Marxuum Abwaan Cabdilaahi Dhoodaan oo Maanta lagu Aasay Magaalada Jijiga ee Ismaamulka Soomaalida Itoobiya

Jijiga (SLpost)- Alle ha u Naxariistee waxa Galabta Si Heer qaran ah loogu aasay Magaalada Jig Jiga ee Xarunta Dawlad Deegaaneedka Somalida Itoobiya Marxuun Cabdilaahi Macalin Axmed (Dhoodaan) oo ka Mid ahaa Shakhsiyaadkii Calanka u Siday Suugaan Murtiyeedka Somalida.

Alle ha u naxariistee Marxuun Cabdilaahi Macalin Axmed Dhoodaan oo lagu aasay Xabaalaha Sheekh Cali Guure ee Magaalada Jigjiga , Waxaa  Aaska Qaran ee Marxuunka ka qayb galay Wufuud isaga kala Yimid Wadamada ku hadla Afka Somaliga Waxaana Dhinaca Somaliland uga Qayb galay aaskaas Wefti ka Kooban Wasiirada Wasaaradaha Warfaafinta Mudane Abiib Diiriye Nuur,Hawlaha Guud iyo Guryaynta Mudane Axmed Cabdi Xaabsade,Abwaanada ugu waaweyn Somaliland,Bah’da Fanka iyo Qaybaha Warbaahinta Somaliland .

dhoodaanXubnaha Wasiirada Somaliland ayaa dhambaal tacsi ah oo ay Xukuumada Somaliland ka sidaan Gaadhsiiyay dhamaan Shucuubta Wadanka Itoobiya,Gaar ahaan Ismaamulka Kililka Shanaad iyagoo xusay in Marxuunku uu ka baxay Guud ahaan inta ku hadasha Afka Somaliga oo uu abwaan u ahaa.

Ilaahay naxariistiisii Jano ha ugu deeqee Abwaan C.laahi Macalin Axmed oo ku magac dheeraa Dhoodaan,Waxaa Lagu Xasuustaa doorkii Shariifka ahaa ee uu Ka Soo qaatay halgamadii Hubaysnaa ee lagaga soo Horjeeday Taliskii Siyaad bare,Isagoo ahaa Qof Neceb Qabyaalada, iyo Cadaalad darada.

Eebbe ha u naxariistee Marxuun Dhoodaan Waxa uu ahaa Suugaan yahan ku talax tagay dhaqanka, iyo nolosha bulshada Somaalida isagoo ka Mid ahaa dadka faro ku tiriska ah ee ay Suugaantooda ay ka madhan tahay Ereyada Luuqadaha Ajaanibka ee Luuqadeena ku Milmay.

Eebbe ha u naxariistee Marxuun Cabdulaahi Macalin Axmed (Dhoodaan) waxuu ku dhashay sanadii 1941-dii, Miyiga magaaladda Wardheer ee Kililka Shanaad ee dalka Ethiopia, Abwaan Dhoodaan Wuxuu kusoo barbaaray isla deegaan kaas, waxuuna Meerinta Gabayga, Geeraarka iyo Dhaantada uu bilaabay isaga oo 16 Sano Jir ah Eebe ha u naxariistee intii uu saaxada Suugaanta ku jiray wuxuu curiyey Suugaan kala duwan Sida Gabayo,Riwaayado, Heeso Jacbur ah, Geeraaro iyo dhaantooyin aad loo jeclaa,oo dhegta Maqashaa aanay ka Xiise Goyn.

Somalilandpost.net