Marwada Madaxweynaha oo farxadda ciidda kala qaybgashay carruurta ku dhaqan Xarunta Agoomaha

Hargeysa (SLpost)-Marwada Madaxweynaha Somaliland, Marwo Aamina-weris Sh. Maxamuud Jirde ayaa shalay kala qaybgashay farxada ciida carruurta lagu xannaaneeyo xarunta Agoomaha ee magaalada Hargeysa.

Marwada Madaxweynaha ayaa shacabka u soo jeedisayn ay kaalin wax ku ool ah ka qaataan sidii loo xannaanayn lahaa carruurta ku dhaqan xarun, waxayna sheegtay in yihiin macalimiintii mustaqbalka dhawo iyada oo arrimaha ka hadlaysa waxay tidhi, “Farxad ayay ii tahay inaan carruurta yar-yar soo booqdo, markaan imaadaba horta wax ayaa ii kordha, horta carruur yar-yar ayaa ku soo kordha meesha,”.ayay yidhi Aamina-weris Sh. Maxamuud. Marwada oo hadalkeeda si wadataa waxay tidhi, “Carruurta masuuliyad ayaa kuligeen inaga saaran haday halkan joogaan iyo haddii aynu guryaha geynaba, waa carruurteenii xannaano ayay inooga baahan yihiin,Illaahay haynugu garab galo.”

Marwadu waxay aad ugu mahadnaqday shacabka reer Somaliland oo ay sheegtay inay kaalin wax ku ool ah ka qaateen sidii carruurta loo ciidsiin lahaa waxayna tidhi, “Carruurta quruxda badan iyo dharka ay gashan yihiin iyo ciida fiican, dadka reer Somaliland ayaa ugu tabarucay Ilaahayna qofkii wax u keenay khayr ha ka siiyo. Waxaan ku talin lahaa inaynu aad iyo aad u ogaano carruurta yar-yar, waayo? Ilaahay kuwaasuu inugu eegayaa waa mustaqbalkii dalkeena ee maaha dad meel kale ka yimi, waa madaxdii iyo injineeradii iyo macallimiintii dalkeena mustaqbalka ka noqon lahayd, markaa sidaynu iyaga u xannaanayno ayuu Illaahayna inoogu naxariisanayaa.”

Somalilandpost.net

Somalilandpost08@gmail.com