Mareykanku Muxuu Ka Yidhi Baadhitaanka FIFA?

Washingtong, (SLpost)- Waaxda cadaaladda ee dalka Mareykanka waxay soo saartay warbixin ku saabsan sida uu u dhacay musuqmaasuqa lagu eedeeyay FIFA iyo sida uu u dhacay, waxayna waaxda sheegtay in arrintani ay tahay sida ay baadhitaanka u fulinayaan FBI da Mareykanka.FIFFA

Waxa ay daabacday qoraal 40 bog ka kooban oo ay ka mid yihiin markhaatiyaasha, waxaana ka muuqday in madixii hore ee fulinta ee FIFA ee u dhashay dalka Mareykanka uu lagu eedeynayo 10 dembi oo ka mid ah lacag is-dabamarin, lacago si xun lagu kasbado, iyo cashuur ka baxsi.

Waxa qoraalkan sidoo kale ku cad inuu sheegay ninkan in isaga iyo madaxda kale ay laaluush qaateen intuu uu socday loolankii ay South Afrika ku soo baxday ee marti-gelinta ciyaarihii 2010-kii.

Faafaahinta ayaa soo baxaysa maalin, ka dib markii madaxweynihii xidhiidhka kubadda cagta ee FIFA Sepp Blatter uu ku dhawaaqay inuu is-casilaayo.

Laakiin xog-hayaha guud ee FIFA, Jerome Valcke ayaa tilmaamay inuu dembi aanu galin, isla markaana  aanu ku lug lahayn qaadashada in ka badan 10 milyan oo doollar oo la sheegayo inay lunsadeen xubnaha FIFA, taasoo ah midda ay mareykanku Baadhayaan.

Mr Valcke ayaa u sheegay Info Radio ee dalka faransiiska, in isagu aanu marna ka qaybgalin musuqmaasuqa, isla markaana aanu aaminsanayn inuu is-casilo.

“Ugu horeyn, ma jirto sabab aan u idhaahdo, masii ahaanaayo xoghayaha guud, iyadoo laga tixraacayo wixii dhacayay maalmihii la soo dhaafay”, ayuu yidhi Mr Valcke.

Waxa uu sidoo kale qiray inaysan “Masuuliyad igama saarno, mana jiraan wax aan isku eedeeyo, mana dareemayo inaan dembi galay, umana qiildayayo sida aan eedlaawe u ahay.”

Dacwad oogeyaasha Mareykanka waxay tilmaamayaan inay baadhayaan isku xidhnaanta arrintan, iyagoo ka shakisan in laaluush la bixiyay xilligii ay socotay codeyntii ciyaarihii 2010-kii ee South Afrika ay qabatay.

FIFA waxa ay sheegeysaa in lacagtaasi ay South Afrika ku caawisay ciyaaraha Caribbeanka.

Somalilandpost.net