Waxaa maalmahan danbe soo shaac baxay mashruuc la yidhaahdo xaal ayaan ka bixinayaa hadii wax lagaa sheego, oo weliba mashruucaasi waxa gadhwadeen ka ah dad dilaaliin ka ah madaxtooyada somaliland, dhawaan ayay ahayd markii dumar aan xil ka hayn xukuumada siilaanyo ugu hanjabeen Madaxda Xisbiga UCID in aysan tegi karin magaalada gabiley ee xarunta gobolka gabiley, waxaana dhacday in Murashaxa madaxweynaha ee xisbiga UCID Jamaal Cali Xuseen oo ay ku wehelinaya safar balaadhan oo ay doonayeen inay ku tagaan magaalada gabiley Xoghaya Maaliyada ee Xisbiga UCID Marwo Faadumo Siciid iyo saraakiil kale oo ka tirsan xisbiga laga hor joosaday inay tagaan magaalada Gabiley ee xarunta gobolka gabiley, sida ay sheegeen ilo lagu kalsoon yahay xarunta madaxtooyada ayaa laga amray falkaasi foosha xumaa ee lagaag hor joogsaday masuuliyiintaasi xisbiga UCID gabiley, waxaana la sheegay in koox dumar ah oo awood badan ku leh xarunta madaxtooyada somaliland ay ka danbeeyeen falkaasi foosha xumaa ee masuuliyiinta xisbiga UCID loogu diiday inay tagaan magaalada gabiley, xarunta madaxtooyada oo haatan noqotay meel kooxo dumar ah oo doonaya inay socoto toodu ay ka taliyaan ayaa waxa dhacay in maalintaasi dhiil ay u soo jeedisay xoghaya maaliyada ee xisbiga UCID marwo faadumo Siciid Madarwada Siilaanyo Aamino Weris oo ay sheegtay inay xilka si wanaagsan oo umadu og tahay ugala wareegto Madaxweyne Siilaanyo madama oo ay iyadu ka taliso dalka. Dhaliishaasi kadib ayaa la sheegay inay cadhootay Aamina Weris oo ku tiiraabtay dadkii aan ka soo jeeday ima taageersanay kadibna lacago badan ku bixisay sidii loo siin lahaa xaal waxana la sheegay in ay maalintaasi madaxtooyada ugu yeedhay ninka ay ededa u tahay ee lagu magacaabo C/risaaq Ciyaale oo haya xil waqtigisii dhamaaday balse awoodo kale ka haysta marwada madaxweyne siilaanyo malaintasi ayay ku tidhi soo abaabul kooxo isku jira rag iyo dumar oo aynu lacago siino si aynu indhaha daka u tusno in reer saaxil ka xun yihiin dhaliisha Faadumo Siciid ay I dhaliishay, deed waxa dhacday in kooxo laaluush qatayaal ah ay wax lagu sheegay xaal geeyeen Xarunta Madaxtooyada halkaasina ku siiyeen xaalkaasi. Dhaqanka noocaasi ah ayay dadka ka faalooda siyaasadu ku tilmaameen inay astan u tahay kaslooni darada madaxtooyada ka haysata gobolka saaxil ee ay ka soo jeedo AAMINA WERIS. Qore:Muna Maxamed Yuusuf Berbera/Somaliland
Mashruuca Xaal bixinta Oo Noqday Jiif Oo Jaq!
Advertisement
Advertisement