Mashruuc Lagu Qabanaayo Biyaha Dooxyada Oo Baanka Aduunku Ugu Deeqay Somaliland

 

Hargeysa(SLpost)-Somaliland iyo baanka aduunka ayaa kala saxeexday mashruuc biyo loogu xidhaayo Somaliland.

Hashiiskan ayay ku bixi doontaa lacag gaadhaysa hal bilyan, waxaana wax lagaga qaban doonaa biyaha sii yaraanaya ee Somaliland, iyada oo lagu samayn doono biyo xidheeno lagu qabto biyaha dooxyada, waxaana si siman uga faa’idaysan doona dadka,xoolaha iyo beeraha Somaliland.

hqdefault (1)

kulankan heshiiska lagu kala saxeexayay oo ay xaadir ka haayeen wasaarada arimahani ay khuseeyaan ee deegaanka,beeraha,biyaha iyo wasaarada maaliyada oo dhaqaalaha baanka aduunku uu u soo marin doono.

Wasiirka maaliyada Samsam Cabdi Aadan oo saxeexaas kadib warbaahinta la hadashay waxa hadaladeeda ka mid ahaa “Waxaanu halkan ku saxeexaynay heshiis, dawlada Somaliland iyo ka dhaxeeya bangiga aduunka oo dhanka biyaha ah, waxaana ka qaybqaadanaya wasaaradaha biyaha,deegaanka, beeraha kuwaas oo ay lacagtu toos ugu soo mari doonto wasaarada maaliyada, waxaana inta ugu horaysaa ay hada noqon dontaa hal milyan oo doolar, waanu saxeexanay heshiiska oo sidaas ayuu ku dhanyahay, marka hore xukuumadda Somaliland ayaa arinka gacanta ku haysay markaas bangiga aduunka ayaa arkay waxaanu yidhi waa inaan anaguna wax idiinku darnaa.”

Sida oo kale wasiirka deegaanka iyo horumarinta reermiiga Shukri Baandare ayaa iyaduna faah faahisay waxyaabaha lagu qaban doono lacagtan“Halkan waxa maanta lagu kala saxeexay heshiis ka dhaxeeya dawlada Somaliland iyo baanka aduunka, heshiiskaas oo ah inay inaga caawiyaan dhanka biyaha oo ah dooxyada oo la xidhaayo oo ay ka wada faa’idaysan doonaan beeraha,xoolaha iyo dadka kala ee soconaaya, waa mashruuc sanad laga soo shaqaynaayay maantana gabogabadiisii taagantahay,wasaarada maaliyada ayaa la soo marinayaa, waxaana farxad ah in waxii shuruuc ahaa oo ay wasiirada saxeexeen, madaxweynuuna uu saxeexi doono marka uu baarlamaanka soo maro, waana heshiisyo inoo sahlaaya inay wasaarada maaliyada wax inoo soo maraan, wax allaale waxii shuruuc ah ee inoo sahlaaya inay dawladeena wax inoo soo maraan oo ay wasaarada maaliyadu isku taxaluujisay, bangiga aduunkana sanadka aanu soo wada shaqaynaynay aad ayay ugu amaanan yihiin, waxaan Alle ka rajaynaynaa inaanu si fiican uga soo bixi doono.”