Marxuun C.Weli Faarax Jaambiir Suxufi,Dhaxal Fiican uga Tagay Ummadiisa. Qallinkii Yuusuf Maxamed Ismaaciil

yuusufNooleba Waa Dhinte,Qofkastaana Maalin ayuu Kaban doonaa Koobka Geerida Waana Cibro iyo Wax ku qaadasho la inaga doonayo inaynu maanka ku hayno,Sidoo kale Waa iga Horee aan kaa danbeeyee,taas oo aan uga jeedo in ayaamo kooban lagu kala danbayn doono.

Ilaahay ayaa ina wada abuuray isaga ayaa loo wada noqonayaa marka ay qof walba ka dhamaato Sannadihii,Bilihii,Ayaamihii,Saacadihii,iyo Ilbidhiqsiyadii uu Nolosha adduun  ku lahaa.

Qafqaf Waxaad u roortaba .

Markuu Qalinku soo Koobmo.

Quudkiyo anfaaciga.

Markaad qaadan kari weydo

Durba Qiriricdaadii markuu

Qoysku Wada Ooyo.

Xubin Qudha Jidhkaagii .

Markaad Qaadi kari weydo.

Qudhu way baxaysaa ,

Markuu Malagu kaa Qaado.

Adigoo Qalalay Hadii

Naxash lagugu soo qaado.

Xabaashiii Markay sii qodaan.

Qaar ku garanaayay.

Qabta Iilka iyo

Dhoobaday kugu Qasaalaane.

Qofna kuguma soo hadho

Wixii kuu Qareen xigay.

 

Miyaynu Ilaabi karnaa inta Qof Qiimo,Magac iyo Qadarinba Mujtamaceena ku dhex lahaa ee aynu sii wadacnay,ugu horayn aynu isku baraarujino inaynu ku sifawno kuwo ku dadaali jiray inta aan Iilka la ina dhigin Cibaadada iyo Alle ka Cabsiga,Intaas markaan dhaafo Waxaa 7 bishan August aynu sii Sagootinay kadib markii Xaqu u Yimid Suxufi Ruug cadaa ah, Bare iyo Macalin Waxbarasho,iyo Mufakir  Curin iyo Hal abuurnimo dhinaca Qoraalka ah alle ku galaday Marxuun C.weli Faarax Jaambiir Rabi Naxariistiisii Jano ha ugu deeqee Qoyskii,Qaraabadii iyo Bah’da Saxaafada Somaliland ee uu ka baxayna Samir iyo Iimaan ha ka siiyee.

Qallinka umaan Qaadan inaan wada Muujiyo Sifooyinkii  faraha badnaa ee uu Marxuunku lahaa iyo ka waranka Taariikhdiisii Nololeed oo dhan balse Waxaan u holaday inaan far waaweeyn ku asteeyo Tilmaamihii baadi soocda u ahaa Marxuun C.weli F.Jaambiir .

Xigmad ayaa Tidhaahda Dadka kooda ugu Warwarka badani Waa ka og Kaalinta ku soo banaanaatay ee uu Qofka dhintay ugu jiray ,Isla markaana aan garanayn Sidii ay buuxin lahaayeen.

Ilaahay ha u naxariistee Marxuun C.weli Faarax Mudadii uu Saxaafada Somaliland ku dhex jiray ha noqoto ta Muuqaalka amase Qoraalkee Waxa uu dadkiisa uga tagay Waayo aragnimo uu ka Kasbaday noloshiisa Waxa uu bulshadiisa uga tagay dariiq fiican oo ku dayasho mudan Waa dhaxal maguuro ah oo Manfac u leh Jiilka soo koraya,oo Maxay Yihiin?.

Marxuunku waxa uu ahaa Macallin iyo Suxufi waa laba Mihnadood oo meelo badan iska shabaha waayo Macalinku waxa uu soo saaraa faca isu diyaarinaya hanashada hogaaminta wadanka,Suxufiga laftiisu waxa uu dhinacyo badan ka dhisaa bulshadiisa waxaanu koriyaa Garaadkooda isla markaana tusaa dhabaha saxda ah ee in la raaco mudan.

 

Cabdi Weli Jaambiir labadaba wuu koobsaday ha ku sii kala batee waxa uu soo saaray arday badan sidoo kalena waxa uu gardaadiyay da’yar badan oo Xiliyo kala duwan ku soo biiray bah’da Saxaafada Somaliland, Kuwaas oo Maantana Magac iyo Maamuus ku dhex leh ummadooda.

 

Intii aan ka aqaanay shakhsiyada Marxuunka marka laga reebo qorista dhacdooyinka Maalinlaha ah ee Wararka Weli maan arag Qadiyad Siyaasadeed oo uu dadka ku jeediyay ama aragti Muxaafid iyo Mid Mucaarid oo uu inagu ajburayo inaynu raacno,Taas badalkeeda Waxa uu Qaaday inuu Wax inooga iftiimiyo Waayaha nolosha iyo sida ugu haboon ee loo Maarayn karo Mushkiladaheeda.

 

Wuxuu aaminsanaa inaan bulshada lagu daalin Siyaasado Ma dhalays ah oo aanay Waxba uga Shan iyo Toban ahayn,balse ay haboon tahay Sidii loogu Jeexi lahaa  Jeexo dariiqo cad oo ay ku Xalin karaan Caqabadaha aan tirada lahayn ee nolosha adduun ku lamaan waa taas shakhsiyada dhabta ahayd ee Marxuunku.

 

Waxaan aaminsanahay inuu ahaa Suxufi soo koobay badiba dalalka qaaradan africa waxa uu si farshaxan leh inoo tusay dhibkii iyo hantaaqadii ka soo gaadhay Taxanihiisii Hayaanka Hilawga Arwaaxda oo ahayd Qiso dhab ah oo uu kaga waramayay Saxariirkii uu ka Mutay Safaradii uu isaga kala gooshay wadamo badan oo Africa ah ilaa uu ka gaadhay inuu u Tacabiro kuwo yurub,kuwaas oo uu Sifo khaldan iyo Sharci la’aan uu ku galay,taasi waxay Cibro u tahay dhalinta aan qiyaasta lahayn ee uu hiyigooda madax maray Tahriibka iyo Soof daran habowga noloshooda galaafta,Boqolaalkaas Qormo ee Hilawga Arwaaxdu Farriinta ay gudbinayeen Waxay ahayd uun soo bandhigida nolosha qalafsan iyo inuu uga digo inay mid taas la mid ah maraan bulshadiisa uu wanaaga u gudbinayay .

Waxaan Marag ka ahay in Marxuun C.weli Faarax Jaambiir inay niyadiisa ka dhex guuxaysay Sidii uu Buug uga dhigi lahaa Qisada hayaanka Hilowga Arwaaxda, iyo Buugaag uu Luuqada Somaliga inoogu turjumay kuwaas oo uu Marar kala duwan ii sheegay in hadii uu Helo Cid ka Gacan siisa Maalgelintooda inuu ku haminayo inuu ka wada dhigo Buugaag isagoo aaminsanaa inay sidaas uga faa’iidaysan karaan in badan oo ka mid ah Mujtamaceena Gaar ahaan inta aanu wakhtigu u saamixin inay ka dheehdaan Wargayska Ogaal ee uu Maareeyaha ka ahaa.

Waxaan Rumaysnahay inteena Saxaafada haatan ku Jirtaa inaynu nahay kuwa u Rumayn kara Riyadiisii Qabyada ahayd,Waxba Sheegi mayso inaynu afka ka amaano .

Abwaan Cali Sugule Dun Carbeed ayaan ka soo qaadan doonaa Maanso uu Tiriyay Baydad ka mid ah anigoo ka Cudur daaranaya Wixii aan ka Gawl gawlo Wuxuu Yidhi

Gidigeed Adduunyada,

Intii Geesi lagu Faano,

Gocoshiyo Macagbaa,

Ka hadha Gobi u aydaa,

Waad Gudatay Muusoow (Muuse Galaal AHU}

Xilkii Kula Gudboonaa ,

Guushii ifkiyo aakhiraba ,

lagu Gudoonsii,

Markaad Guurtay bay leeyihiin

Ina Galaaloow.

Kol hadaanad Geerida

Horteed Geesiga aqoonsan

Goblaan Weeyi

Soomaaliyeey  Garashadaadii.

Gunaanad Marxuun C.weli Faarax Ismaaciil Jaambiir Ilaahay Godka ha u nuuree Waa in riyadiisii iyo dardaarankiisii aynu Oofino oo Waxsoo saarkii uu ka tagay aynu u rogno Buugaag si ay uga faa’iidaystaan Malaayiinka Qof ee Luuqada Somaliga ku hadla, Waana taas ta ka dhigaysa inaan Magaciisii la Ilaawin.

Dhamaanteen Ilaahay ha inaga dhigo kuwo ku toosan dariiqa Saxda ah ee uu ina faray inaynu raacno.

Dhamaad