Markale Iyo Falanqaynta 26-Ka Wasiir Ee Xukuumadda Madaxweyne Siilaanyo (24) – Cabdilaahi Maxamed Maxamed Daahir (Cukuse)

Cabdillaahi Maxamed Daahir (Cukuse), Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, Wacyigelinta iyo Dhaqanka: Waa dhowr iyo konton jir ku abtirsada caasimadda Hargeysa oo badhtamihii sannadkii hore gaadhay hammi uu muddo dheer ku taamayey oo ah inuu noqdo wasiir buuxa, kadib markii waqti badan soo ahaa ku-xigeen.

CukuseWaa suxufi mihnaddiisa weriyenimo ku darsaday aftahannimo caan ka dhigtay, waxaannu garoonka siyaasadda ku dhex jiray 23-kii sanno ee Jamhuuriyadda Somaliland xorta ahayd, waxaannu xilal isugu jira wasiir-ku-xigeen iyo maayar-ku-xigeen ka soo qabtay xukuumadihii marxuum Cabdiraxmaan Axmed Cali (Tuur) iyo marxuum Maxamed Xaaji Ibraahim Cigaal, halka uu nasiib u yeeshay inuu xukuumadda hadda talada haysa ee Madaxweyne Siilaanyo ka qabto saddex xil oo kala ah; Afhayeenka Madaxtooyada, Wasiir-ku-xigeenka Warfaafinta iyo xilka wasiirnimo ee uu haatan hayo.

Waxa uu leeyahay oo u shaqeeya illaa imminka mid ka mid ah wargeysyada madaxbannaan ee ka soo baxa Hargeysa, waxaannu ka mid ahaa suxufiyiintii aasaasay idaacaddii SNM ee laga baahin jiray wararka halgankii dib-u-xoraynta dalka, waxaannu noqday weriyihii ugu horreeyey ee codkiisu ka baxay idaacaddaas. Sidoo kale, waxa uu ahaa xidhiidhiyaha baahintii idaacadda Radio Hargeysa ee laga baahiyey go’aankii madaxbannaanida Jamhuuriyadda Somaliland ee lagaga dhawaaqay magaalada Burco, 18 May 1991.

Waa masuulka keliya ee haysta 11 degreeto madaxweyne oo xil loogu magacaabay, saddex beddel iyo 5 wareegto oo shaqada lagaga caydhiyey. Waxa uu ku-xigeenno u soo noqday Allaah ha u naxariistee marxuum Cali Xasan Maxamuud (Cali-asad) oo xilligii marxuum Cigaal ahaa Maayarka Caasimadda Hargeysa, halka uu Wasiir-ku-xigeenka Warfaafinta u soo noqday Muuse Xaaji Guuleed (Inji), Cali Maxamed Warancadde, Cabdillaahi Maxamed Ducaale iyo Abiib Diiriye Nuur (Timacad), sidoo kalena waxa uu soo qabtay xilalka Wasiir-ku-xigeenka Wasaaradda Maaliyadda iyo Agaasimaha Guud ee Warfaafinta xilligii marxuum Cabdiraxmaan-tuur.

Dhacdooyinka sida gaarka ah taariikhda ugu galay ee uu kala soo kulmay hawlaha siyaasadda waxa ugu mudan xil-ka-qaadistii ugu dambaysay ee marxuum Cigaal shaqada kaga fadhiisiiyey oo u ekayd mid haraati kulul oo siyaasi ah ku dhufatay, iyadoo arrintaasi sababtay inuu ka qado dawladdii kursiga ka dhaxashay ee uu hoggaamin jiray Madaxweyne Daahir Rayaale Kaahin, taas oo uu kala soo horjeeday mucaarad aad u adag oo ku kelliftay inuu u samaysto wargeys mucaaradnimadii KULMIYE u adeegi jiray, markii uu xukunka qabtayna loogu abaalguday xilal sare oo kala duwan oo uu ugu mudan yahay xilka wasiirnimo ee uu hadda hayo.

Waxyaabaha taariikhda ugu galay ee sida gaarka ah loogu xuusan doono intii uu wasiirka ahaa Wasaaradda Warfaafinta waxa ka mid ah; waa suxufigii ugu horreeyey ee wasiir ka noqda wasaaradda, balse la kulmay nasiib-darradii ugu xumayd oo ah in markeliya xukuumadda uu ka tirsan yahay albaabada u xidho laba ka mid ah hay’adaha warbaahinta madaxbannaan, tallaabadaas oo aan nooceeda oo kale hore u soo marin taariikhda Somaliland.

Maalintii uu xilka wasiirnimo la wareegay oo ku beegnayd 3 July 2013, waxa xafladdii xil-wareejintiisa loogu wanqalay xukun isugu jira xadhig, ganaax iyo xayiraad Maxkamadda Gobolka Hargeysa isugu dartay madaxda iyo wargeyska madaxbannaan ee HUBAAL, inkastoo uu arrintaas ka galay dedaal xooggan oo u suurtogaliyey in xorriyadooda loo celiyo guddoomiyaha iyo tifaftiraha wargeyska, sidoo kalena xayiraaddii saarnayd lagaga qaaday HUBAAL. Haseyeeshee, muddo kooban kadib ayaa markale ciidammada boolisku albaabada u xidheen xarunta joornaalkaas oo illaa maanta xidhan.

Sidoo kale, April 7, 2014 ayey ciidanka bilaysku xoog kula wareegeen xarunta wargeyska kale ee HAATUF oo isaguna illaa hadda xayiran, kadib markii wasiirro ka mid ah xukuumadda uu ka tirsan yahay Wasiir Cukuse ka gubteen dhacdooyin u badan arrimo musuqmaasuq oo wargeysku ka qoray, halka markii dambena xabsiga loo taxaabay guddoomiyaha iyo tifaftiraha oo laga dhex qabtay gudaha xarunta Maxkamadda Gobolka Hargeysa oo loogu yeedhay inay ka qaybgalaan in ay iska difaacaan dacwado is-huwan oo xukuumadda Madaxweyne Siilaanyo ku soo oogtay madaxda wargeyska HAATUF, inkastoo dammaanad lagu sii daayey horraantii toddobaadkan.

Ma laha askar ilaalo oo gaar u ah, waxana inta badan lagu arkaa jidadka caasimadda Hargeysa oo kelidii gaadhigiisa wata, waxaannu caan ku yahay inuu markasta xawaare sare ku maro waddooyinka cidhiidhiga ah ee saxmadda badan isagoo dhinacyada ka baas-maraynaya boqollaal gaadhi oo is-daba taxan, marar badana khatar gelin gaadha baabuurta iyo dadka kale ee jidka maraya.

Waa ninka qarxiyey sirtii damaca murrashaxnimada doorashada soo socota ee u qarsoonayd Madaxweyne Siilaanyo, kadib markii sida la sheegay uu Madaxtooyada ruxay dhawaaqii Guddoomiyaha KULMIYE Md. Muuse Biixi Cabdi ku shaaciyey inuu yahay murrashax u taagan tartanka doorashada madaxtinimada ee la quud-daraynayo inay dalka ka dhacdo sannadka dambe ee 2015, waxaanay damacyadaas is-duqeeyey ee labada saaxiib sababeen qaraxa khilaafkii ugu qarada weynaa abid oo dhowaan ka dhex dillaacay xisbul-xaakimka talada haya oo illaa maanta u kala fadhiyo garabyo kala taageersan Siilaanyo iyo Biixi.

Xogo laga helay dhawaaqii farriinta murrashaxnimada Madaxweynaha ee Wasiir Cukuse oo loo aanaynayo inay ahayd dhimbiishii ugu kululayd ee dabka ku sii holcisay khilaafka cakiran ee KULMIYE oo salka ku haya damacyada labada masuul ee xisbiga keliya ku loollamaya, ayaa tibaaxay inuu ahaa qorshe Madaxtooyada ka soo fulay oo dhiirranidiisa darteed loogu xulay inuu bayaamiyo damaca Madaxweyne Siilaanyo mar labaad isu sharraxayo oo hore mugdi ugu jiray, markii xiisadda damacyadaasi sii adkaadeenna gaadhay heer Madaxweynaha laftiisu aamusnaantii xejin kari waayo oo uu si cad uga badheedho inuu yahay murrashaxa KULMIYE.

Waxa kaloo sida dhaqdhaqaaqyadiisa laga dareemi karo lagu tilmaamaa nin ku guulaystay inuu saaxiibbo aad u taageera ka dhex samaysto bahda warbaahinta ee uu mihnadda suxufinimo la wadaago, madaxdana u yahay, fannaaniinta, qaar ka mid ah siyaasiyiinta dalka iyo weliba noocyada kala duwan ee qaybaha bulshada, iyadoo kasbashadaasina u suurtogelisay inuu ka mid noqdo shaqsiyaadka ugu caansan geyiga Somaliland.

Dadka dhaliila hab-dhaqankiisa siyaasiga ah oo lagu tilmaamo mid ku dhisan hadal-dhiirranaan iyo aftahannimo Ilaahay hibo u siiyey, ayaa u yaqaan nin afmiishaarnimadiisu xudun u tahay xilal ka kala duwan ee loo magacaabo, iyadoo xilalka loo dhiibo laf-dhabar u yihiin sidii uu u difaaci lahaa cidda magacawday.

Laakiin taageerayaashiisa ayaa u arka halyey hiil siyaasadeed leh oo ragganimadiisa laysku hallayn karo, balse fudaydnimadiisu afka u geliso arrimo xaasaasi ah.

XIGASHO: JAMHUURIYA