Marwada Madaxweynaha Oo Warbaahinta Ka Dalbatay Inay La Shaqeeyaan

Hargeysa(SLpost)-Marwada madaxweynaha Aamina Maxamuud Jirde ayaa warbaahinta ka dalbatay inay kala shaqeeyaan barnaamjika Carmma oo ay haayada UNFPA ugu masuul tahay, baraamijkan ayaa ah in hooyada uurka leh laga badbaadiyo inay isku dhimato.

marwada madaxweynu waxay si aad ah ula kaftantahay warbaahinta iyada oo ka dalbatay inay dalka arimhiisa wanaagsan ay bulshada u soo badhigaan, marwada madaxweynaha oo arimahan ka hadlaysay waxa hadaladeeda ka mid ahaa “Hadii ay Addan tahay, hadii wasaarada shaqada iyo arimaa bulshada, wasaarada caafimaadka iyo saxaafadaba inay ila shaqeeyaan, saxaafada iyada ayaa ugu muhiimsan waxaanan doonayaa inaad arintaas igala shaqaysaan, inamada aan eedada u ahay ee saxaafada waxaan odhanayaa mudooyinkanba abaar ayaynu ka cabanaynay, roobkii ayaa ina helay oo Hargeysa mid culus baa ku da’ay, tilifishan ayaan daawaday oo qodobada warkiisu waxa weeye Hargeysa oo qashin is tuulay hada muu odhan abaarii oo inaga jabay, jaraa’idadana laba kamid ah waxay subixii ku soo baxeen dariiqyadii Hargeysa oo buuro qashin ah ay tuulan yihiin iyo dawladii hoose meeday, inta aynu dharkeena wasakhda ah dibada ku wadhayno miyaynu inteena wanaagsan soo horaysiino, eedo imika borogaraamkan kaarma igala shaqeeya.”

Halkan Ka Daawo iyada oo Muuqaal Ah

https://youtu.be/WuP0ikeFRTU