“Marxuum Axmed Xasan Cawke Waxa uu Ka Baxay Ummadda Soomaaliyeed oo Dhan” Madaxweynaha Soomaaliya

Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh ayaa ka hadlay geeridii wariye Axmed Xasan Cawke oo magaalada Jigjiga ee dowlad-deegaanka Soomaalida-Itoobiya ku geeriyooday saaka, isagoo ku tilmaamay wariye wax weyn kasoo qabtay Soomaaliya.

Xasan Sheekh ayaa tacsi u diray shacabka Somalia, qoyskii iyo eheladii uu ka geeriyooday weriye Axmed Cawke oo ka mid ahaa hawl-wadeennada kaalinta weyn kasoo qaatay war-baahinta Soomaalida.

“Marxuum Axmed Xasan Cawke wuxuu ka baxay ummadda Soomaaliyeed oo dhan, cid kasta way garaneysaa kaalintii iyo shaqadii wanaagsaneyd ee uu dalkan u soo qabtay intuu noolaa. Marxuumka Ilaahay Jannatul Fardowsa ha ka waraabiyo, qoyskiisa, ehelkiisa iyo shacabka Soomaaliyeedna, samir iyo iimaan Allah ka siiyo,’’ ayuu yidhi Xasan Sheekh.

Sidoo kale, Cawke wuxuu door weyn ka soo qaatay, shaqadiisana ay si weyn uga dhex muuqatey saxaafadda soomaalida, idaacadaha caalamiga ah iyo kuwa maxalliga ah intaba.

 

Xigasho: HOL