Marin-Habowga Maskaxeed Ee Dhalinyarrada! – W/Q: Guuleed Ibrahim

Ummad wali ba waxay ku faantaa aqoonta iyo kartida ay leedahay dhalinyarteedu (Human Resource), mustaqbalka bulsho ama waddan kasta na waxaa laga saadaaliyaa firfircoonida iyo hal-abuurnimada (Creativity) jiilka xiligaasi u soo kacaya bulshadaasi. Waddamada adduunyaduna waxay u kala ayaan badan yihiin oo ay u kala yididiilo roon yihiin sida ay u kala dh…alinyarro badan yihiin, waa se marka dhalinyarradaasi la jiheeyo ee lagu barbaariyo manhaj loogu tallo-galey in uu soo saaro hoggaamiyayaasha mustaqbal ee bulsho ama waddan. Sidoo kale waa in dhalinyartu ay heshaa hoggaamiyayaal ama lagu hirteyaal ay ku dayan karaan ama ay ka dhigan karaan yool ay ku taamaan in ay mar uun sida hoggaamiye hebel oo kale dalkooga, dadkooga iyo diintooda ba horumar gaadhsiin karaan, naftooda u huri karaan ama taariikhda dalkaasi ka mid noqon karaan.

Inkastoo la odhan karo waddan kasta oo haysta dhalinyarro tiro badani wuu ka mustaqbal fiican yahay waddamada aan haysan xoog dhalinyarro, haddana waxaa laysku raacsan yahay in haddii aan dhalinyarradaasi loo diyaarin deggaan u saamaxaya inay doorkooga ka geystaan horumarka bulsho, dhaqaale ama siyaasaddeed ee dalkooga iyadoo laga dhisay dhinaca aqoonta siyaasaddeed, dhaqaaleed, bulsheed iyo diineed, ay iyaga laftirkoogu caqabad ku noqon karaan nolol wanaaga waddankaasi ama bulshadaasi. Waxaa na lagu sababeyn karaa laba arrimood; waa marka kowaade, haddii aan dhalinyarrada wadan ama bulsho lagu barbaarin manhaj u suurto galinaya in ay masuuliyad qaran qaadi karaan ama aanay badankoogu ka dhisnayn dhinaca aqoonta bulsho, dhalinyarradaasi waxay hagardaameyn karaan nidaamka nabadgaliyo ama nololeed ee dalkaasi, waayo aqoon ahaan ma awoodi karaan in ay masuuliyad qaran qaadaan. Waa sababta labaade, haddii dhallinyarradu ay aqoon leedahay laakiin la marin-habaabiyey oo cid danno gaar ah lahi ay si gaar ah wax uga dhaadhiciso ama bulshadaasi ay ku dhaqanto dhaqan dadka kala fogeeya sida qabyaalad ama hoggaan xumo ka jirta waddankaasi, dhalinyarradu iyagoo u haysta in ay dalkooga wax u tarayaan ayey wax badan si khaldan u fuliyaan taasi oo abuurta is-faham waa’ bulsheed iyo maamul xumo baahsan.

Dalkeenu, inkastoo uu kamid yahay waddamada ugu dadka yar adduunyada, haddana muwaadiniinteena ayaa u badan dhalinyarro oo waxaa ba lagu qiyaasaa in dadkeena 70% ay dhalinyarro yihiin. Waxaa se nasiib-darro ah, in markaad u fiirsato manhajkeena aad is odhanayso malaha waxaa loogu talo-galey caruur aasiyaan ama yurubiyaan ah waayo taariikhda, juqraafiga iyo cilmiga bulshada ee dalkeenu ba way ku yar yihiin manhajkeena. Taasi waxay keentay in haddaad ardeydeena weydiiso kumaa ahaa Yusuf X. Aadan ama Cabdillahi Suldaan? Ay suurtoobi karto in ay garan waayaan laakiin ay si fudud u gartaan George Washington ama Queen Victoria. Iyadoo manhaj doorsoon kaasi uu jiro oo aanay dhalinyarradeenu hiigsan karin hankii hoggaamiyeyaasheenii ama halgamayaashii hore ee taariikhdu xustay, ama se aanay la kulmin ba intii ay noolaayeen dawlad wanaagsan oo uu hoggaaminayo hoggaamiye wanaagsani, halka ay u soo taagnaayeen dagaalo sokeeye, musuq-maasuq iyo maamul xumo baahsan oo aan qofna qofka kale kala xishoonayn ayaa waxaa jirta in aan weli cidna is weydiinin sidii loo soo saari lahaa jiil mustaqbalka hoggaamiya dalka.

Advertisement

Maamul xumada iyo manhajkaasi liita marka laga yimaado, waxaa ka sii daran marin-habowga maskaxeed ee lagu abuurayo dhalinyarrada. Halkii laga hagaajin lahaa manhajkeena waxbarasho ama dhalinyarrada lagu dhiirigalin lahaa in ay aqoontooda dhisaan oo machadyo cilmi-baadhiseed loo samayn lahaa ayaa dawladeena iyo hay’adaha madaxa-banaani ba ay dhalinyarradii ku mashquuliyeen mashruucyo aan wax badan soo kordhinayn sida ka hortaga fircooniga ama tacadiyadda dumarku la kulmaan guud ahaan iyo ka qaybgalka siyaasaddeed ee dhalinyarrada, haweenka, naafadda iyo dadka laga tirada badan yahay, garo’oo waa bulsho loo kala ab-tirinayo. Waxaa run ah in dhamaan mawduucyadaasi aan ka dhawaajiyey ay saameeyaan dhalinyarrada laakiin dhaqaale iyo wakhti aanay mudneyn ayaa lagu lumiyaa oo weli ba wax ba lagama qabtee waa siminar iyo tabobar ma dhaafto!!

waxaa lagu guulaystay olole ay dhalinyarradu ugu jirtay in hoos loo dhigo da’da lagaga qayb-gali karo tartanka doorashooyinka deeggaanka, runtii waa wax lagu farxi karo laakiin waxaad argagaxaysaa markaad aragto ilaha ay fikradahani ay ka soo burqanayaan oo ah qolada aan ugu yeedho siyaasiyi is-moodka qaloocday waa dhalinyarrada ka xoogsata siyaasadda malaha waxaad ku qososhay ama aad la yaabtay siyaasad iyo ka xoogsigeeda, ha la yaabin dalkeena siyaasaddu waa shaqada qudha ee aan aqoon iyo karti midna lagu helin, waa nin iyo qabyaalad ku dhaqankiisu iyo guul wadeyntiisu halkay dhigto. Meesha kalena waa haya’adaha caalamiga ah oo maashaariicdoodu u badan tahay xuquuqul insaan iyo ka qaybgal siyaasaddeed oo markaad aragto buug-gacmeedyadooda (Handout/Manual) aad fahmayso in ay si khaldan ugu fasiraan ama u fahamsiiyaan dhalinyarrada iyo haweenka.

Ku dhowaad 60% ka mid ah dhalinyarradeena ayaan fursad u helin in ay wax bartaan, halka intooda wax barateyna in ka yar 45% ay heer jaamacadeed gaadhaan. Waxaynu u baahanahay in dhalinyarrada badankoogu ay fursad u heli karaan in ay wax bartaan oo ay weliba ugu yaraan heer jaamacaddeed gaadhaan. Waxa kale oo loo baahan yahay in la abuuro qorshe lagaga faa’iideysanayo aqoonta iyo xooga dhalinyarrada iyadoo loo abuurayo shaqooyin ku filan dhalinyarrada jaamacadaha ka soo qalin-jebisay. Dhalinyarrada aan fursada u helin in ay wax bartaana waxaa wanaagsan in loo sameeyo meelo lagu barro xirfado shaqo.

Marna ba ma wanaagsana in qof dhalinyarro ah oo aan mustaqbalka noloshiisa meel dhigin ama aan aqoontiisa dhisin uu ku degdego ka qaybgalka siyaasaddan khariban, waayo wuxuu halis u yahay inuu ka mid noqdo maamul xumada, af-xumada iyo musuqmaasuqa baahsan ee astaanta u ah siyaasiyiinteena maanta, waaxaana loo adeegsan karaa xumaan kasta. Qofka dhalinyarrada ah ee wax bartay, noloshiisana ku filani wuu gali karaa siyaasadda waana dadka uu dalkani u baahan yahay in ay ka siifeeyaan calooshood u shaqeystayaashan aynu u haysano siyaasiyiinta.

By Gullied Ibrahim Hassan

University of Hargeisa, Faculty of Law

Follow us On