Markab Ku Xidhan Dekeda Berbera Oo Hal qof ku dhintay markii Wiish ku soo Go’ay

Berbera, (SLpost)- Markab ku xidhnaa dekeda Berbera oo lagu magacaabo Fartuun Express ayaa caawa gaystay shil sababay dhimashadda hal qof iyo dhaawac hal qof oo kale. kadib markii uu ka xumaaday wiishka saaran xagiisa sare ee loo isticmaalo dejinta iyo rarka xamuulka uu qaado.

Marxuumka shilkaa dhintay ayaa magaciisa la odhan jiray Marxuum-Maxamud Xuseen Xasan (Dagaal), halka ka dhaawacmay oo xaaladdiisu aad u liidato lagu magacaabo Maxamed Caydiid Jibriil, kaas oo la dhigay cusbitaalka magaalada Berbera.

dekada

Iyadoo aan la cadeyn sababta cilada keentay ayaa sida ay wararku sheegayaan qofka ku dhintay shilka uu ka mid ahaa shaqaalaha oo hoos marayey Kontiinar uu wiishku siday, halka ka kalena dhaawac culusi ka soo gaadhay shilkaas.

Masuuliyiinta dekeda ayaa xaqiijiyay in shilka Markabkaasi sababay dhimashada iyo dhawaacaba, waxaanay sheegeen in labaduba ay ka tirsanaayeen shaqaalaha dekeda, waxaanay xuseen in wiishka oo koontiinar sidaa daakiyey, isla markaana dheega ku dhuftay labadaas qof.

Masuuliyiinta dekeda Berbera ayaan faahfaahin dheeraad ah ka bixin sababta keentay khasaaraha ka dhashay wiishka markabka ee go’ay.

Somalilandpost.net

Berbera