Masuul Shaacinta Magacaabistiisu ka baaqsatay Digreetadii Madaxweynaha oo Si Qarsoodi ah loo Baahiyey

Somalilandpost NewsHargeysa (SLpost)- Madaxweynaha Somaliland Md Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo), ayaa isku-shaandheyntii uu shalay ku sameeyey Golihiisa Wasiirrada, waxa qayb ka ahaa isla markaana aan si rasmi ah warbaahinta loogu gudbin Masuul cusub oo uu ku soo kordhiyey Golaha Wasiirrada.

Digreeto sumaddeedu tahay JSL/M/XERM/249-1854/062013 oo xambaarsan magacaabista Masuulkan cusub oo lagu baahiyey bogga Facebook ee Xafiiska Afhayeenka Madaxtooyada, ayaa lagu sheegay in Madaxweyne Siilaanyo xilka Wasiirul-dawlaha Wasaaradda Xannaanada Xoolaha u magacaabay masuul cusub oo lagu magacaabo Cabdiraxmaan Maxamed Cabdalle.

War-saxaafadeedka xafiiska Afhayeenka ka soo baxay, ayaa u dhignaa sidan: “Madaxweynaha JSL, Mudane, Axmed Maxamed Maxamuud (Silaanyo) waxa uu digreeto madaxweyne oo sumadeedu tahay JSL/M/XERM/249-1854/062013 ku magacaabay Wasiiru-dawlaha Wasaaradda Xannaanada Xoolaha ee Jamhuuriyadda Somaliland.

MADAXWEYNUHU:-

Markuu Arkay: Qodobka 90aad, Faqradiisa 2aad ee Dastuurka Jamhuuriyadda Somaliland;

Markuu Tixgeliyey: Ahmiyadda weyn ay Wasaaraduhu u leeyihiin Dalka iyo Dhismaha Qaranka;

Markuu Arkay: In baahi loo qabo buuxinta jagada Wasiiru-dawlaha Wasaaradda Xannaanada Xoolaha ee JSL;

Markuu Ka Fiirsaday: Kartidiisa, aqoontiisa iyo hufnaantiisa shaqo;

Markuu ku Qancay: In uu hanan karo xilkan loo magacaabay;

Wuxuu go’aansaday

In Mudane, Cabdiraxmaan Maxamed Cabdalle, laga bilaabo taariikhda maanta uu ahaado Wasiiru-dawlaha Wasaaradda Xannaanada Xoolaha ee Jamhuuriyadda Somaliland.”

Isku-shaandheynta Madaxweyne Siilaanyo shalay ku sameeyey golihiisa Wasiirrada oo lagu tilmaamay tii ugu ballaadhneyd muddadii ka dambaysay dhismaha Xukuumaddiisii ugu horreysay, ayaa lagu baahiyey war-saxaafadeed xambaarsanaa digreeto madaxweyne ayaa sumaddeedu ahayd JSL/M/XERM/249-1820/062013.

SOMALILANDPOST.NET