Mashruuc Dawladda Itoobiya Dhaqaale badan kaga Urursatay Ganacsatada Somaliland oo mar labaad Hargeysa loogu Qabtay Kulan qaadhaan-ururin ah

Hargeysa (SLpost)- Dawladda Itoobiya oo dhaqaale u raadinaysa dhammaystirka dhismaha Dhaamkii ugu ballaadhnaa qaaradda Afrika ee Koronto laga dhaliyo, ayaa maanta kulan labaad oo qaadhaan loogu ururinayo dhismihiisa loogu qabtay magaalada Hargeysa, ka dib kulan horaantii sannadkii hore loogu yaboohay adduun lacageed oo ku dhow boqolaal kun oo Dollar.

AWOODAHA (2)Kulanka oo shalay ku qabsoomay Hotel Maansoor ee magaalada Hargeysa, waxa ka soo qayb-galay masuuliyiinta ka tirsan xukuumadda, Ganacsato, Safiirka Itoobiya u fadhiya Hargeysa iyo Marti-sharaf kale.

Ugu horreyn waxa kulankaas ka hadlay safiirka Itoobiya u fadhiya Somaliland Janaraal Berhe Tesfaye oo sheegay in aanay jirin wax dhaqaale ah oo uu dibada ka helay Dhaamka weyn ee Balaayiinka doolar ku kacaya ee  dab-dhalinta Itoobiya,  balse  uu adduunkaasi ka imanayo  oo keliya dadka Itoobiya gudo iyo dibadba iyo muwaadiniinta dalal Afrikaan ah.

Janaraal Tesfaye waxa uu sheegay in uu dhaamkaasi 30% haatan dhameystirmay , balse waxa uu sheegay in uu dalkiisu waqtigan hayo koronto ku filan inuu siiyo Somaliland.

“Isticmaal ahaan muwaadiniinta Somaliland waxa ay dawladda Itoobiya  diyaar uga dhigtay  koronto dhan 60 mega watt magaalada xuduud ku taal ee Togwajaale, taasi oo qasdiga keliya yahay in ay qaadato Somaliland,” sidaas waxa yidhi danjire Tesfaye.

Isaga oo faa’iidada dhaamkan weyni leeyahay ka hadlaya waxa uu sheegay in marka uu dhameystirmo lagu wado inuu dhaqaalaha Itoobiya ee beeraha ku dhisan u beddelo mid ku salaysan warshado, kaasi oo sida uu sheegay la filayo inuu meesha ka saaro saboolnimada dalkaas ka jirta,  isla markaana dardargeliyo koritaanka dhaqaale.

Waxa uu danjire Tesfaye kulankaas ka sheegay inay Somaliland ka faa’iidaysan karto koronto awooddeedu dhan tahay 60-ka Mega watt oo dawladda Itoobiya soo gaadhsiisay Magaalada Togwajaale

“Waxa aanu wadnaa mashruuc balaayiin ku kacaya sida awgeed waan dhiirigelinaynaa wixii qaadhaan ah ha badnaado ama ha yaraadee,” ayuu yidhi.

AWOODAHA (1)Waxa uu xusay in mashruucani  yahay mid ay ku han weyn yihiin muwaadiniinta caadiga ahi maadaama lagu hirgelinayo qaadhaanka yar ee ay bixiyeen  muwaadiniintu  ha ahaado shilin, bir ama doolar.

Dhaamka weyn ee Itoobiya ka dhalinayso Korontada ‘Grand Ethiopian Renaissance  Dam’, oo hore loogu yiqiin dhaamkii kun guurrada ‘millennium dam’, waxa laga samaynayaa  webiga Niilka buluuga ah ee Itoobiya, gaar ahaan gobollada Beninshangul iyo Gumus,  waxaanu 40 km u jiraa xuduudka  Suudaan. Dhaamkan oo awooddiisu tahay 6000 MW oo lagu wado inuu noqdo ka ugu weyn Afrika, ayaa wakhtigan dhismihiisu socdaa, iyada oo la sheegay inuu dhamaystirmay 30%.

SOMALILANDPOST.NET