Marxuum Aadan Mire Waqaf oo si heer qaran ah maanta loo Aasay iyo Hadalladii Masuuliyinta Qaranka

Hargeysa, 12 January, 2012 (SLpost)- Gudoomiyaha Golaha Wakiilada Mudane C.raxmaan Maxamed C.laahi “Cirro” oo uu weheliyo Ku-xigeenka 1aad Cabdicasiis Maxamed Samaale iyo Gudoomiyayaasha Xisbiyada Kulmiye Muuse Biixi Cabdi, UCID Injineer Faysal Cali Waraabe Xubno ka tirsan Golaha wasiirada ayaa maanta ka qayb galay aas qaran oo loo sameeyay Ilaahay Naxariistiisi Janno ha ugu deeqee Marxuun Aadan Maxamed Mire “Waqaf” oo dhawaan ku geeriyooday wadanka Maleesiya maantana lagu aasay Xabaalaha Naasa Hablood ee caasimada Hargaysa.

Waxaa kale oo aaska Marxuunka ka qayb galay Wasiirada Madaxtooyada,Macdanta iyo Biyaha,Dib u dejinta ,Duulista iyo Hawada iyo boqolaal ka mid ah Shacbiga ku nool caasimada dalka ee hargaysa.

Gudoomiyaha Golaha Wakiilada Mudane C.raxmaan Maxamed C.laahi “Cirro” oo halkaasi ka hadlay ayaa ku tilmaamay marxuunka shakhsi wadaniyad iyo dal jacayl leh isla markaana ku wanaagsanaa dhinaca Cibaadada isagoo eebe uga baryay inuu Naxariistiisa balaadhan ka waraabiyo.

sidoo kale Gudoomiyaha  Xisbiyada Talada dalka haya ee Kulmiye Muuse Biixi Cabdi ayaa hadal kooban oo uu halkaasi ka jeediyay waxa uu ku sheegay in mudadii uu marxuunku ku jiray saaxada Siyaasada Somaliland uu mar kastaba door hogaamineed ka qaadan jiray xaaladaha adagi marka ay la soo darsaan qaranka .

Geesta kale Gudoomiyaha  Ucid Injineer Faysal Cali Waraabe ayaa dhiniciisa ka sheegay inuu marxuunku ahaa shakhsiyaadka hal doorka u ah dhinaca siyaasada isla markaana ay Sannado badan soo wadaageen duruufo nololeed iyo mid siyaasadeedba waxaa uu Gudoomiyaha Xisbiga Ucid Ilaahay uga baryay inuu marxuun Aadan Maxamed Mire “Waqaf” naxariistiisa jano ugu deeqo Qoyskii,Qaraabadii iyo Guud ahaan Shacbiga Somaliland uu ka siiyo Samir iyo Iimaan.

Wasiirada Madaxtooyada,Macdanta iyo Biyaha,Dib u dejinta ,Duulista iyo Hawada ayaa mid kastaaba dhiniciisa waxa uu ka waramay taariikhda uu ka yaqaan Marxuunka.

Marxuun Aadan Maxamed Mire “Waqaf” naxariistiisa jano Alle ha ugu deeqee waxa uu Sanadkii 1947-kii ku dhashay magaalada hargaysa, isagoo aqoontiisii waxbarasho ku soo qaatay magaalooyinka hargaysa iyo Muqdisho, waxaa kale oo uu waxbarasho dibadeed oo ku wajahan dhinaca ciidamada ku soo qaatay dal weynihii la isku odhan jiray Midowga Soofyeeti .

Waxa uu marxuunku xilal kala duwan ka soo qabtay Somaliland isagoo mar ahaa Maayarka Magaalada Burco waxaa kale oo uu soo qabtay Jagooynka Wasiirul dawlaha Arrimaha Gudaha iyo Wasiirka Gaashaandhiga ee Xukuumadii uu hogaaminayay Daahir Rayaale Kaahin waxaana xilka Wasiirka Gaashaandhiga laga Qaaday Sannadkii 2007-dii isagoo markaas kadib ku biiray Xisbiga Mucaaridka ah ee Ucid oo uu markiiba ka noqday Gudoomiye ku xigeen isagoo jagadaas hayay ilaa dabayaaqadii kal hore.

Illaaahay ha u naxariistee marxuunka ayaa mudooyinkii u dambeeyey xaalad caafimaad ugu maqnaa waddanka Malaysia, halkaas oo uu ku geeriyooday.

Marxuum Aadan Waqaf wuxuu ifka kaga tagay Shan Carruur ah iyo laba Xaas.

Innaa Lillaahi wa innaa ilayhi Raajicuun

Somalilandpost.net

webmaster@somalilandpost.net