Maroodi-jeex 1-1 Sanaag: Xulalka Maroodi-jeex iyo Hawd oo noqday gobolladii ugu horreyey ee ka soo baxa Group-kooda

Burco, (SLpost)- Mid ka mid ah kulamada ugu xiisaha badnaa intii la ciyaarayey tartanka gobollada Somaliland ayay maanta isku haleeleen gobollada Maroodi-jeex iyo Sanaag.

Ciyaartan oo xulka gobolka Sanaag looga baahnaa inay ku badiyaan 2-0 si ay ugu soo baxdo wareegga saddexaad ee tartanka, balse nasiib darro markii ay ciyaarto wakhti yar socotay waxa kaadh cas la siiyey mid ka mid ah ciyaartoyga Sanaag, taasina waxa ay sababtay in tabobaraha xulka Sanaag uu xoogga saaro dhanka weerarka, waxaanu markii dambe sameeyey isku beddel ciyaartoy. Tallaabadaasi waxay suurto-galisay in xulka Sanaag uu weerar is-daba jog ah ku qaado goolka xulka Maroodi-jeex, waxaana u suurto gashay inay qaybtii dambe ee ciyaarta ay keensadaan goolkii ugu horreeyey.

Waxa ay ciyaartu socotoba, weerarkuna ku sii jeedo gobolka Maroodi-jeex isla markaana ay weerarka Sanaag dayaceen fursado dhowr ah, waxa gobolka Maroodijeex u suurto-gashay inay keensadaan goolkii barbar dhaca wakhti daayacii ciyaarta, kulankaasina ku dhammaado 1-1

Group-ka ay ku jiraan labada xul ee maanta Ciyaaray ee Group A, waxa ka soo baxay gobolka Hawd iyo Gobolka Maroodi-jeex halka ay ka hadheen xulalka gobollada Togdheer iyo Sanaag

Somalilandpost.net

sports@somalilandpost.net