaalufinta ku haya.

Prof : Faarax Cilmi Maxamuud (Geedoole)  waxa uu hadalkiis ku bilaabay “ Waxa aan halkan uga sheegayaa umadda in Ayaxa oo runtii dhibaato weyn dalka ku haya oo saakaddan laga soo sheegay ilaa Deegaanka Ceeldaraad ilaa Lughaya ay Kooxdii ugu horeysay maanta u baxayso si looga hortago khatarta Ayaxa uu beeralayda u keenayo,isaga oo Team-kaasi ka kooban Hay’addaha CLS iyo DRC labadaasi Hay’addood oo ah kuwa ku shaqada leh arimaha Ayax la dagaalanka oo midna Xarunteedu tahay magaalada  Rome ee dalka Talyaaniga, midna xarunteedu Adisababa tahay”

Wasiir Geedoole oo hadalkiisa sii wata waxa uu intaadi raaciyey “Hawshani waxa iska kaashaday Wasaaradda Beeraha ee Somaliland, labadaasi Hay’addood iyo Hay’adda FAO a y wada wadaan, runtiina maanta ayaa loo baxayaa meelahii uu Ayaxaasi ka jiray oo maynaan gaadhin marxalad Diyaarad la isticimaalo oo waxa weeyaan Wakhtigan Xoolaheenii oo dhan ayaa Xeebta jooga waxana aanu ka baqanay in waxyeelo iyo dhibaato ay Kiimikaashaasi u keento Xoolaha, marka imika waxa aanu isticimaalayna daawadda la yidhaahdo (Best Sides) oon khatar ku ahayn Deegaanka oo hada Kooxaha ayaa baxaya oo Ishaalaahu xaga Deegaanka Lughaya ayey ka soo bilaabayaan oo Ayaxu aad iyo aad ugu badan yahay marka danbena xaga Bariga ayey u kici doonaan taas ayayaan ogaysiinayaa umadda”

Agaasimaha guud ee Wasaaradda Beeraha Cabdilaahi Ismaaciil Faarax oo isna ka hadlay arintan Ayaxa ayaa sheegay inay kooxahan ay u dirayaan la dagaalankiisa ay rajaynayaan inuu wax badan ka qabto sidii loo xakamayn lahaa.

SOMALILANDPOST.NET