Masrixiyad Taabatay Quluubta Dadkii Daawanayey oo Madaxweyne Muuse Biixi ku jiro

 

Hargeysa (SLpost)- Madaxweynaha Somaliland ayaa shalay ka qayb-galay xus ballaadhan oo loo sameeyey sannad-guurada 26aad ee Ciidanka Qaranka oo ku qabsoontay Xarunta Taliska Guud ee magaalada Hargeysa.

Intii ay munaasibaddu socotay, waxa masrixiyad cajiib ah iyo suugaan ku soo bandhigay kooxda Fanaaniinta ee Ciidanka Qaranka ee Gaashaan, iyadoo masrixiyaddaasi lagu soo bandhigay dhibaatooyinka dhinaca nolosha ee shacabka ka haysta ganacsatada iyo sidoo kale xarumaha caafimaadka oo noqday meelaha ugu badan ee ganacsigoodu taabtay nolosha bulshada.

Haddaba, waxaanu halkan idinku soo gudbinaynaa qayb ka mid ah masrixiyaddii ay goobtaas ku soo bandhigeen kooxda Gaashaan, taas oo si weyn u taabatay quluubta madaxdii iyo dadweynihii ka qayb-galay xafladda.