Markab u raran Ganacsatada Somaliland oo Budhcad-badeeddii Aftuubtay sii daysay iyo Xaddiga madaxfurasho laga bixiyey

Hargeysa, 12 April, 2012 (SLpost)- Markabkii u rarnaa ganacsatada Somaliland ee budhcad-badeedda Soomaalida ahi ku haysteen xeebaha dalka Soomaaliya ayaa maanta la sii daayey ka dib markii laga bixiyey Lacag madax-furasho ah.

Sida uu shabakadda SomalilandPost u xaqiijiyey wakiilka Markabka u fadhiya magaalada Berbera Sh. Axmed-sayid Maxamed Mire oo isaga oo ku sugan magaalada Boosaaso Khadka telefonka noogu warramay, inay Madax-furasho ka bixiyeen soo-daynta Markabkaas u rarnaa Ganacsatada Somaliland isla markaana uu hadda Dhexda ku soo jiro, habeen dambena lagu wado inuu yimaaddo magaalada Berbera.

“Walaal Markabkii waa la soo daayey oo wuu nabad-qabaa, arrintiisu way dhammaatay oo dhexda ayuu ku soo jiraa, habeen dambe ayaanu Berbera imanayaa,” ayuu yidhi Sh. Axmed.

Wakiilkani waxa uu sheegay in dedaalkii loogu jiray soo deynta markabta uu ku soo af-jarmay ka dib markii ay wada-xaajood la yeesheen Budhcad-badeedda Markabka haysata, isla markaana ay madax-furasho siiyeen kooxda budh-cadbadeedda ah.

Mar aanu weydiinay xaddiga madax-furashada ah ee ay siiyeen Budhcad-badeedda ah, Wakiilku wuu ka gaabsaday inuu Carrabbaabo tiradeeda sababo amni awgeed, balse wixii faahfaahin ah ee intaas dheer uu bixin maalinta Barri ah.

Haseyeeshee, ilo-wareedyo ka ag-dhow qaar ka mid ah Ganacsatada Markabku u raran yahay, ayaa Shabakadda SomalilandPost u  xaqiijiyey in Markabka laga bixiyo Qaddar Madax-furasho lacageed oo dhan $250,000 (Laba boqol iyo Konton kun oo Dollar).

Sh. Axmed waxa uu deyro ka muujiyey isla markaana wax laga xumaado ku tilmaamay dhacdadan oo ah tii ugu horreysay ee la soo derista Ganacsatada Soomaalida gaar ahaan Somaliland isaga oo tilmaamay inay dhacdadani dhaawac weyn ku yahay isku-xidhnaanta ganacsiga Bulshada Soomaalida ah.

“Runtii waa wax aan sharciyadda, insaaniyadda, caqliga iyo garashada midna ku haboonayn maaha, waana arrin xaqdarro ah, waxaanay ka mid tahay dhibaatada haysata dadka Soomaalida ah,” ayuu yidhi Wakiilka Markabka u fadhiya magaalada Berbera Sh. Axmed Sayid Maxamed Mire.

Markabkan oo magaciisa la yidhaahdo MV Leila kana soo goostay dekedda magaalada Dubai ee dalka Isu-tagga Imaaraadka Carabka ayaa isaga oo ku soo jeeda dekedda magaalada Berbera, waxa ay koox budhcad-badeed Soomaali ahi Bishii February ee sannadkan ka afduubay xeebta Dalka Cumaan, waxaanay isla markiiba budhcad-badeeddu dalbatay lacag madax-furasho ah oo aan xaddigeeda la sheegin, balse todobaadkan gudihiisa ayey ahayd markii warbaahinta qaar shaacisay in budhcad-badeeddu dalbatay xaddi lacageed oo dhan 2 Milyan oo Dollar.

SOMALILANDPOST.NET

webmaster@somalilandpost.net