Masuuliyiinta Cusub ee loo magacaabay Wasaaradda warfaafinta oo xilka la wareegay iyo Nuxurka Khudbadihii laga jeediyey madasha xilwareejinta

Hargeysa (SLpost)- Wasiirka iyo Wasiir ku-xigeenka cusub ee wasaarada warfaafinta iyo wacyi-gelinta Somaliland Md. Abiib Diiriye Nuur iyo Md. Cabdilaahi Maxamed Daahir (Cukuse), ayaa maanta si rasmi ah xilkii ugala wareegay Wasiirkii hore ee wasaaradaasi Md. Cabdiraxmaan Yuusuf Ducaale (Boobe) oo madaxweynuhu xilkii ka qaaday 29-kii Bishii hore ee August 2012.

Xaflad loo sameeyay xil wareejintaasi oo lagu qabtay xarunta wasaaraddaas, waxa ka soo qeyb galay Agaasimaha guud ee Madaxtooyadda, Guddoomiyaha xafiiska siyaasada iyo xidhiidhka dadweynaha ee Madaxtooyadda, Xildhibaano ka tirsan golaha Wakiilada, Agaasime waaxeedyada iyo shaqaalaha wasaaradaasi.

Wasiirkii hore ee warfaafinta Md. Boobe Yuusuf Ducaalle, ayaa xafladaasi ka jeediyay khudbad ku wajahnayd qodobadii u hirgalay wasaaradda mudadii uu xafiiska joogay iyo qorsheyaashii uu dhigayba.

Md. Boobe Yuusuf waxa uu Madaxweynaha uga mahad celiyay magacaabistiisii iyo xilka qaadistiisii dambeba. Waxaanay khudbadii uu halkaasi ka jeediyay ka mid ahaa;

“Madashan uma aan hollan in aan ka jeediyo khudbad dheer oo aad ku hafataan, qaarkiinna iguba hiifaan. Xaasha! Waxaan u holladay in aan si sar-ka-xaadis ah u guud maro wax-qabadkayagii koobnaa, muddadii saddexdabilood ahayd ee aan halkan joogay ama aan hoggaankaba ka ahaa.

Marka hore Ilaaha Maxamed samo ku uumay ayay gallad iyo mahadiba u sugnaadeen.Mar labaadka waxaan halkan mahad aan duugoobin uga celinayaa Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Axmed Maxamed Maxamuud, Siilaanyo, oo xilkan ii igmaday bishii Maarj 14dii 2012ka, isla markaana aan la wareegay 19kii Maarj, 2012ka.Waxaan leeyahay, Mudane Madaxweyne kalsoonida aad xilkaa iigu dhiibtay mahad iyo abaalba waan kuugu hayaa.Qaddarin iyo qiimayn tix-gelintooda leh ayay ahaayeen. Mudane, Madaxweyne, waxa kale oo aan kaaga mahad-celinayaa xil-ka-qaadistii 29kii Ogos 2012ka oo aanan ka xumaan, bal se aan naxariis iyo naruuraba u qaatay.Iyadana waan kaaga mahad-celinayaa oo qaddarin iyo qiimaynba waan u qaadanayaa.Waxa kale oo aan qof ahaan, Madaxweyne, kaaga mahad-celinayaa qaddarintii iyo tix-gelintii aynu ku wada hawl-gallay muddadii koobnayd ee aynu wada-shaqaynaynay, taasoo salka ku haysay muddadii dheerayd ee aynu soo wada-shaqaynay ama soo wada-halgannayba, kana soo bilaabmaysay ku-sinnaan 1976kii.

Afartaasi waa arar iyo dadab-galkeedii. Hoos aan u soo dego. Markii aan xilka tirsaday, waxaanu hawsha ka bilownay sidii aanu u hagaajin lahayn duruufta nololeed iyo ta shaqo ee Wasaaradda Warfaafinta iyo Wacyi-gelinta. Iyada ooay haynta iyo dhaqaaluhuba na xukumayeen, waxaanu gufaynta qabyada ku ballaysinnay in aanu horumar aan badnayn ka samaynno xaaladda nololeed ee ciidanka Wasaaradda ilaaliya oo aanu u dhisnay meelo kooban oo ay seexdaan iyo meel ay ku cunteeyaan.

Intaa yar ka dib waxaanu bilownay in aanu nadiifinno wejigahore ee Wasaaradda oo aanu ka rarno buulashii yar yaraa eefoosha xumaa si aanu u muujinno quruxda qarannimada iyo dawladnimada..Intaa ka dib waxaanu qandaraasla gallay shirkadda Daryeel si ay dhagax qoran u geliso wajahadda Wasaaradda. Boqol mitir ayaanu gelinnaydhagaxii qornaa, annaga oo qorshaysannay in aanu ku darno albaab saddexaad iyo 87 mitir oo kale oo dhagax qoran ah, hawshaas oo aanu hirgelin lahayn bal se aanu waqtigu nagu simin. Waxa intaa noo raacay in aanu qorshaysannay in aanu waddada laamida iyo derbiga inta u dhexeysana dhagax qoran dhulka dhigno.Waxaanu ku guulaysannay in aanu tobankii mitir eeugu horreeyaydhagaxaa qoran dhigno. Hawshan fulinteeda waxaanu uga mahad-celinaynaa dad door ah oo uu ka mid yahay mulkiilaha shirkadda Al-nuur.

Muwaaddin ka tirsan ciidanka waddooyinka ee Somaliland oo ii yimid maalmahaa aanu deyrka iyo qarannimadaba qurxinaynay, ayaa igu yidhi: ”Aakhirona meel la tago lehe, horto wasaaraddii waad u fool-dhaqday.”

Tallaabaii taa xigtay waxay ahayd dayac-tirkii iyo qurxintii dhismaha Radio Hargeysa oo qaybo ka midah aan ilaa 1953kii waxba laga qaban, oo weliba duqayntii Hargeysana uga danbeysay. Waxaanu ku guulaysannay in aanu dhismahaa dhammaanti gudaha dib uga hagaajinno, albaabbada ka wada beddello oo qaar saag ah aanu gelinno. Waxa kale oo noo hirgashay in aanu markii ugu horreysay dhulka oo dhan dhigno mar mar. Intaa kagama aanu hadhin, bal se xafiisyada Radio Hargeysa oo dhan wixii qalab yaallay waanu ka beddellay oo mid cusub ayaanu dhignay.

Tallaabadii taa noo xigtay waxay ahayd in aanu baahida xafiis ee jirtay awgeed kala jar jarno dhowr meelood oo aanu u aragnay in la beekhaamin karo, si shaqaaluhu xilalkooda u gutaan.Waxaanu meel u samaynay QaybtiiTababarrada in kasta oo aanaan ka gaadhin qalabayntii.Waxakale oo aanu Istuudiyaha TV-ga Qaranka ka dul qaadnay Qaybtii Barnaamajyada Ingiriisiga oo aanu meel u samaynay.

Inta aanan ka bixin qaybta Idaacadda, waxa noo suurto-gashay in aanu soo dejinno, rakibno isla markaanu hawl-gelinno Idaacaddii cusbeyd ee muddada dheer loo sid-tirinayay.Hanbalyadeedii iyo bogaadinteedii meel walba waa ay nagaga timid, hor-dhaceedii ma aanu heensanne, waanu idiiin hanbaynay oo maalinta wan-qasha ayaad ka durduuran doontaan.Waxaanu ku guulaysannay in aanu Idaacadda cusub u soo iibinno mishiin cusub oo korontada ah oo 400 oo kva ah, iyada oo ay hore u yaalleen dhowr mishiin oo kale oo is-nasiya Wasaaraddana ka faro badani.

E-mailladii shalay (3/9/12ka) noogu danbeeyay waxay soo weriyeen in laga dhegaysanayay: Finland, Japan iyo Australia. Waxay nagu soo hanbalyeeyeen in ay ku faraxsan yihiin mowjadahaa hirarka gaaban ee hawada ku soo noqday iyaga oo ka maqnaa tan iyo 88kii.Waa mid ka mid ah taallooyinka aanu taagistoodii qaybta libaax ka qaadannay.”

Dhinaca kale, Wasiirka cusub ee warfaafinta Md. Abiib Diiriye Nuur oo ka hadlay xafladaasi ayaa u mahad celiyay wasiirkii hore oo si niyadsami ah xilka ugu wareejiyay.
Wasiirka cusubi waxa kale oo uu sheegay in dad badani la soo xidhiidheen mudadii uu magacownaa isla markaana walaac ku abuureen. “Anigu imika shantii cisho ee aan magacownaa waxa ila soo hadlay malaa Laba Boqol oo nin ayaa igu yidhi maxaad meesha ka doontay.? Waxay igu yidhaahdeen malaa madaxweynuhu markuu meesahan kuu magacaabay wuu ku dilayaa. Waayo kolayba anigu intaan xasuusan nahay illaa afar Wasiir ayaa soo maray wasaarada warfaafinta muddo laba sanadood gudahood ah,”ayuu yidhi Md. Abiib Diiriye.

Wasiirka cusubi waxa uu intaasi ku daray, “Markii aan waydiiyay ee aan idhi meesha maxaa jira waxa la igu yidhi meeshu (Wasaaradu) waa meel kadeedan oo dadka joogaa hadal uun ka shaqeeya oo kulul baa meesha jooga. Wasiir wal oo afartaas Wasiir meesha yimaadaaba waxa uu kaga tagay 30 qof oo shaqaale ah oo uu qoray. Shaqaalihiina waxay marayaan 600-700 oo qof.”

Wasiirku waxa uu ILAAHAY ka baryay inuu ILAAHAY u fudaydiyo xilka wasaaradda, waxaanu balan qaaday inuu si cadaalad ah u Hoggaamin doono, isagoo arrintaasi ka hadlayayna wuxuu yidhi “Waxaan ILAAHAY ka baryayaa inay inoo hagaagto oo aan toosino wasaaradda inta aanu meesha gacanta gelino anagoo si cadaalad ah u toosino ayaa naga go’an.”

Sidoo kale, waxa xafladaasi ka hadlay Wasiir Ku xigeenka cusub ee wasaarada warfaafinta Md. Cabdllaahi Maxamed Daahir (Cukuse) oo sheegay inay ku dedaali doonaan inay ka shaqeeyaan horumarka wasaarada warfaafinta iyo wacyigelinta.

Geesta kale, waxa xafladaasi ka hadlay Agaasimaha guud ee wasaaradda warfaafinta Md. C/Rashiid Jibriil Yuusuf Iyo Agaasimaha Idaacada Radio Hargeysa Siciid Aadan Cigge kuwaasi oo ka waramay waajibaadka wasaarada iyo waxyaabihii u qabsoomay. Waxaanay sheegeen inay si niyadsami ah u sii sagootinayaan Wasiirkii hore isla markaana ay Wasiirka iyo wasiir Ku xigeenka cusub soo dhawaynayaan.

SOMALILANDPOST.NET

webmaster@somalilandpost.net