Masjid Ku Yaala Muqdisho Oo Hub Waaweyn Laga Helay

Muqdisho (SLpost)(-Wararka ka imanaya magaalada Muqdisho ayaa sheegaya in ciidamada Dowlada Soomaaliya ay baadhitaan ku sameeyen Degmada Hodan ee Gobolka Banaadir gacanta lagu dhigay Hub farabadan oo lagu qariyey Masaajid ku yaala Degmada Hodan ee gobolka Banaadir.

ds3

Ciidamada Dowladda ayaa sheegay in lagu soo wargeliyay in hubkaasi lagu qariyay Masaajidka,waxaanay bilaabeen baadhitaan,waxaanay ku soo qab-qabteen hub farabadan oo noocyo kala duwan leh.

Wasiirka amniga gudaha iyo taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliyeed ayaa hawlgalka kadib halkaasi kormeer ku tagay waxa ayna sheegen in hawlgalku sii socon doono maadaama Alshabaab ay suurtagal tahay in meela kale ay ku aasaan hub lagu dhibaateeyo Bulshada Soomaaliyeed.

Dhinaca kale ma jirto illaa hadda koox sheegatay hubkan,walow ay dhacdadani noqoneyso dhacdadii ugu horresey ee masaajid lagu aaso hub farabadan.