Mashruuc Xirfado Shaqo iyo Meherado Ganacsi loogu furayo Afar Boqol oo Haween ah oo Hargeysa ka Furmay

Hargeysa (SLpost)- Agaasimaha guud ee wasaaradda shaqada iyo Arrimaha Bulshada Md Baashe Yuusuf Axmed ayaa maanta magaalada Hargaysa ka furay mashruuc ballaadhan oo lagu xoojinayo duruufaha nololeed iyo kuwa shaqo ee haween weynaha Somaliland.
Mashruucan oo furitaankiisa ay ka qayb galeen ugu yaraan 35 xubnood oo ka kala socday ururrada bulshada iyo ururrada kale ee wadaniga (Local NGOs), waxaa ka faa’iidaysanaya haween dhan ilaa afar boqol oo loo abuurayo  ganacsi  yaryar, loona tababarayo xirfado shaqo oo ay ku shaqaystaan.
Agaasimaha guud waxa uu sheegay in xilligan la fulin doono in xirfadahaas ganacsi loo bilaabo 250 haween ah oo cusub iyadoo 150 haween ah oo ka mid ah kuwo uu hore ugu socdayna la sii xoojin doono.
Md Baashe waxa uu sheegay in mashruucan uu qayb ka yahay qorshayaasha iyo dedaallada xukuumadda oo kaashanaysa Hay’adaha caalamiga ah, ay  ku doonayso in lagu xoojiyo cududda dhaqaale ee haweenka isla markaana lagu yaraynayo shaqo la’aanta dalka.  halka sidoo kalena uu tilmaamay in xoojinta haweenka somaliland aanay ku ekayn oo keliya sidii ay siyaasadda uga qayb geli lahaayeen laakiin ay ku taxaluqdo sidii hanaan shaqo oo muhiim u ah noloshooda iyo hanaan dhaqaale loogu abuuri lahaa haween weynaha Somaliland.
Mas’uuliyiin ay ka mid yahiin Abdiraxiim Sh Cismaan oo ka socday hay’adda shaqaalaha adduunka ee ILO, Marwo Amran cali Xiis oo ku hadashay magaca ururada wadaniga ah iyo Abdi Abdilaahi oo ah mas’uul ka socday waaxda haweenka ee wasaaradda shaqada iyo arimaha oo munaasabada mashruuca lagu furayey ka hadlay ayaa soo dhoweeyey faa’iidada uu mashruucu u leeyahay haweenka somaliland, halka dhankoodana ay ugu baaqeen haween-weynaha Somaliland inay ka faa’iidaystaan.