Masuul Ummadu Markhaati U Furtay, Abaalgudna Guddoonsiisay – W/Q: Xasan Raas

wasiiir samsamXukuumadihii hore ee Somaliland soo maray iyo xukuumadda haatan joogtaba waxa ku yar wasiir bulshadu markhaati ka furto waxyaabaha uu hirgaliyay inta uu shaqada qaranka ku jiray. Masuulkasta marka la magacaabayo amaba la dooranayo waxa laga sugayaa inuu qabto waxa loo xil saaray, marka uu qabto waxyaabihii lagaa sugayayna, waxa uu gutay waajib saarnaa oo maaha inuu ka sugo bulshada amaan iyo abaalgud. laakiinse dadka uu waxtarkani u hirgaliyay ayay waajib ku tahay inay u mahad celiyaan si uu uga sii badiyo, si inta kale ee xilalka haysa ee waxtarka lagu sugayaana ku daydaan. Taas waxa inay faraysa diinta suubban oo waxa Nebigeenu (N.N.K.H) inoo tilmaamay in qofka aan dadka u mahad celin uu yahay qofka aan Rabigiisa abuurtayna aan u mahad celin. Taasina waxay waajib ka dhigaysaa inaad qofkasta oo wax kuu tara haddii aanad wax kale ugu abaalgudayn aad u mahad celiso. Iyadoo dabeecadda aadamaha ay tahay in goor walba uu doono waxa uu helo ama loo qabto looga sii badiyo, oo ay tahay mid ku abuuran bani aadamka oo dhan. Sida diinteena suubban tilmaantayna ‘bani aadamka waxa afkiisa buuxiya ciida oo kaliya’ kuma qanco waxkasta oo dunida dul yaala.

Sidaas darteed, waxaynu maanta arkaynaa wasiiro ka tirsan xukuumaddan talada dalka haysa ee kulmiye oo bulshada reer Somaliland uga markhaati kacday inay wax qabad iyo waxtar aanay hore uga arag wasiiradii xilalkaas ugu horeeyay ay ka heleen, oo ay waliba dadweynihii isku dayayaan inay abaalgud iyo maamuus guddoonsiiyaan, oo shakhsi walba dhankiisa iska xilqaamo. Halka aynu in badan warbaahinta ku aragno dad la soo abaabulay oo kooxo ah oo taageeraya kolba xukuumadda talada haysa, laakiin arrinkan aan qalinka u qaatay kaas waa ka duwan yahay oo waxa ii muuqata in dadkani yihiin dad dareenka ay samaynayaan iyo abaal-gudkan ay bixinayaan yahay mid ay ka keentay waxa loo hirgaliyay. Iyadoo ku abaal mariyay hantidooda kuwii ugu cuslaa, ee la odhan karo kamuu maarmi karayn muwaadinkani hantidan ee waxa uu xejin waayay dareenka oo uu ka keenay waxqabadka isaga iyo inta ku xeeran loo hirgaliyay.

Haddaba, markaan soo qaadano Wasiirka Wasaaradda Waxbarashada Somaliland, ,Marwo Samsam Cabdi Aadam, waxay ka mid tahay wasiirada bulshadu abaal marisay, bulshaduna waxay qaybo badan yihiine waxa abaal mariyay kuwo aynu odhan karo waa kuwii ugu hooseeyay ama danyarta ahaa, waxa fagaare ku abaal mariyay oday xoola dhaqato ah, oo ugu deeqay hal irmaan, kaas oo sheegay inuu tani jawaab ka tahay iskuulka ay ka dhistay Samsam intay xilka haysay deegaaankooda saylac oo aan hore iskuul aan hore uga jirin.

Waxa aad halkaas ka arkaysaa in odaygaasi muujiyay dareen waddaninimo bulshadana u horseeday inay qirato waxa kolba masuuliyiintoodu u hirgaliyaan, masuuliyiintiina waxa uu ku tartansiiyay waxqabad, waayo goobtaas in toban wasiir ka badan ayaa ku sugnaa, Wasiir Samsam oo kaliyana waxay noqotay Wasiirka abaalgudka la guddoonsiiyay.

Waxaana mar labaad wasiirka Waxbarashada waxqabadkeeda ugua markhaati kacay bulshada ay xilka u haysay, oo waxa iyana xaflad u qabtay shahaado sharaf ay ugu talo galeen Wasiir Samsam ardayda Dugsiga Sare ee Oodweyne, xafladaas oo aanay Samsam joogin, ee uu u guddoomay badhasaabka gobolka Oodweyne. Waxaanay sheegeen ardaydaasi in waqtiyadii hore dugsi sare aanay lahayn una tagi jireen meelo kale, taasna ay ugu mahad celinayaa ALLAH ka sokow xukuumadda haatan talada haysa gaar ahaan wasiirka Wasaaradda Waxbarashada.

Haddaba, Waxaan leenahay inta masuuliyadda qaranka haysa in haddii ay bulshadooda xilka ay u hayaan ee ka sugaya waxtarka ay horumar gaadhsiiyaan, ka heli doonaan abaal, magac iyo maamuusna ku dhex yeelan doonaan.

 

Xasan Axmed (Xasan Raas)

Hargeisa Somaliland

hassanraas@gmail.com