Masaari lagu tuhmay basaasnimo oo lagu qabtey gobalka gambeela ee Ethiopia

Ethiopia (SLPOST) Gobolka ee dalka Ethiopia Ismaamulka Gambeela ayaa sheegay in 3 qof oo Masaari ah oo lagu tuhmay

regional_map_fdre-300x231

 

basaasnimo lagu qabtay goobo kamid ah gobolkooda. Nimakan oo la sheegay in ay ka soo gudbeen xadka kala qaybiya Ethiopia iyo koonfurta Suudan ayaa dalka si sharci darro ah ku soo galay.

Warbixintan ayaa lau xusay in nimankan mid kamid ah lagu qabtay Abobo isaga oo dalka ku soo galay fiiso dalxiis oo aan run ahayn, halka labada kale lagu qabtay xaruun laga raaco basaska iyaga oo ku sii jeeday gobolka Benishangul oo ah meesha laga dhisayo biyo-xidheenka weyn ee Ethiopia.

Seddexdan nin ayaa lagu tuhmay in ay ku mashquulsanaayeen falal basaasnimo ah oo ku saabsan biyo-xidheenka ay Ethiopa iyo masar isku maandhaafeen.

Xukuumada dhaxe ee Ethiopia iyo dawlada masar ayaan wali wax war ah ka bixin qabashada nimakan oo lagu faafiyey jarirada Upper Nile Times.

Falaagada ka soo horjeeda xukuumada K Sudan ayaa todobaadkii hore sheegtay in ay qabteen 12 Masaari ah oo ka barbar dagaalamaya ciidamada dawlada.

Xukuumadaha Masar iyo K sudaan ayaa heshii dhanka iskaashiga ciidamada ah kala saxeeday bilo ka hor.