MASHAARIICA BOARDING SKUUL LAGA HIR-GELINAAYO DEGMADA RIYO XIDHO, HORUMARINTA BULSHADA IYO DEEGAANKA

mashaariic_riyo-xidho-2HINDISAADA  ISKU FILNAASHAHA IYO XILKASNIMO.

Mashaariic is daba joogta oo lagu hormarinayo Awoodda, caafimaadka, waxbarashada, biyaha iyo dhaqaale degmada Riyo Xidho ee gobolka togdheer.

Deg-mada Riyo-Xidho ee xarunta gobbolka Todgheer ayaa waxaa laga hirgelinayaa mashaariic la doonayo in lagu kobciyo awoodda, wax-barasho ee bulshada kala duwan ee deg-mada.
Barnaamijkaan ayaa waxaa iska kaashaday bulshada deeganka iyo hay’ada maxalliga ah ee lagu magacaabo Guryosamo International Foundation trust (GIFT charity), waxaana mashruucaan ka faa’ideysanaya dhamaan bulshada deegaanka, oo natiijo u soo hooyatay ay noqonayso, si ay bulshadu u hesho wax barasho joogta ah.

Maadama ay bulshada Riyo-xidho ay heer guuraa yihiin badankoodu, waxaa lama huraan noqotay in la helo skuul boarding ah oo wax barasho tayo leh, ay ka heli karaan caruurta,dhalinyarada iyo wayeelkuba. Hadii xilliga abaaraha ay heer guuraagu guuraan caruurtooda maadama ay sii kaxaystaan, ilmihii halkaas ayuu skuulkii kaga hadhayaa. Inshallah waxa aanu rajaynaynaa in uu skuulkan boarding ah in ay bulshadu ka hesho wax barasho sanadka oo dhan joogto ah, hadii ay heer guuraaguna ay guuraan in ay caruurta iskuulka joogi karto si ay u dhamystaan wax barashadooda, skuulka oo hurdo weelan doona.

mashaariic_riyo-xidho-1GIFT CHARITY Waxaanu tilmaamaynaa in mashaariicda loogu talo galay in Riy-Xidho laga fuliyo oo ka koobnaa qaybo kala duwan in ay sidii loogu tallo galay u fuleen intoodii badnaydna la dhamaystiray halka qaarna ay weli socdaan. Kuwaasi oo ay ka mid ahaayeen horumarinta Caafimaadka oo MCH November 2015 la dhamaystiray, Bordhing skuulka oo hadda socda iyo biyaha oo Haayada GIFT charity ay ku talo jirto in ay Ceel biyo ah ay ka qodo sanad ama laba sano gudeheed inshallah, iyo dhisitaan iyo qalabayn lagu samayn doono guddi deegaanka oo heer caalami ah u shaqaysa, bartana isku filnaasho iyo wada tashi joogta ah.

mashaariic_riyo-xidho-3AQOONTA GUUD, LADAGAALANKA MUSUQMAASUQA IYO XILKASNIMADA, Intaba wax-barashada ayaa keenta.
Caruurta, dhalinyarada iyo wayeelka oo wax-barsho tayo leh helaa, waxa ay la dagalamaysaa, aqoon la’aanta, musuq maasaqa, bulshada oo ku aaminta dhaqaale ama xil shakhsi aan aqoon lahayn oo aan cidna u joojinayan, maadama qof ka aqoonta lahi waa qof wax kala garanayaa, qofka bilaa aqoonta ahina waa waa sidii qof indho iyo dhagala la’a.

saxaafada u yaal oo ay ka fogaataa shaqsi la dagaalanka.
Bulsho aqoon lahi waa bulsho isku filan, oo arrimahooda maamulan kara, baahiyahoodana dabooli karo bulsho ahaan.
Aqoon la’aani waa iftiin la’aan, waa aqal iyo ilays la’aan.

Guryosamo Intenational Foundation Trust.
Ahmed Miino
London.