“Marka ay Madaxtooyada qaranka iyo wasiirada xukuumada Kulmiye, hantida umadda ku bixiyaan laaluush, guulwadayn, mansab-bixin… Maxaa laga fili karaa Garsoorka oo aan…” – XISBIGA WADDANI

codyareHargeysa (SLpost)- Xisbiga Mucaaradka ah ee Waddani, ayaa tilmaamay sida aanu ula yaabbanayn in Maxkamadaha dalku si caddaalad ah u qaadin dacwadaha mucaadiniinta dalka, isla markaana ay dhuuni yar dhaafsadaan garsoorkii ay masuulka ka ahaayeen, waxaanay taas sabab uga dhigeen inay xukuumadda talada haysaa baal-martay nidaamka dawladnimo ee dalka.

War-saxaafadeed ka soo baxay Xisbiga Waddani, kuna saxeexan yahay Guddoomiyaha Guddiga Warfaafinta isla markaana ah hanti-dhowrka Guud ee Xisbiga Xasan Xuseen Maxamed (Codyare), ayaa lagu sheegay inay xukuumadda Xisbiga Kulmiye lumisay wada-lahaanshihii iyo kala-dambayntii dawlanimo, taasina ay sababay inay meesha ka baxaan u sinnaanta shacabka ee nidaamka cadaaladda, shaqaaleysiinta iyo Hantida Qaranka.

Warsaxaafadeedka, ayaa u qornaa sidan: “Guuldarooyinka xukuumadda Kulmiye ee sida isdaba jooga ah isaga soo dabadhacaya waxaa ka mid ah;

-Milgihii dawladnimo, kala danbayntii, iyo wax wada-lahaanshihii bulshada Somaliland oo maalinba maalinta ka danbaysa meesha kasii baxaya.

-Waftiyada beelaysan ee safarada u baxa taas oo macnaheedu yahay daahfurnaan la’aanta iyo sadbursiga Xukuumadda Kulmiye ku soo kordhisay geedi socodkii dimuqraadiyadda Somaliland.

-Xukuumadda Kulmiye oo si badheedh ah u cadaysatay Musuqmaasuqa ka dhex jira iyo laaluushka aafeeyey dhamaan ha’yadaha ay fulintu kow ka tahay islamarkaasna saameeyey Caddaaladda iyo  Garsoorka  dalka.

Sida uu caddeeyey Wasiirka Wasaaradda Arrimaha gudaha Mudane Cali Maxamed Warancade in bahda caddaaladdu ku shaqayso laaluush iyo wax is dabamarin ay kasoo dheegatay xukuumadda uu wasiirka ka yahay.

Waxaanu leenahay Wasiir ’Geela Duqdiisi Durdurisay Aarankiisana Maxaad Mooday”

Marka ay Madaxtooyada qaranka iyo wasiirada xukuumada Kulmiye, hantida umadda ku bixiyaan laaluush iyo guulwadayn iyo mansab-bixin iyo shaqaalayn beelaysan oo caddaaladda ka fog si ay u meel marsadaan ujeedooyinkooda ay danaha gaarka ah ka leeyihiin

Maxaa bahda garsoorka  iyo Caddaaladda  laga fili karaa oo aan ahayn in ay maraan  waddada musuqa ee ay xukumaddu bartay.”

SOMALILANDPOST.NET