Masuuliyiinta Ururrada natiijada qaaddacay qaarkood oo jawaab adag ka bixiyey hadal ka soo yeedhay Madaxweyne Siilaanyo

Qaar ka mid ah Masuuliyiinta Ururrada Hadhay

[H]argeysa (SLpost)- Guddoomiyeyaasha u hadlay Ururrada qaaddacay natiijadii Guddiga diiwaangelinta Ururrada siyaasaddu soo saartay 20-kii April 2012, ayaa jawaab ka bixiyey baaq Madaxweynaha Somaliland u jeediyey oo nuxurkiisu ahaa inay tanaasulaan, haddii ay taa ku qanci waayaanna waxay doonayaan u maraan jidka sharciga ah.

Guddoomiyaha Ururka NDB Foosiya Yuusuf Xaaji Aadan iyo Guddoomiyaha Ururka Jamhuuriga Axmed Sandoon Xasan oo labadooduba ku hadlayey magaca Dallad ay sheegeen inay ku midoobeen Ururrada natiijada Guddiga diiwaangelinta qaaddacay, markii Guddigu sheegtay inay ku hadheen wareeggii labaad ee shuruudaha kala reebista Ururrada, ayaa jawaab adag ka bixiyey hadalkaa ka soo yeedhay Madaxweynaha Somaliland Md. Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo), mar uu shalay kumannaan reer Hargeysa ah khudbaddiisa xuska 18-ka May ugu jeediyey Fagaaraha Beerta Xorriyadda ee magaalada Hargeysa.

Qaar ka mid ah Masuuliyiinta Ururrada Hadhay

Waxaanay Guddoomiyeyaasha JAMHUURIGA IYO NDB sidaa ku sheegeen shir jaraa’id oo ay shalay gelinkii dambe ku qabteen magaalada Hargeysa kaga hadleen xuska 18-ka May oo ay Shacabka reer Somaliland ku hambalyeeyeen iyo sidoo kale dhacdada sababtay in dablay hubaysani Xero Ciidanka Qaranku leeyahay ee Hargeysa ay weeraran.

Ugu horreyn Foosiya Yuusuf X. Aadan oo shirkaa jaraa’id ka hadashay waxay tidhi; “Waxaan maanta halkan ka hambalyaynaa shacabka reer Somaliland gudo iyo debada, mujahaadiintii waddankan xoreysay Illaahay ha u naxariistee anniga iyo Guddoomiye Axmed Sandoon oo ku hadlayna magaca Dalladda Ururrada loo diiday doorashada oo ku midoobay inay ku dagaallamaan xaqii ay lahaayeen, waxaan shacabka reer Somaliland marka kale leeyahay hambalyo hambalyo maalinta 18 May  oo ah maalin ku xardhan qalbiga qof kasta oo reer Somaliland ah oo xasuusinaysa maalmihii xorriyadda loo dagaallamayay iyo nabadgalyada maanta lugu naalloonayo aad iyo aad baan ugu farxsanahay inaannu helno fursadan, waxaan rejaynaynaa in Illaahay guul innugu gaadhsiiyo maalintan maalinteeda iyo inaynu gaadhno himilooyinka aynu ka leenahay iyo nabada.”

“Intaa ka dib waxaan halkan ka siinaynaa jawaab celin Madaxweyne Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) oo isagana aannu ugu hambalyeyno munaasibaddan oo uu ahaa Mujaahid weyn oo soo hoggaaminayay Jabhaddii xoreysay waddankan ee SNM. Madaxweynuhu khudbaddiisii maanta (shalay) waxa uu kaga hadlay arrimo faro badan waxaana ka mid ahaa inuu annaga farriin noo soo mariyay hawada inaannu ka tanaasulno xaqii aannu lahayn oo aannu samirno sidiisi isaga oo soo hadal-qaaday inuu siddeetan cod  doorashadii ku waayay kuna samray oo halkaa ku daayay.” Sidaa ayey tidhi Marwo Foosiya.

Guddomiyaha Ururka NDB Foosiya Yuusuf X. Aadan, oo hadalkeeda sii wadataa waxay intaa ku dartay oo ay tidhi; “Madaxweyne Siilaanyo waxaan u sheegaynaa inuu doorasho galay oo cod ku waayay oo lugu dooranayay xorriyad xaqna ahayd, dooarsho xalaalana ahayd dabadeedna uu dib u galay kuna guulaystay doorasho xor iyo xalaal ah, waxaan anigu ka mid ahaa dadkii doortay ee waliba u olaleeyay si uu u soo baxo, Madaxweyne waxaad ilawsantay inaanay doorasho ahayn tan nalagu reebay ee ay tahay xaq uma lihid inaad dooarsho gasho. Adiga waxaad olalaha ku soo gashay caddaalad Kitaabka Qur’aankana aad gacanta ku saartay inaannu caddaalad kaa helayno oo aad ballan-qaaday, laakiin caddaaladi ma dhicin adiga ayaa masuuliyadda qaaday tanna adiga ayaa qaaday, waayo?”

Foosiya waxay sheegtay in masuuliyadda arrinta cabashadooda Madaxweyne Siilaanyo leeyahay, iyada oo taa ka hadlaysana waxay tidhi; “Waxbaad ka qaban lahayd haddaad doonayso caddaaladdii aad noo ballan-qaadday aad ku shaqeyso. Waxaan intaa ku darayaa shaqaaqooyin ayaa ka dhacay Bariga Hargeysa aad ayaannu u cambaaraynaynaa in nabad wax lugu raadiyo ayay ahayd in quwad, xoog iyo madaafiic dad shacab ah la saaro khalad ayay ahayd, arrinka si deggan oo nabad ah hallagu dhammeeyo, waayo?”

Waxay Foosiya sheegtay in tan iyo intii ka dambaysay Salaasadii toddobaadkii hore ee ay shaqaaqadu ka dhacday xerada Ciidanka Madaafiicda goobta ee magaalada Hargeysa culays dheeraad ah oo ciidan la saaray Xaafadda New Hargeysa ee Bariga caasimadda, waxaanay tidhi; “Wakhtigan aynu joogno waxaad mooddaa xaafaddan aannu magaalada Hargeysa kaga noolnahay si arga-gax ah ayaannu u noolnahay oo culays na saaran yahay, taasina waa mid gaara oo anigu aan gudbinayo.” Waxaanay Guddoomiyaha NDB sheegtay in dadka hubaysnaa ee xerada ciidanka weeraray oo Arbacadii Maxkamadda derajada koowaad ee Ciidammada Qalabka sidaa 17 Xukun dil ah ku ridday, 5 kalena Xabsi-daa’in ay qalad ahayd, iyada oo ku doodday inaanu sharcigu oggolayn in dad shacab ah la saaro Maxkamad ciidan.

Sidoo kale, Guddoomiyaha Ururka JAMHUURIGA Xildhibaan Axmed Sandoon Xasan oo isaguna shir-Saxaafadeedkaa ka hadlay waxa uu yidhi; “Waxaan halkan ka saalamayaa oo aan uga faa’iidaysanayaa maalintan weyn oo aynu sugaynay Somaliland oo dhan hambalyo kal iyo laaba ah ayaan u dirayaa dadka reer Somaliland ee ku ciidaya daafaha dunida, ee ku ciidaya gudaha Somaliland. Marka xigta waxaan tacsidaynayaa ciidamada qaranka ka dhintay iyo dadkii shacabka ahaa ee iyaguna ku dhintay qabyada ka dhacday Xeradii Soodaanta aad iyo aad baan uga xunnahay oo aad iyo aad baan uga tiiraansanahay arrintaasina waa arrin aad innuugu fool-xun.”

Axmed Sandoon, waxa uu Xukuumadda ku eedeeyey masuuliyadda shaqaaqada ka dhacday Salaasadii toddobaadkii hore Xerada Madaafiicda goobta ee Ciidammada Qaranka. Md. Sandoon waxa uu sheegay inuu ka mid ahaa Masuuliyiin hore u gashay muranka dhulka ee sababay shaqaaqada sababtay dhimashada iyo dhaawaca, taasoo ay ahayd inay Xukuumaddu dareenkeeda iyo qancinta dadka ku cabanayey in dhulkooda laga qaaday ka gaabisay. “Dawlad waa loo ogyahay oo mar waa cidda u fulaysan oo waxa weeyaan inay itaashato ma aha iyadu ee waa inay wixii ku soo socda eegto oo sirdoon dirato markaa arrinta aad iyo aadbaan uga xumahay inay halka gaadho ma ahayn anigu runtii dawlada ayaan ku cambaaraynayaa oo waxba ka qaban wayday lama gabbanayo hadalkayga.” ayuu yidhi Axmed Sandoon.

Waxa uu Axmed Sandoon ka jawaabay talada Madaxweyne Axmed-Siilaanyo u soo jeediyey Ururrada hadhay ee ah inay tanaasul sameeyaan iyaga oo eegaya danta Qaranka iyo degganaanshaha Somaliland oo uu Madaxweynuhu ku soo hal-qabsaday wakhtigii Daahir Rayaale kaga guulaystay 84-ka cod doorashadii Madaxtooyada ee ugu horreysay oo Somaliland ka qabsoontay sannadkii 2003.

“Madaxweyne Siilaanyo annagoo isagana salaamayna oo maalinta Qaranimada awgeed ku salaamayna haddana hadalkiisii ahaa; ‘anigaba siddeetan cod ayaa laygaga helay doorashadii oo aan ku sii daayay ee ku samra, waxaan leenahay Madaxweyne 80 cod way ka badnayd intii lagaaga helay gurxan iyo goolaaftan ayaa siddeetanka keenay, laakiin waad ku samirtay oo doorasho ayay ahayd, tani maaha doorasho sidaa aad sheegtay sax baad ku tahay.” Sidaa ayuu yidhi Axmed Sandoon.

Guddoomiyaha Ururka JAMHUURIGA Axmed Sandoon Xasan oo hadalkiisa sii wataa waxa uu yidhi; “Laakiin, annagu dooarsho kumannaan hadhin ee waxaannu ku hadhnay raacigii oo khaldan shan iyo tobankii urur kii aanay u ansixin inuu doorasho galo ayay ahayd inuu hadho oo waxay ahayd inaannu ku hadhno cod oo la yidhaahdo saddexii Urur ee soo baxay kamaydaan mid noqon taa diyaar ayaannu u nahay, laakiin waxannaan diyaar u ahayn, kuna hadhi mayno doorasho aan loo sinnayn oo aan caddaalad ahayn oo aanay Ururradu ka qayb-gelin sida ay halkan uga dhacayso annagu garan mayno ummadda kala badh ayaa codkoodii siisay toddobadan Urur ee la leeyahay waa laga tagay. Waxaan leeyahay ka Xakuumad ahaan iyo ka Madaxweyne ahaan sida idinku doorasho caafimaad qabta u doonaysaan, arrigu waxaan islahaa mabay gaadhin, laakiin haddii ay ku soo gaadhay masuul ayaad ka tahay ka fiirso oo dadka wax weydii.”

Su’aal la weydiiyey Masuuliyiintan oo ahayd illaa goorta ay sii wadayaan tanaasul la’aanta, waxa ka jawaabtay Guddoomiyaha Ururka NDB Marwo Foosiya Yuusuf Xaaji Aadan, waxaanay tidhi; “Waannu weydaynaa illaa inta aannu ka helnayno xaqayaga waa hawl annaga iyo shacabka u taalla, caddaaladdii la ballan-qaaday ee uu Kulmiye ku soo galay doorashada ee Axmed-Siilaanyo ku helay madaxtinnimada oo uu ku soo baxay annaguna caddaaladdii ayaannu ka doonaynaa annagu xaqa waannu leenahay yeeli-mayno ka dul-qaata, waa dulmi qaata. Nala diid in nala dhageysto haddii Maxkamadaha nalagu riixayo maxaa Maxkamadda culays loo saarayaa oo loo diidayaa caddaaladdii aannu xaqa u lahayn inaannu helno? Shacabka ayaannu ka mid nahay oo dadka xaqa u leh ayaannu ka mid nahay in la doorto waxna ay doortaan, waannu sii wadaynaa raadinta xaqayaga naga maqan illaa ay dawladdu ka soo noqonayso khaladkeeda.”

COURTESY: Ogaal