“Markii Ceeb kale lay waayey, ayaa la leeyahay Muuse ayuu Dhisayaa… Waar ma anigaa nin Muuse dhisaya ah….!”

“Obama Maaha Role-modelkayga, Cumar bin Khadaab (RC) ayaan Jeclahay inaan ku deydo…Waxaan doonayaa Hoggaan aan Jannada Ku galo ee ma rabo mid aan Cadaabta ku galo,” Faysal Cali Waraabe

Hargeysa (SLpost)- Guddoomiyaha Xisbiga mucaaradka ah ee UCID Eng Faysal Cali Waraabe oo dhowaan loo doortay Murashaxa madaxweynaha ee Xisbigaas kaddib markii meesha laga saaray Murashaxnimadii Jamaal Cali Xuseen ee UCID oo laba Garab u kala jabay, ayaa ka hadlay heerka uu ka taagan yahay rabitaanka hoggaaminta dalka iyo Cidda uu shakhsi ahaan doonayo inuu kaga daydo hoggaaminta wanaagsan.

faysal-caliEng Faysal Cali Waraabe oo maanta ka qayb-galay Qado-sharaf lagu marti-qaaday, waxa uu sheegay in hankiisa hoggaamineed ee uu hiigsanayo uu kaga dayan doono cadaaladdii uu umadda Islaamka ku hoggaamin jiray Cumar Bin Khadaab, waa sida uu hadalka u dhigay Faysal Cali Waraabe.

HOOS KA DAAWO HADALKA FAYSAL CALI WARAABE