Marwo Edna Aadan oo Madaxweyne Siilaanyo hortiisa ku soo bandhigtay Caddaalad-darro dul-hoganaysa hay’adaha Garsoorka dalka

Marwo Edna Aadan oo Madaxweyne Siilaanyo hortiisa ku soo bandhigtay Caddaalad-darro dul-hoganaysa hay’adaha Garsoorka dalkaHargeysa (SLpost)- Wasiirkii hore ee Arrimaha Dibadda Somaliland Drs Edna Aadan Ismaaciil, ayaa munaasibad uu madaxweyne Siilaanyo goob-joog ka yahay ku soo qaadday sida ay bulshadu u tabayso doorkii ay dawlnimada ku lahaayeen laamaha Garsoorka dalka, waxaanay ku baaqday in la toosiyo nidaamka Caddaaladeed ee dalka oo ay saluug xooggan ka muujisay.

Marwo Edna Aadan Ismaaciil oo maanta hadal ka jeedisay munaasibad madaxweyne Siilaanyo xadhigga kaga jaray Bandhigii ugu horeeyey ee Ganacsi ee laga hirgeliyo Somaliland oo shirkadda Dahabshiil leedahay, waxa ay sheegtay in nidaamka dawladnimo ee dalka dhismihiisa lagu ilaalin karo Caddaalad loo siman yahay oo bulshadu hesho.

Madaxweynaha Somaliland Md Axmed Maxamed Siilaanyo, ayaa wakhtigii uu mucaaradka ahaa iyo muddada uu xilka madaxweynaha hayay tiraba dhowr jeer ballan-qaaday inuu wax ka qabanayo caddaaladda iyo Garsoorka dalka, haseyeeshee, hadalka Edna Aadan Ismaaciil, ayaa muujinaya inaanay weli waxba ka qabsoomin ballan-qaadyadaas uu madaxweyne Siilaanyo hore ugu sheegay bulshada.

HALKAN KA DAAWO