Magacyada Xildhibaanada Golaha Wakiillada ee Ka Soo Baxay Gobolka Maroodijeex Doorashada 2021

Hargeysa (SLpost)- Guddiga Doorashooyinka ayaa caawa shaaciyey natiijada hordhaca ah ee codbixinta Golaha Wakiillada ee gobolka Maroodijeex oo ka kooban 20 Kursi.

Xisbiga Kulmiye ayaa ku guulaystay 8 Kursi, halka Xisbiga Waddani ku guulaystay 7 Kursi. Sidoo kale, Xisbiga UCID, ayaa ku guulaystay 5 Kursi.

Xisbiga talada dalka haya ee Kulmiye oo hore u haystay 22 Kursi ayaa haatan haysta 30 Kursi, halka xisbiga Waddani uu guud ahaan codbixinta dalka ku guulaystay 31 Kursi. Xisbiga UCID, ayaa isaguna helay 22 Kursi oo ka mid ah 82 kursi ee golaha Wakiillada Somaliland ka kooban yahay

Xildhibaannada Xisbiga UCID

  1. Cabdinaasir Yuusuf Cismaan (Qodax) – 8316
  2. Maxamed Khadar Daahir Mooge – 6257
  3. Maxamed Jaamac Ismaaciil – 4741
  4. Maxamed Cismaan Maxamed – 4450
  5. Maxamed Xasan Siciid Maxamuud – 4185

Xildhibaannada Xisbiga Kulmiye

  1. Axmed Maxamed Maxamuud (Kaare) – 9755
  2. Axmed Cabdi Muuse Cige – 8791
  3. Cabdikariim Maxamed Muxumed 8653
  4. Yaxye Cabdilaahi Aamin Ismaaciil – 6443
  5. Xasan Saleeban Dhuxul – 6148
  6. Maxamed Xuseen Jaamac (Raanbo) – 5887
  7. Axmed Yuusuf Nuur Guruuje – 5526
  8. Cabdilaahi Sh. Muxumed Axmed – 5,145

Xildhibaannada Xisbiga Waddani

  1. Barkhad Jaamac Xirsi Batuun – 20231
  2. Axmed Dayib Aadan Guuleed – 6839
  3. Siciid Maxamed Ismaaciil – 5944
  4. Jamaal Aadan Diiriye – 5803
  5. Eng Axmed Cabdi Ibraahim 5712
  6. Xuseen Ismaaciil Jaamac – 5435
  7. Ibraahim Maxamed Jaamac – 5116