Margaret Thatcher: Haweenaydii u horreysay ee Raysal-wasaare ka Noqotay Ingiriiska oo Geeriyooday iyo Codsi Qoyskeedu U jeediyeen Dawladda dalkaas

London (SLpost)- Raysal-wasaarihii hore ee dalka Ingiriiska Margaret Thatcher oo qayb-laxaad leh ka soo qaadatay siyaasadda Casriga ah ee Dalka Ingiriiska, ayaa u geeriyootay xannuun ay muddo badan u dhul-yaal u ahayd.

Margaret Thatcher oo ka tirsanayd Xisbiga Conservative-ka,  dalka Ingiriiskana Raysal-wasaare ka ahayd intii u dhaxaysay 1979 ilaa 1990-kii, ayaa  caalamka ka kasbatay karaamo lagu qaddariyo iyada oo door muhiim ah ka geysatay siyaasadda Caalamka intii uu socday Dagaalkii Qaboobaa ee Adduunka, iyada oo noqotay haweeneydii ugu horreysay ee qabata jagada Raysalwasaaraha Ingiriiska.

Margaret Thatcher waxa ay isbeddel weyn ku sameysay siyaasadda dalka Britain markii ay awoodda qabsatay sanadkii 1979.

Waxa ay sameysay isbeddelo xagga siyaasadaha dhaqaalaha, oo ay ku jirto shirkadaha gaarka loo leeyahay iyo xakameynta ururada shaqaalaha, taasi oo ka dhigtay qofka loogu jecel yahay marna qofka loogu neceb yahay siyaasiyiinta dalkaas.

ThatcherMargaret Thatcher oo masraxa siyaasadda dalkaas looga Yaqaanay magaca ‘Iron Lady’, ayaa la qorshaynayaa in Aas ballaadhan loo sameeyo, in kasta oo Qoyskeedu codsadeen in lagu Sharfo Jinaasaddii loo dhigay geerida Amiirad Diana oo kale.

Afhayeen u hadlay raysal-wasaaraha Ingiriiska, , ayaa sheegay in dad badan oo xidhiidh la lahaa Thatcher lagu soo casuumi doono, ka dibna si gaar ah loo aasi doono. “Waa rabitaankii Thatcher in ciidanku ka qeybgalo aaskeeda. Markaa qeyb weyn ayey ka qaadan doonaan,” ayaa lagu sheegay qoraal ka soo baxay Downing Street.

Naxashka Thatcher ayaa maalin ka hor aaskeeda la geyn doonaa qasriga Westminster, ee baarlamaanka Ingiriiska. Maalinta xigtana, dhamaan gawaadhida ayaa laga xanibi doonaa waddooyinka, si naxashka loo mariyo waddooyinka iyadoo ciidamadu xabado u ridi doonaan. Halka ugu dambayn, salaan sharaf ciidamadu ku siin doonaan, sida ay uu sheegay afhayeenka xafiiska Raysalwasaaruhu.

Thatcher ayaa muddadii ay raysal-wasaaraha ka ahayd Ingiriiska loo aqoonsaday naanaysta  “Gabadhii birta ahayd.”

SOMALILANDPOST.NET