Masuuliyiinta Shirkadda SOMTEL oo Ka qayb Galay Wajigii saddexaad ee Barmaamujka KASMAAL iyo jawaab celintii Xiisaha Dadka

Hargeysa, 21 January, 2012 (SLpost)- Masuuliyiin uu Horkacayo Maareeyaha Shirkadda Isgaadhsiinta Casriga ah ee SOMTEL ayaa Maanta ka qayb galay Barmaamujka Xiisaha leh ee Kasmaal oo ay iska kaashadeen shirkadda wadaniga ah ee Somtel iyo Tv-ga Qaranka Isla Markaasna ay shirkaddu si toos ah u maalgaliso .

Masuuliyiinta maanta ka qayb galay Barmaamijka Kasmaal oo dib loo Bilaabay sanadka Cusub ee 2012, ayaa u kuurgalayay sida ay dadweynaha reer Somaliland uga soo Qaadan lahaayeen fikradooda ku aaddan Barmaamujkani iyo waxyaabaha loo baahan yahay in lagu soo kordhiyo.

Maareeyaha Shirkadda Isgaadhsiinta Casriga ah ee SOMTEL Mudane Cawil Saalax Cabdi iyo xubno sare sare oo ka tirsan masuuliyiinta shirkadda ayaa waxay u guur galayeen sidii Barmaamujkani Kasmaal loo horumarin lahaa.

Dadweynaha Ka soo qayb galay furitaanka qaybtii saddexaad ee Barmaamujkani oo isugu jiray Tartamayaasha Barmaamujka iyo ka soo qayb galayaan kale, ayaa ka warramay Firkadooda ku aaddan Barmaamujkani ay Maalgalisho Shirkadda SOMTEL oo Ka mid ah Barmaamujyadda loogu Jecelyahay Daawashadiisa Dalka Somaliland .

Barmaamujkani Kasmaal oo inta badan ka baxay Tv-ga Qaranka ayaa waxaa si toos ah u maalgalisha shirkadda Isgaadhsiinta Casriga ah ee somtel Kaasi oo ah Barmaamuj Shirkaddu ay Macaamiisheed Dib ugu Celiso waxyaabihii ay Ka Faa’iiday  isla markaasna ay shirkaddu qofkii ku guulaystay su’aalaha tartanka ku bixiso abaalmarinno lacag ah oo Heerar kala duwan leh.

Somalilandpost News

webmaster@somalilandpost.net