Markab Xoolo ka qaaday Berbera oo ku xanniban Jeddah iyo Xukuumadda Somaliland oo si adag uga hadashay

Hargeysa (SLpost)- Markab xoolo-nool ka qaaday Dekedda Magaalada Hargeysa, ayaa ku xanniban Dekedda Magaalada Jiddah ee dalka Sucuudi Carabiya, waxaana arrintan ka hadlay xukuumadda Somaliland oo tallaabada lagu xannibay markabka ku eedaysay inay ka dambayso dowladda Soomaaliya.

 

Wasiirka Wasaaradda Xannaanada Xoolaha Xasan Gaafaadhi iyo Guddoomiyaha Rugta Ganacsiga ee Somaliland oo maanta si wada-jir ah ula hadlay saxaafadda, ayaa sheegay in markabka loo xannibay ruqsad ay ka soo qaataan dowladda Muqdisho.

 

Faahfaahinta Warkan kaga bogo Muuqaalkan Hoose