Marwada Madaxweynaha oo Sheegtay inaanay haweenka Somaliland Cidna u daba-fadhiisanayn Kootada Kuraasta Goleyaasha Qaranka

aaminaHargeysa (SLpost)- Marwada Madaxweynaha Somaliland Marwo Aamina Maxamuud Jirde, ayaa sheegtay xilalka Wasiirrada ee xukuumadda madaxweyne Siilaanyo laga siiyey haweenku aanay ahayn wax iska yimi balse ay tahay mid ka tarjumaysa kartida  ay haweenka leeyihiin.

Marwo Aamina Maxamuud Jirde waxa kale oo ay in Wasiirrada haweenka ah ee Xukuumadda ka tirsan ay ku jiraan xubnaha wax-qabadkoodu ugu fir-fircoon yahay Golaha Xukuumadda madaxweyne Siilaanyo, waxaanay sidaas ka sheegtay munaasibad lagu xusayey maalinta haween-weynaha adduunka ee 8-da March oo caawa lagu qabtay hotel Maansoor ee magaalada Hargeysa,

Marwada oo ka hadlayey doorka haweenku ku leeyihiin horumarka iyo dhismihii dalku soo maray, waxa ay tidhi, “Haddaanu nahay haweenka, waxaanu qirsannahay inay raggu yihiin laf-dhabarta wax-qabadka dalka, laakiin haweenku ka sii yar fiican yihiin. Haweeku kaalin weyn ayay ka soo qaateen halgankii dalka xornimadiisa lagu soo celiyey iyo halgankii horumarka labaatanka sanno ee dalku soo jiray iyo ka aynu maanta ku jirno, haweenku halkay ka soo galeen iyo waxay ka soo qabteen waa lama illaawaan.”

“Hadday tahay dawladda maanta jirta haweenku waa u laf-dhabar hadday yihiin bulshada guud ahaan ee taageera nabadda, dawladnimada, horumarka way mahadsan yihiin. Dawladda maanta jirta haweenku wasaaradaha ay hayaan si qorshaysan ayaa loogu dooray wasaaradaha u muhiimsan ee u waaweyn hadday tahay waxbarashada, deegaanka, caafimaadka, Arrimaha Bulshada iyo Shaqada, waxa la qiray inay qaban karaan, waxaanan idinku bushaaraynayaa Wasiirrada ugu fir-fircoon ee ugu wax-qabadka badan inay hablaha wasiirrada ahi ku jiraan,” ayey tidhi Marwo Aamina..

IMG_0115Waxa kale oo ay marwada Madaxweynuhu ka hadashay ka-qayb-qaadashada haweenka ee goleyaasha Dawladda, iyada oo meesha ka saartay inaanay haweenku xaq u lahayn in kuraas gaar ah looga qoondeeyo goleyaasha sharci-dejinta.

“Arrintan Kootada ee had iyo jeer laga hadlo, runtu sida ay tahay ma aha arrin baryootan ah, maha arrin ay leedahay dumarku way jilicsan yihin, wax ma goosan karaan ee raggayagiiyow waan idin baryeynaa ee noo arxama, maaha arrintu ee caadooyinkeenna iyo dhaqankeeda ayaa dumarka ka dambeysiiyey ragga. Laakin annagu ma diiddanin wax ay Diintu u diidday Dumarka inay ku tallaabsadaan,” ayey tidhi Marwada madaxweynaha Somaliland.

SOMALILANDPOST.NET